Hargeysa-(Lug)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md.Nuur Aamin Ismaaciil isla markaana madax ka ahaa guddidii qabanqaabada wan-qalka gobolka Cusub ee Gabiley ayaa ka hadlay sidii ay u qabsoontay xafladdii loo sameeyey gobolkaasi.

Wasiirka oo saaka oo xafiiskiisa ugu waramayay qaar ka mid ah Shabakada Wararka ayaa u mahadnaqay Madaxwayne ku xigeenka,Wasiiradda, Hogaamiyeyaasha Xisbiyada, Marwada Madaxwaynaha, Salaadiintii iyo dawaynihii ka kala yimid gobolada dalka ee ka qayb galay xafladdii wan-qalka gobolka cusub ee Gabiley, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Si fiican ayay u qabsoontay kuna dhamaatay xafladdii wan-qalka G/Gabiley, si wanaagsan ayay uga soo qayb galeen wanan uga mahadnaqaynaa dhammaan Madaxdii iyo waxgaradkii reer Somaliland ee lagu casuumay.”

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu ammaan u soo jeediyay Guddidii qabanqaabada Xaflada oo u badnaa Agaasimeyaal iyo maareeyayaal ka tirsan Xukuumada oo ka soo jeeda G/Gabiley, halka uu si gaar u bogaadiyay dadkii xafladaas kaga qayb galay Ciyaarihii Hidaha iyo dhaqanka iyo bandhig faneedkii lagu soo bandhigay xaflada.

Md Nuur Aamin Ismaaciil oo la waydiiyay inay jirtay cabasho ka soo yeedhaysay qaar ka mid ah Martidii xaflada ka soo qayb galay oo dhaliilayay sida loo agaasimay munaasibadaasi ayaa ku jawaabay inaanay jirin wax galdaloolo ah oo ka muuqday guud ahaan xaflada dabaaldegaasi haseyseshee ay jireen dhaliilo yar yar oo dhinaca farsamada ah taasi oo uu ku dooday inay sabobtay faro badnaanshihii ka soo qayb galayaashii xaflada.

Wasiirka Madaxtooyadu oo la waydiiyay inuu jiray khilaaaf u dhaxeeyey guddigii qabanqaabada iyo maamulka magaalada Gabiley, ayaa beeniyay jiritaanka khilaafkaasi haseyeeshee waxuu qiray in dhinaca farsamada iyo qabanqaabada oo qoloba ay si wax u arkaysay balse ay ka midaysnaayeen suurto galinta Wan-qalka iyo furitaanka Gobolka Gabiley.

Wasiirku waxa uu raali galin ka bixiyay Kamarado iyo qalabkale oo xafladaas kaga burbaray qaar ka mid Hayadaha Warbaahinta dalka isagoo tusaale u soo qaatay Wargeysa Maalmaha.

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughayanews-Hargeysa.