Cape Town-(Lug)-Rabshadaha dilka iyo dhacu waxay ahaayeen kuwo si caadiya oo is daba jooga uga dhaca South Africa balse 3dii todobaad ee ugu danbaysay ayay dalka Koonfur Africa ah, ku faafeen rabshadaha gacan ka hadalka ah ee dadka madawga sooca ah ee wadankaa u dhashay ay kula kacayeen dadka ajaanibka ah ee ku dhex nool
Arinta ugu murugada badan ee haysata dadka shisheeyaha ah ee wadanka ku nool waxa weeye iyagoo hantidoodii iyo ganacsigoodii boob iyo dhac lagu sagootiyay
Waxaana jirta dadyawga ka yimid Afrikada Dhexe in ay yihiin kuwa dhibta ugu badan ee dilka iyo dhacu gaadhay iyadoo taasi ay sobobtay goobaha ay shaqaaqadani ka bilaabantay oo ay u badnaayeen,
Dhakhtarada dalka Koonfur Africa waxa buuxiyay boqolaal ku dhaawacmay dhibta ay u gaysanayaan dadka madawi oo maanta ah naafo laxaad koodiii ku waayay dalkan oo u baahan taageero iyo taakulo balse wehel looga dhigay waxyeelo iyo shisheeye diid gacan ka hadala,
Dadka ajaanibka ah ee ku hungoobay ka-shaqaysiga iyo ku noolaanshaha magaalooyinkii madawgu daganaayeen ee hore ay u joogeen waxay haatan ku soo xoomeen xaafodo ka mid ah magaalooyinka sida magaalada Cape Town oo xaafada BELLVILE kumanaan ka mid ahi ay buuxiyeen wadooyinka iyo gidaarada,
Dhibtan haysata dadka ajaanibka ah ee dalkaasi ku nool ayaa ah wax anfariir galisay dad badan oo wadanka Koonfur Africa asal ahaan ka soo jeede ha u badnaadeen cadaanka tirada yar leh ee wadankaa u dhashay oo iyagu ka soo hor jeeda shisheeye diidkan dadka madawi ay miciinsadeen,
Dawalada dalka South Africa ka talisa oo arintan si kulul uga hadashay canbaarayn uga timid dawladaha qaarkeed iyo company-yada wadanka oo ganacsiga dadka ajaanibka ah ay isku xidhnaayeen awgeed ayay ku cel celisay in sharciga la horkeeni doono cidkasta oo ku lug lahayd arintan lagu waxyeeleeyay dadka shisheeyaha ah ee wadankaa qoxootiga ku ah,.
Safaaradaha dawladaha U S A iyo AUSTERELIA ay ku leeyihiin South Africa ayaa xukuumada ka dalbday in ay u fasaxaan in ay qaadaan oo wadamadooda ay geeyaan dadka somalida ah ee qoxootiga ku ah dalkan maadaama ay nabadgalyadoodu taagantahay meel aad u saraysa oo xal u helida iyo qaboojinta shaqaaqadani ay dawlada ku adkaatay,
Anagu ma hayno dad la iibsado, dadkana wadankan ayay leeyihiin oo waa dad African ah, dhicina mayso in South Africa laga qaado dad qaxootiya, dhaqaale ahaan waanu ka fiicanahay Europe in aan amaankooda sugnaana waa wajibaad noo yaal, hadii dad aad qoxootinimo ku qaadaan aad rabtaana la xiriira dawladaha east Africa… Sidaasi waxaa yiri madaxwaynaha south africa THABO MBEKI
Ugu danbayntii ma jirto xal sugan oo dadka ajaanibka ah ay dawladu marka laga tago baaq ay ku doonayso in dadka ajaanibka ahi ay ku noqdaan meelahay ganacsiga ku lahaayeen oo amaankooda ay sugi doonto taasina ma aha mid dadka ajaanibka ah u cuntanta maadaama ay ogyihiin dadka ka horeeyaa in ay yihiin madaw aan hal daqiiqo badbaadinayn dil ay u gaystaan mooyee…
Sideeda badanaaba South Africa waa wadan ay noloshiisu qaali tahay waxaana adag qofku hadii aanu shaqo iyo meel uu ku tiirsdo haysan in uu ku noolaado dalkaasi waana arinta keentay in ajaanib Africada Dhexe u badani ay wadamadoodii ku soo guryo noqdeen,
Somaalida waxaana looga waabay meelo ay seexdaan dadka ajaanibka ahi meelo ka mid ah magaalooinka waawayn sida Cape Town oo hada ah meesha ugu badan ee bara kacu ka dhacay waxaana arintaa sahlay oo gargaar u fidiyay dadka muslimka ah ee wadankaasi u dhashay
Hassan dhuxul South Afirca
Cape town BELLVILE


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Warbixin-South Africa Iyo Xaalada Dadyawga Ajaanibka Ah Ee Ku Nool Magaalada Cape Town "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback