Boorama-(Lug)- Aqooniswaydaarsi loogu talo galo galay in lagu tayeeyo maamulayaasha dugsiyada gaarka ah ee aasaasiga ah ee xarumaha u ah waxbarashada caruurta dantyarta ah ee loo yaqaan (ABE) ayaa shalay looga furay xarunta waxbarashada ee gobolka Awdal 28 maamuleyaal oo ka kala socday gobolada Sanaag Sool Saaxil iyo Awdal.

Aqoon iswaydaarsigan oo socon doona mudo 3 maalmood ah ayaa ujeedadiisu ay tahay sidii looga shaqan lahaa diiwaan galinta xogta ardayda, qalabka waxbarashada loo isticmaalo, imtixaanaadka iyo wax walba oo ku tacaluqa hagaajinta hormarinta waxbarashada dugsiyada aasaasiga ah.

Aqooniswaydaarsigan ayaa waxa iska kaashaday wasaarada waxbarashada ee dalka iyo hayada SCF-Denmark ayaa waxa furitaankiisii ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Awdal Prof. Daahir Maxamuud Xadi waxana uu ka waramay in uu Aqooniswaydaarsigani yahay mid lagu xaqiijinayo himilooyinka wasaarada waxbarashada ee ku aadan sidii loo hagaajin lahaa maamulka iyo waxbarashada caruurta dhigata dugsiyada aasaasiga ah, isla markaana ay ku jiraan qorshayaal dhinaca tayanta casharada iyo habka gudbinta casharada ah si loo helo caruur ay aqoontoodu dhisantahay iyo macalin iyo maamule u heelan in ay kobciyaan ubadkaas danyarta ah, waxana uu uga mehed celiyaya hayadaha ka qaybqaata waxbarashadan ABE-ga sida wanaagsan ee ay u wadaan hawlahooda.

Masuul sare oo ka socday hayada SCF-Denmark Axmed Abokor ayaa ka waramay in qorshaha hayadan ay ku jirto in la taageero sidii loo soo saari lahaa caruur danyar ah oo xag cilmi iyo xag maskaxeedba ka dhisan isla markaana ka faa’iidaysta barnaamijyadan. Waxana uu tilmaamay in gobo badan oo gololka Awadal iyo Salalba ah ay ka hawl gasho hayadani.

Waa markii u horaysay ee Aqooniswaydaarsi loo qabto maamulayaal ka kala socda gololo galaduwan oo dalka ah lagu qabto Boorama

 


Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama