mosque.jpgBoorama-(Lug)-Fahanka dadka reer Boorama ee ka qaybqaadashada arimaha diinita islaamka quseeya ayaa si wayn u kordhay sanadahan dame, kor u kacan ayaa laga dareemayaa magaalada oo dhan waxana aad arkaysaa masaajid walba oo aad ku tukuto in uu camiran yahay salaadaha Shanta ah ee la tukado waxana intaasi sii dheer oo barbar socda muxaadarooyin iyo tafsiiro diini ah oo inta badan laga akhriyo banaanada iyo masaajida  magaalada Boorama.

Waxa kale oo iyaduna jirta in tirade masaajidada ah ee ku yaala magaalada Boorama ay aad u koradhay oo ay Boorama manta ku yaalaan in ka badan 50 masjid oo ay 20 ka mid ahi yihiin kuwo waawayn oo lagu tukadoi salaadaha Jimcayaasha, masaajidadan ayaa badidooda waxa dhisay haydo carbeed oo gacansaar wayn la leh ururada islaamiga ah ee ka jira magaalada Boorama.

Dhalinyarada reer Boorama oo ah kuwa inta badan laf dhabarta u ah hawlgalada dhinaca diinta ah ee ka socda magaalada Boorama ayaa waxa aad kula kulmaysaa iyaga oo ka qaybqaadanaya muxaadarooyinka dhacaya iyo tafsiirada iyo Siirada Nabiga (NNKHA) ee laga mariyo badi masaajidada reer Boorama. Mid ka mid ah wiilasha sida joogtada ah ula socda tafsiirka quraanka kariimka ah ee ka socda Masaajidka jaamaca Qadiimka ah ee magaalada Boorama ayaa Lughayanews u cabiray shucuurtiisa waxana uu yiri “ Waa arin muhiim ah in ay walaalaha kale ee mislinka ahi dareemaan in ay diintu thay mida kaliya ee lagu xasilayo waana hubaal in ay barashada Quraanku tahay waajib waynoo saaran qof walba oo muslin ah”.

Arintan ayaa waxa kale oo laga dareemi karaa in ay saamayn wayn ku yeelatay ku qamaamidii ay dhalinyaro badani ku qamaami jirtay cunida Qaadka oo aad dareemi karto in ay isa soo dhimayso ama aad dhalinyaro badan oo Qaadka cunta aad waqti salaadeed kasta ka heli karto masaajidada magaalada. Dhinaca kale ayaa waxa ay koru kacan dhinaca diinta ah ee magaaladu uu saamayn wayn ku yeeshay barashadii quraanka kariimka ah taasi oo ka dhigtay magaalada Boorama in ay ku soo bataan madarasadaha lagu barto Quraanka kariimka ah waloow ay madarasadahaasi yihiin kuwo ku kala duwan lahjada Quraanka lagu akhriyo.

Dhinaca kale masaajidada magaalada Boorame ku yaala oo dhamaantooduba ku abtirsada firqo islaami ah ayaa dhankiisa looga wadaa marinta muxaadarooyinka diiniga ah oo iyagu ah kuwa lafdhabarta u noqday in ay dhalin badani diinta islaamka u fahanto si ka xoogan sidii hore. Waxadse dareemaysaa mararka qaar in uu jiro tartan hooseed u dhexeeya kooxaha diineed ee ka jira magaalada Boorama kaasi oo ah mid wali aan u soo shaac bixin sida kan siyaasada ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee waa hubaal in ay manta dadka reer Boorama u tafo xayteen kor u qaadista diinta Islaamka isla markaana Boorama ay manta tahay maalintii ay diintu ugu xooganayd marka la barbardhigo sanadihii uu Sheekh Cali Jawhar (AHUN) diinta ku dhigi jiray magaalada iyo sanadihii sagaashamaadkii ee ay jirtay laydhii xooganayd ee Itixaadku.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Luglahanews-Boorama