Boorama-(Lug)-Hordhacii mashruuc balaadhan oo dhinaca wacyigalinta Nadaafada ah ayaa  magaalada Boorama ka bilawday. kulankan maanta ee ka dhacay xarunta dawlada hoose ee magaalada Boorama ayaa waxa uu dhexmaray ururada wadaniga ah ee SAYS, AYODA iyo HYRDO oo dhan ah iyo maamulka dawlada hoose ee magaalada Booramaiyo deeq bixiyaha mashruucan oo ah hayada la yidhaa UNA.

Kusimaha Duqa Maqaalada Boorama Muumin Gadiid Cumar oo kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiya ay leedahay nadaafadu, waxana uu tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu qaatay mudo 2 sano ah, waxana uu ku simuhu ku dardaaray bulshada reer Boorama  in laga midoobo sidii loo wanaajin lahaa bilicda magaalada Boorama isla markaana mar kale dib loogu soo noolayn lahaa halhayskii ahaa “Indhahii Basaasoow Boorama Ma Aragteen”.

Xidhiidhiyaha Dhinaca ururada maxaliga ah ee mashruucan ka hawlgalaya Md. Cabdacasiis Diiriye daahir ayaa tilmaamay in shantii bilood ee u dambaysay ay hawlahan ku soo jireen, iyada oo uu wax qabadkoodu ku aadanaa bal sidii ay iskula meel dhigi lahaayeen sida ugu haboon ee bulshada loogu sheegayo in ay qashinka iska fogeeyaan, waxana uu yidhi “ wacyigalintan oo noqondoonta mid aan loo kala hadhin ayaa waxa ay noqon doontaa mid si wayn loogu hawl galo, waxana la dhisi doonaa God wayn oo  loogu talo galay in qashinka lagu aaso, waana farxad in laga hawl galay manta sidii loo soo noolayn lahaa bilicdii Boorama hawlahana waxa lagu wadaa in dhawaan la bilaabo.

Mashruucan oo qaybtiisii hore ee wacyi galinta qaabka ugu haboon ee  loo maamulayo qashinka la bilaabi doono dhawaan ayaa waxa kulankan manta dhacay la isku afgartay in wacyigalintaasi laga bilaabogoobaha warbaahinta ah ee magaalada ka jira iyo in baabuur makarafoono saran yihiin lala dhx maro magaalada si bulshada loogu baraarujiyo dhawrida saxada iyo soo noolaynta bay’adii quruxda badnayd ee Boorama lagu yiqiinay.

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama