marka hore waxa aan salamayaa lughaya.com, marka xigtana waxa aan tacsi udirayaa shacabka reer awdal oo dhan gaar ahaan qoysaskii iyo eheladii ka baxeen dhalinyartii ku haligmay miditranean sea waxaanan u arkaa xoog ka baxay awdal iyo masiibo bini-aadmi oo dhacday

hadii aan udhaadhaco dulucda maqalkaygani aniga oo aan jeclayn inan ka hadlo manta mar hadii aay reer awdal ku jiran geeri ina wada tabatay walid ,saxiib ilaa qareen hadana waxa igu kalifay ama aan ka aamusnan kari wayay cawaaqibxumada ka jirta dalkii hooyo ee aan la isku naxariisanayn ,waxa anan oran lahaa waxa ka danbeeya cawaqib xumadaaa oo dhan qodobadan…

1- Dowlada

dowlada Somaliland waxay madax banaan tahay 18 sano, aduunyadu waxba ma siiso , oo waxay ka waayeen maslaxadahoogii gaarka ahaa lakiin ta uwayn ee aan dawlada ku dhaliilayaa waxa weeyan wali ma hayno ama maynu maqal wakhtiga (retirement) ga somaliland ku eeg tahay oo waxad arkaysaa xukuumad wasiirkeedo da’ahaan  leeg yahay 100 jir ama kaba sii wayn mucarid xilku radinaya 80 jir mayor 100 jira  badhasaab awoow ah, waxas oo dhami waa waxa dhalintii badaha ku guraya oo manta hadii aay chance siin lahayeen dhalinta oo  booskii ay ka buuxiyeen iyagoo retire ah ay ubanayn lahayeen laga yabi lahaa in ay dhalintu dalka joogi lahayd , takale ee aan usoo jeedin lahaa xukuumada dalka ka talisa in aay dhalinta jamacadaha ka baxday iyo kuwa kaleba aay shaqo abuuris usameyaan, hadii ayna iyago awoodayna aay hayadaha dalka iska dhex fadhiya aay ku qasban inay shaqooyin uu abuuran dhalinta  hadii kale iskaga baxan ,
 
2-Caalamka

caalamka waxa aan ku dhaliilayaa in aay manta isku xidheen labadii dal ee la isku oran jiray somalia oo ay manta kala yihiin s/land iyo somalia, tasina aay nasiib daro ku noqotay shacabkii reer somaliland oo manta aduunka ka sugayay aqoonsi iyo maal gashi shisheeye, laakiin uu calamku ugu aarguday inay ku xidhnadan koonfurta somalia oo khayrkeed ka hadhay tasina waa nasiib daro shacabka reer s/land na kama sugayn aduunka waxas iyo wax la mida in loogu aargudo, lakiin waxa aan calamka ka codsanayaa in aay s.land aqoonsadan si maalgashi shisheeye dalka u yimad oo ay shaqo u helaan shacabka badaha ku gurmaya ee aduun radiska ah .
 
 3-Qurba Jooga
 
qurbajoogu waxa uu masuul ka yahay lacagta ama aduunka dhalintu ku haligmeen iyo encouregement aay siiyan dhalinta dalka joogta oo ay usheegaan inay janadii aduunka joogan oo iyaga uuni ka maqan yihiin waa sida aad dareemi karto ee dhalinta badaha galaysaa aay aad ugu dhiiran yihiin ama aay ogyihiin meel ay ku dhimanayaan inay isku tuuran waxa aan talo usoo jeedin laha qurba jooga inay ka joojiyan lacagta aay usoo dirayaan dhalinta haligmaysa oo aay ugu badalan in ay investment usameeyaan iyagoo jooga dalka si aay naftooda ukaafiyan oo kaliya .
 
4-Ganacsatada Dalka
 
ganacsatada dalka waxa aan kula talin laha inay iska dayan products kani ay dibada kasoo iibsadan ayna door bidan inay soo iibsadan warshado yar yar oo usoo sara products kaa aay dibada u doonanayaan tasi oo uu badalkeedu yahay waliba in aay dhalintu shaqooyin ka helan warshadahaa yaryar oo an sii qaali ahayn hadii loo doonto asia sida china oo kale, waxa aad dareemaysaa bilahan aan ku jirno oo uu aduunku ku jira crisis xaga nolosha ah marka aan is barbar dhigo dalka aduunka ugu qanisan iyo dalka ugu faqiirsan oo kala ah USA iyo s/land markii foostada shidalku qiimaheegu ahaa 120$ in USA waxa uu ahaa s/land 150$ tasina wad kala garan karta waxa kenay faraqa oo ah in aaymanta ganacsatadeenii iyo dawladiiba ayna hayn agenda aay umada ku hagan …..
 
5-Walidiinta
 
waalidku wuu hayi kacay markii uu arkay in aay caruurtiisii guriga isku soo wada gadheen kii uyara ilaa kii uwayna tasina aay sobobtay in aay dhalinyartoodii inta aay lacag faraqa ugu xidhan aay siidayan iyagoo ka war hayn walwalka iyo cawaqibxumada ka dhalan doonto tahriibkani, lakin waxa aan walidka usoo jeedinayaa inayna ubadkooda haligin aayna ilahay ka cabsadan aakhirana waa la waydiidoona meeshii aay ubadkoodii mariyeen , ee waxa fiican inay shaqo u abuuran intii karankooga ah .

6-Dhalinta Tahriibaysa
 
walal baduhu inii noqon mayan badal aad ku badalatan nolosha aad kasoo yacaysaan ee wad ku haligmaysaan ilahayna wuu idinwaydiini akhiro meel aad ogtahay inay naftadu ku dhimanayso hadii ad ismiidaamiso oo aad ku disho ,lakiin waxan talo walaltinimo idinsiin lahaa in aad dalka shaqo ka radsatan oo hadii ayna shaqo jirin aad idinku samaysatan oo aad dadashan walal dadkani reer europe ee aad ku yacaysaani waa dad inaga dadal badan uune inagama masqax ,resourse iyo xoogbadna , marka alxamdulilahi intii waynu haynaa ee aaynu ficil ahaan la nimadno oo manta aan dalkeena dhisano aynanu ku tusaale qadano (taiwan) sida aay horumarka ugadhay iyadoo aan la aqoonsan dadalkedana aaynu la nimadno …..
 
gabagabadii iyo gunanadkii waxa an ilahay ka baryayaa inuu ina garan siiyo xaqa uuna ina jeclaysiiyo dalkeena hooyo (amiiiiiiiiiiiiiin)

qore:
Eng Ahmed Yabaal
ramadaan@hotmail.com