Runtii waxaa wax laga naxo oo laga murugoodo ah in halmar ay masiibo ku habsato qoomiyad meel degan oo ay waayaan jiilkii ay manfac iyo waxtar ka sugayeen oo hal mar geeriyoodaan.
Arinta nagu habsatay waa masiibo, waana masiibo qaran in ay xoogii gobolka marqudha isla goob qudha ay qudhu kaga wada baxdo.
Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaaan dadweynaha reer Awdal, gaar ahaan hooyooyinkii, aaboyaashii, walaalihii iyo dhamaan qaraabadii halkaas ku waayey ubadkoodii qiimaha iyo manfaca ugu fadhiyey. Runtii dhalin qaaliya oo hebel iyo hebel loo wada garanayo ayaa inaga baxday, magaalada Booramena xalay siday u dhanayd may seexan. Cida dhibta ugu badani ay gaadhayna waa haweenkii.
Markaa yaa ka masuul ah in ay dhalintu bada ku qubanto?
Marka hore dhalinta waxaa keenay in ay tahriib u xadhko xidhxidhaan waa mustaqbalkii ay tiigsanayeen oo bar dhamaad yeelan waayey. Himiladii ay sugayeen oo been ka dhamaan wayday, hamigii iyo hiwaayadii ay tiigsanayeen oo dhaafi waayey doqonka Borame. Nolosha ay ku noolyihiin oo ku soo ururtay meerto gaaban oo ah bariiska cun, seexo, kubad tag, qaad duubo kii qayila, aroorta shanboqol hooyo ka qaado Doqonka shaah u doono, soo dood, dabadeedna soo hoyo. Waayo meel loo shaqo tagaa ma jirto, rajo shaqo oo la qabaa ma jirto, waxbarashadu waa lacag ama iskuul ha noqoto ama jaamacad ha noqotee kii wax barashada dhameeyey laftarkiisu waxba ma hayo,wadanka wax ka sii dhaca maahee wax u soo kordhaa ma jiro.
Markaas arimahani waa kuwa dhalinta reer Awdal ku dhaliyey in ay dalkoodii hooyo ay ka qaxaan oo ay ku qaxaan dal aan la diin ahayn, la dhiig ahayn, la dhaqan ahayn. Waa ta keentay in ay ku dhiiradaan jidka rafaadka iyo dhibta badan leh ee u dhaxeeya Boorame iyo Libya, waa ta keentay in ay xaafadahooda saaraan culays aanay qaadi karayn, waa ta keentay in ay afka iyo laabta u dhigtaan biyaha madowga badan ee u dhaxeeya Libya iyo meel baas Talyaaniga.
Anagu dhalin baan nahay Soomaaliduna waxay tidhaahdaa “ inan yari intuu geed ka booday ayuu talo ka booday” ee yaa arinta ka masuul ah.
Waxaas oo dhana waxaa ka masuul ah aabayaashayo waayo ubadkoodii umay samayn mustaqbal haga. Culumada waayo dadka kamay waanin, kamana ay nahin dhibka ay leedahay arintani, in ay xaaraan tahay ishaligu iyo inkale. Suldaanada iyo caaqilada waayo marna may soo hadal qaadin oo kulamo umay qaban dhilinta iyo waalidiintooda.
Dhalinta qurbo jooga ah waayo iyaga ayaa dhalinta u haadiyey midho aan bislay oo soo baxa, maxaad qabanaysaan, ma walibaad joogtaan, waar dhulka waa lagu kala macaashay, ereyadaas iyo kuwo kaleba ugu baaqay.
Waxaa masuuliyada ugu weyna iska leh dawlada waayo xeerar iyo shuruuc dhalintu haga ama ay ka baqdo mid may samayn. Waxaa runtii wax laga naxo oo laga ooyo ah dawlad aan war iyo wacaal u haynin dhalintii ay u dhisnayd xaalada ay ku sugan tahay, wali ma arag mana maqlin Tahriib bilaamayoo masuul ka tirsan dawlada oo arintaasi si toos ah uga hadlay. Dawlad aan umadeeda mustaqbal udhisin oo haday samaysayna ugu kala eexatay, waayo waxaa marag ma doon ah in dhalinta manta Soomaaliland ugu camal la’aanta badini ay tahay Awdal iyo Burco, taasina waa ta keentay in ay badaha ajaanibka iyaga oo aan waligood bad arag isku guraan.
Isku soo wada duuboo waan ciil ooyeynaa caawa, waananu ciil ooyi doonaa inta ay dhalintayadu badaha ku gurmayso. Waayo cidina uma maqna ceelna uma qodna.
Waxaan leeyahay ilaahay ha u naxariisto intii caawa inaga god gashay, dhamaanteena ilaahay wax ka khayr roon ha inoogu badalo qalbigeenana ha inoo adkeeyo.
Dhalinta Libiya joogta ama jidka ku sii jirtana waxaan leeyahay hooyooyin badan ayaa goblamay ee hooyooyinkiin ha goblaminina, aaboyaal badan ayaa murugo iyo tiiraanyo madoobaadee ha na madoobaynina, waa walaalihiin, saaxiibadiin kuwaa maanta u barooranaynaa ee talo keen ama talo raac noqda oo bada arin dhaanta keena.
Dhalinta qurba jooga ah iyo kuwa dhawaan galayna midbaan leeyahay walaalayaal wax badan idinka ayaa ka ah masuul geerida u soo hayatay Gobolka Awdal maanta, waayo marka koowaad dhalinta baaq qaldan ayaad siiseen, ta labaadna kharashka ayaad ku caawiseen markaa fikirkiina, taladiina, iyo maalkiinuba yaanu noqon mid Hooyooyin ka baroorsiisa, mid Gobol dhan bilaa mustaqbal ka dhigta ee taladaa talo ha looga noqdo.
Walaalaha Bada Midhitareeniyaanka ku Geeriyooday Ilaahay ha u naxariisto, inta Jeelasha Libiya ku dhibana Ilaahay ha ka soo saaro. Inta dariiqa ku jirtana Ilaaahay Jidka ha u fudaydiyo, dhamaanteena Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo walaalhaasi ay badu inaga Qaaday.
DADWAYNAHA REER AWDALNA WAXAAN LEEYAHAY HA LOO BAROOR DIIQO DHALINTA GOBOLKA KA BAXDAY
Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.
Fouad Idrous Abdi


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Yaa Ka Masuul Ah Masiibada Qaran Ee Ku Habsatay Dhaliyarada Reer Awdal "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback