Boorama-(Lug)-Waxa aan shiki ku jirin in magaalada Boorama ay tahay magaalo uu ganacsigeedu sii xoogaysanayo, arintan ayaa waxa laga dareemayaa magaalada oo ay ku soo badanayaan gawaadhida xamuulka qaada gaar ahaan nooca loo yaqaan waaraadka oo iyagu ah gawaadhi aad u dhaadheer.
Baabuurtan Waaraadka loo yaqaan ayaa waxa ay badi ka yimaadaan magaalada Berbera oo ay ka soo daabulaan bagaash iyo raashin ay ka keenaan dekeda Barbara kuwaasi oo inta badan u raran ganacsato reer Boorama ah.
Baabuurtan ayaa waxa ay yihiin kuwo uu dhererkoodu dhan yahay 21m waxana ay markiiba qaadi karaan 30 tan oo xamuul ah waxana ay dhibaato kala kulmaan wadooyinka cidhiidhiga ah ee magaalada Boorama gaar ahaan wadooyinka u dhow bakhaarada ay raashinka dhigayaan oo aalaaba ku dhex yaala goobo suuq ah oo dadku dhinacyada ka soo dageen. Waxa kale oo ay baabuurtani kala xidhaan wadooyinka marka ay isaga gooshayaan jid ilaa jid waxana ay tani sababtaa in ay gawaadhida kale iyo dadkuba ka joogsadaan wadada inta uu baaduurka waaraadka ahi wadada ka baxayo.
Mid ka mid ah dirawalada Baabuurtaasi Waaraadada ah oo magaciisa la yidhaa Farxaan Nuur Wacays oo ay Lughayanews la kulantay isaga oo ku dhex jira baabuurkiisa ayaa uga waramay waxayaabaha dhibta ah ee jira marka ay ka gudbayaan wadooyinka yaryar ee noocan oo kale ah waxana uu yidhi “ Waxa farxad leh in baabuurtani ay yihiin kuwo casri ah oo si fudud loo maamuli karo (Hydraulic) balse waa hubaal in ay jirto in dhererka baabuurku uu xanibayo isu socodkii wadada mudadaas uu ka gudbayo, anirtan ayaana waxa noogu wacan waddooyinka yaryar ee magaalada Boorama ka jira.
Ma aha intan oo kaliya balse waxa ay gawaadhidani wadooyinka xanibaan inta alaabada xamuulka ah ee saaran laga rogayo taasi oo qaadata mararka qaar saacado, waxa intaasi sii dhiir in gaadiidka kale ee bagaashka u qaada Ethiopia mararka qaar lagu ag qabto gaadhi kale oo waaraad ah oo isagu Araashinka ka keenay Berbera si loogu kala wareejiyo isla markaana loogu daabulo Ethiopia, arintan ayaa waxa ay si ba’an u kala xidhaa wadooyinka aan iyagu markii horaba lahayn meel ay laba baabuur isku dhaafto ee magaalada Boorama.
Si kastaba ha ahaatee gawaadhidan waaraadada ah oo si isa soo taraysa ugu soo badanaya magaalada ayaa waxa ay xilkii shaqo kala wareegayaan gawaadhiddii ay dadka reer Boorama isticmaali jireen ee loo yiqiinay Six wheel-ka kuwaasi oo aad dareemi karto in la dhigay geerashyada iyo guryaha hadhkooda, waase caqabad aan la iska indho tiri Karin in gawaadhidan Waaraadadu u baahan yihiin wadooyin ka faalalsan kuwa Boorama si ay u badbaadsadaan qaybo ka mid ah wakhtiga faraha badan ee kaga baxa dhexsocsocodka magaalada Boorama oo aan wadooyinkeeda logu talo galin gawaadhi uu tankoodu ka xoogan yahay 24 tan.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Waddo Yar-yarida Magaalada Boorama Iyo Gaadiidka Ku Soo Badanaya Maxaa Kala Haysta. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback