Borama-(Lug)-Dhawr iyo toba casho ayaa laga jooga tan iyo markii  u wadahadalka siyaasadeed u bilowday xukuumadda Rayaale iyo mucaaradka kala qaybsan ee kasoo horjeeda madaxweynenimadiisa  ilaa 15kii May .Wadahadalkaasoo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed  ee soo kala dhex galay axsaabta mucaaradka hoggaaamiyayaashooda  dawladda iyo xisbigeeda UDUB oo muddadaasi loo dhegtaagayey waxa kasoo bixi doona ,ayaan weli la sheegeyaa in wadahadkaasi socdo meel fiicabna uu marayo.

Balse marka loo dhabbo galo sidii looga bartay Rayaale iyo sida maanta xaalku yahay ayaa dad badan oo xisbigaasi dawladda iyo xukuumadaba taageera ka cadhaysan yihiin  wakhtiga dheer  ee  mucaaradka lala xaajoonayo ,iyadoo khilaafyadii hore  uga dhacay dalka ee ay sababta u ahaayeen  axsaabta ama dawladuba ay heshiisyada kasoo baxaayi ahaan jireen kuwa aan ka duwanayn qorshe kasta oo xukuumaddu ku doonayso  inay teeda noqoto laguna raaco ,go’aamadeedu hadday sharci yihiin iyo haddii ay sharcidarro yihiinba ,xoog iyo xeerna  midkay doontaba ha ahaatee  ay ku meelmarsan jirtay .

Haddaba  maanta oo ay jiraan isla khilaafyadii lasoo maray kuwa aan sidaa uga xoog badnayn ,balse aad mooddo inay ka cilmiyeysan yihiin ayaa weli la  sheegeyaa in doorkan ay  xukuumadda ka muuqato  welwel iyo baqdin an hore usoo marin .Inkastoo xoog milatari ,xoog Boolis ,iyo xoogag taageerayaal ahba ay waayadan suuqyada caasimadda dawladdu kusoo bandhigaysay ,laguna caabsigeliyey mucaaradka  maalmihii u dhaxeeyey 15may iyo 18may,haddana weli ma muuqato shakiga xukuumadu ka qabto in xaaladda siyaasaded ee maantu ka khatar badan tahay kuwii la arki jiray.

Xukuumadda Rayaale oo lagu yaqaanno in wakhti kastoo ay cidhiidhi gashaba soo abaabusho  salaadiin ,cuqaal ,aqoonyahanno diineed ,iyo waxgaradka ku nool Hargeysa ama gobolada kale laga soo daadgureeyo ,maantana ay sidii uun usoo abaabushay ayaa la garan laayahay meesha ay xukumadda wax uga dhaqaaqi laayihiin  ,loona soo dedejin lahaayeen go’aanno iyo heshiisyo mar kale hoggaamiyayaasha mucaaradka ku celiya guryihii ay ka  hoos calaacali jireen  marka lagaga gudbo xaaladdii taagnayd .

Dad badan oo arrimahaasi ka hadli jiray ayaan maanta ogeyn meel wax marayaan ,balse kuwa ugu dhaw dhawi kuu sheegeyaan in axsaabta mucaaradka hogaamiyayaashoodu ku mitidayaan  sidii  ay ugu adkaysan lahaayeen mawqfikoodii 15 May ee ahaa in la sameeyo dawlad wadaag ah ama lasoo yareeyo  xilliga Rayaale talada dalka sii hayn doono ,balse arrinta ugu daran ee laga dhaqaaqi laayahay tahay muddo kordhintu guurtidu ma sharcibaa mise waa sharcidarro ,taasoo hoggaamiyayaasha mucaaradku ka baqayaan in inay tahay  mawduuca ay kaga dhici karaan saaxadda siyaasadda  Somaliland ,kuna lumin lahaayeen  kalsoonida taageerayaashooda ,sidaa darteedna  ay doonayaan in luqada heshiiska labada dhinac la beddelo balse aanay waxba isla diiddannayn.

Dhinaca kale xukuumadda cidda kaga jirta wadahadaladaasi iyo mucaaradka cidda kaga jirta ayaa ku kala qaybsan sida meelmar uu u noqon karo go’aanka la doonayo in la kala saxeexdo .Tusaale ahaan waxa la sheegeya in Muuse Biixi ,ahna nin lagu tiriyo mucaaradka mayalka adagi uu muujiyey dabacsanaan ka badan tan laga filayey Axmed Siilaanyo, isla markaana haatan arrintu isku bedeshay sidii loo heshiisiin lahaa Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi  iyadoon la gaadhinba heshiis ay wada jir iyaga iyo dawladdu u kala saxeexdaan.

Dhinaca kale xukuumadda ayaa lagu eedeynayaa inay la daahday oo ay muujisay bakhaylnimo,kaddib markii  meesha la keeni keeni waayey  kharashyo indhaha u buuxiya hoggaamiyayaasha axsaabta mucaaradka ,arrintaasoo Wasiirka maaliyaddu ka hagraday  saaxiibkiisa Rayaale ,isagoo wasiirka maaliyaddu la sheegeyo inuu  heshiis af  madhan ah ku meel mariyo wadahadaladan

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegeya in  wada hadalkan  u socda Dawladda iyo labada nin ee hoggaamiya xisbiyada UCID iyo Kulmiye  ay dib udhacooda sabab u yihiin  is aamin la’aanta ka dhex taagan labada dhinac oo aanay jirin cid damaanad qaadaysa in xukuumaddu kasoo baxayso waajibaadka la faro ,iyadoo labada nin ee kale  ay casharro ku saabsan heshiiskaasi hore usoo arkeen ,haatan ay ka maagayaann inay mar kale meel cidlo ah ku dhacaan.

Warar kale ayaa iyaguna sheegeya in marka hore la doonayo in la dhammeeyo heshiis dhexmara labada nin ee xisbiyada mucaaradka ah  iyo guurtida oo wadahadallo fool ka fool ah yeeshaan ,muddo kordhintana ay guurtidu doonayso inay Rayaale ku khasbaan sidii loosoo gaabin lahaa go’aankaasi ,balse la isku mari laayahay ciddii wada hadalkaasi geli lahayd.

Midda kale ee laga soo sheegeyo wadahadalkan maanta xukuumaddu maanta  meel marsan laadahay ayaa la sheegeyaa inay ka dhalatay dareenno kale oo ku saabsan in xukuumaddu doonayso in mansabyo heer wasiir ah u dhiibto siyaasiyiin kasoo jeedda xisbiyada mucaaradka ,balse arrintaasi laga durkiyo inay noqoto dawlad wadaag ah ,ee ay  noqoto siyaasiyiin kasoo baxday xisbiga Kulmiye oo kusoo biirtay UDUB abaalgudna looga dhigay mansabyada loo magacaabay .

Si kastaba ha ahaatee weli dadweynaha reer Somaliland ee kala taabacsan laba  garab ee isku haya siyaasadda dalka ayaa la sheegeyaa in dabadheeraynta  wadahadalkani yahay mid lagu illawsiinayo  dareenkooda kacsan ee ku saabsan xadgudubka xukuumadda Rayaale  ay ka tirsanayaan,iyadoo dhinaca kalena xukuumaddu la sheegeyo inay ku dedaalayso in ay wakhtigan kaga dhabayso heshiiska ay la gashay axsaabta mucaaradka ,arrintan oo baalmarsan  dabeecadihii lagu yaqaanay xukuumadda ee ay mar walba mucaaradka marsiin jirtay dano kasta oo ay ka leedahay dhinaca siyaasadda ,balse in arrimuhu sidaa yihiin iyo inay wax kale jjiraan ayaa la ogaan doonaa maalmaha ama wiigagga soo socda ,ayna kala caddaan doonto in mucaaradku  weli ka fog yihiin inay la baratamaan.


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama