Boorama-(Lug)-Waxa aad u sareeya xiisaha iyo sugitaanka ay dhalinyarada ku nool magaalada boorama u qabaan tartanka kubada cagta ee qaarada Yurub oo ay ka hadhay mudo 8 cisho ahi, tartankan oo ay si wada jir ah u marti galin doonaan dalalka Austria-Switzerlanda ayaa waxa ay dhalinyarada ku nool magaalada boorama noqodeen kuwo si wayn ugu xisaabtamaya waqtiga la bilaabi doono waxana intaas u sii dheer oo ay dhalinyaradu badi odorosaan cida ay u saadaalinayaan tartankan iyo cida ay waliba taageerayaan.
Suuqyada shaaha lagu cabo iyo badi goobaha ay dhalinyartu ku cawayso ayaa waxa lagu hadal hayaa mawduucyada khuseeya tartankan inagu soo aadan, waxana ay dhalinyaradu u arkaan ka sheekaynta iyo falanqaynta ciyaarahan mihnad muhiim ah oo ay ku kala soocan yihiin inta ay siyaasadu la tagtay ee joornaalada akhriya kana faalooda siyaasada dalka iyo bahwaynta kale ee iyadu ku hawlan ka fikirka dunida inteeda kale. Maraka qaar waxa ay faalooyinkan dhaadheer ee ay dhalinyartu haysaa ay qaarkood u yihiin waqti lumis wayn oo ay ku sugayaan waqtiga uu Qaadku soo dhacayo ama ay isku dhaafinayaan rajo la’aanta dhinaca shaqada iyo mustaqbalka madoow ee ay manta dhalintu madaxa la galayso.
Waxa magaalada Boorame ku yaal 14 goobood oo cayaaraha lagu daawadu si guud waxana aad magaalada ka dareemaysaa in si wayn ay bahda ciyaaraha xiisaysaa u sugayso tartankan waxana inta ka ganacsata ciyaaruhu ay diyaariyeen gobo waawayn oo qaadi kara dadwayne fara badan waxana ay dalka dibadiisa ka soo kiraysteen kaararka ART, SHOWTIME iyo ALJAZEERA Sport si ay uga haqab tiraan dadwaynahan dhalinyarada u badan daawashada cayaarahan. Mid ka mid ah maamulayaasha xarumaha cayaaraha ee magaalada Boorama oo magaciisa la yidhaa Xasan Ibraahim Faarax ayaa Lughayanews u sheegay sida ay u diyaar garoobeen waxana uu yidhi “ waxa aan diyaarinay dhawr goobood oo aan ka baahino cayaarahaas waxana aan ku dadaali doonaa sidii ay macaamiisha Sport-igu u heli lahaayeen adeeg wacan.
Dhalinyarada u sii hamuumta qabta cayaarahan ayaa waxa ay dhamaantood ku rajo wayn yihiin in kooxahooda ay taageerayaani ay guul wayn ka soo hooyaan tartankan waloow ay ku kala duwan yihiin ayaa hadana waxa ay dhalinyarada badidoodu yihiin kuwo u sacabatumaya dalalka ay awooda bidayaan eek ala ah France, Italy, Germany, Spain iyo Holand iyo Portugal oo soo raaca, markase aad celcelis ahaan u fiirsato dalka Fransiiska ayaa ah midka ugu taageeraha badan ee ay dhalinyarada reer Boorama u badan yihiin, waxa kale oo intaasi sii dheer oo uu mid ka mid ah taageerayasha France u sheegay Lughayanews in aanu qabin balanqaad kama dambays ah oo ugu hambalyaynayaa in kooxdiisani ay ku guulaysanayso cayaarahan waxana uu yidhi “ France waa dal awood badan balse nasiibka ayaa is badali kara lagana yaabee in uu dal la mid ah Greece uu markana ku guulaysto.
Waxa hubaal ah in ay daawashada cayaaruhu noqotay mihnad aan cidnina isku diririn oo ay dhalinyarada reer Boorame u wareegtay kadib markii si loo dhan yahay loo xabaalay mahnadii kubada cagta ahayd ee lagu ciyaari jiray magaalada Boorama taasi oo ka dhigtay gobolkii Awdal ee bali ahaan jiray hormuudka kubada cagta ee dalka mid manta lagu magacaabo Hormuudka dib u dhaca kubada cagta ee dalka. Waxase layaab leh sida aanay dhalinta iyo indheergaradka reer Boorama u dareensanayn in ay cayaaruhu yihiin xalka muhiimka u ah dhibaatooyinka manta dhalinyarta haysta.
Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa hubaal ah oo aan la dafiri karin in suuqyadan cusub ee cayaaraha lagu daawada ama lagu falanqeeyaa ay yihiin kuwa dadalay garopoomadii awal la isugu iman jiray ee cayaaraha lagu falanqayn jiray , dhalinta maantuna ay tahay mid ku faraxsan daawashada cayaaraha dunida dacaladeeda ka dhacaya kadib markii ay ka daaleen cagajiidka ay masuuliyiinta gobolka joogtaa ka cagojiidayaan sidii ay u soo noolayn lahaayeen sport-iga gobolka.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Sugida Cayaaraha EURO2008 Oo Noqday Camalka Ugu Wayn Ee Ay Maanta Dhalinyartu Reer Boorama Hayso "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback