57.JPGBorama-(Lug)-Agaasimaha cisbataalka guud ee Boorama Dr. Ismaaciil Xaaji Muxumed Aye oo ay weheliyaan dhakhaatiir kale oo ay ka mid yihiin Dr. Siciid Axmed Walhad, Drs. Nimco Xaaji Abuubakar, iyo dhakhaatiir kale ayaa shalay ka qayb qalay munaasabad loo sameeyay xarun cusub oo caafimaad oo ku soo biirtay xarumaha magaalada Boorama ka jira. Xaruntan oo loogu magacdaray AARAN ayaa waxa furtay isuduwihii hore ee wasaarada caafimaadka Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi.
118.JPG

Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi oo isagu ah milkiilaha xaruntan caafimaad ayaa xusay in ay dadaal u galeen sidii ay u unki lahaayeen xaruntan baadhista caafimaadka ee cusub waxana uu Dr.Hadi carabaabay in ay u hawlgaleen sidii ay xaruntan cusub tayadeeda sare ugu qaadi lahaayeeen waxana uu yidhi “waxa aan ka hawlgalnay sidii aan u keeni lahayn shaybaadhkan cusub shaqaale tayo leh waxana noo suurto gashay in aan keeno khabiir reer Pakistaan ah oo ku xeeldheer baadhista iyo ku shaqaynta qalabka shaybaadhada waxana aan rajaynayaa in uu wax wayn ku soo kordhin doono magaalada”. Dr. Hadi wax uu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in xaruntani ay ka qayb qaadan doonto kobsinta caafimaadka ee bulshada gaar ahaan dhinaca nadaafada.
215.JPG

Agaasimaha oo ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu tilmaamay in ay xaruntani cusubi tahay mid wax wayn ku soo kordhinaysa caafimaadka gobolka iyo kan magaaladaba, waxana uu Dr. Ismaaciil sheegay in ay lagama in loo baahan yahay in la hagaajiyo tayada shaybaadhkan cusub waxana isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi “shaybaadhadu waxa ay ka mid yihiin xarumaha uu caafimaadku tabayo, waana kaabayaasha go’aanada uu dhakhtarku gaadhayo shaybaadh la’aantiina waxa suurto gal ah in uu dhakhtarku go’aan qaldan qaato, waxa aan rajaynayaa in uu wax wayn ku soo kordhin doono tayada caafimaad ee gobolka”
36.JPG

Dr. Saciid Axmad Walhad oo isaguna ka hadlay munaasabadan ayaa si wayn uga codsaday shaybaadhkan khabiirka ka hawlgalaya in uu tababar siiyo da’yarta si ayuu yidhi loo helo bari kuwo badala oo iyaguna naftooda wax u raadsada.Dr. Nimco Xaaji Abuubakar oo iyaduna ka hadashay madashan ayaa qirtay in ay baahida shaybaadh loo qabo ee gobolka iyo dalka ka jirtaaba ay aad u sarayso isla markaana uu shaybaadhkan cusubi baajin doono dadkii faraha badnaa ee u hayaami jiray dalalka Djibouti iyo Ethiopia ee u aadi jiray in ay isa soo baadhaan.
46.JPG

Khabiirka ka hawlgalaya shaybaadhkan xusub oo u dhashay dalka Pakistan oo uu magaciisu yahay Anmol Asgher ayaa xusay in uu shybaadhkani yahay midka ugu tayada fiican ee ka jira magaalada Boorama oo ay yaalaan qalab wax ka tari doona horumarinta caafimaadka gobolka.
57.JPG

Xaruntan cusub ee Baadhitaanka Caafimaadka ee AARAN ayaa waxa ay hawsheeda bilaabi doontaa maalinta Sabtida ah ee ay bishan May tahay 31ka.
67.JPG
73.JPG
93.JPG
103.JPG
119.JPG
123.JPG
133.JPG
143.JPG


Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama