Boorama-(Lug)-Ma lug gooyaa in aan bada isku tijaabiyo? Maxaa kalifay dhalinta maanta in ay is haligaan?. Aduunyada waxaa iska caadi ah in qofku meelo badan isku dayo in uu soo arko oo waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa “Nimaan dhul arag dhaayo ma leh” oo dabcan looga jeedo khibrad badan qof aan u lahayn meelo badan ama waxyaabo badan oo dunida ka mid ah waa ruux indhala’ oo kale oo ay ka daahan yihiin waxyaabo badan in uu maqlaase waa suura gal, hadaba waxaa bar yahan danbe aad u soo noqnoqtay in reer Boorama iyo reer Burco yihiin labada magaalo ee astaanta ama tusaalaha loogu soo qaato tahriibka dhalinyarada labada noocba lab iyo dhedigba taas ma loo fasiran karaa in labada magaalo dadka ama dhalaintada degan ay dareemayaan in ay wax ka maqan yihiin oo markaas baahidoodii la buuxin waayey? Mise horey ayeyna labada qolo Qurbaha lagaga badnaayoo hada ayey baraarugeen oo markan waxay rabaan calafkooda in ay tijaabiyaan? Mise dabayl caalami ah oo loo yaqaan tahriib ayaa jirtee si ba’an ayey dhalintada labadan magaalo u saamaysay?
Su’aalahaas iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa maskaaxdaada markaaba ku soo buudaya oo kaaga baahan in aad ka jawaabto si aad u ogaado sababaha reer Burco iyo Reer Booramaba ku kalifaya in ay kkatar naftoda galiyaan, waxaa laga qabtay aqoon iswaydaarsiyo badan, kulamo, shirar iyo wixii la mid ah ee arinkan wax lagaga ogaanayo laakiin waxaa cad ilaa hada in aan la ogaan lana taaban sababta labadan magaalo ugu badan yihiin tahriibka S/land.
Su’aalo kale oo muhiim ah ayaa jira oo laga yaabaa in ay dariiqa tahriibka reer Burco iyo Boorama kuu cadaynayaan waxaana ka mid ah su’aalahaas ma shaqo la’aan ama yaraan ayaa labada gobol ku habsatay? Ma nasiibkii ay hay’adaha iyo wasaaradaha dawlada ku layaayeen ayaa Hargaysa dhaafi waayey? Ma aqoon yaraan baa soo wajahaday labada magaalo oo ay dareemayaan in laga badiyey dhalintoodii oo ay boodhka ku qaseen kuwa jooga caasimadu?
Kolay kuwaas iyo kuwo kaleba waa arimo u baahan cilmi baadhis hor leh in laga sameeyo oo la ogaado halka ay sartu ka qudhunsan tahay.
Dhalinyaradu waa tiirka iyo kaydka horumarka ee ummadi leedahay hadii iyagu kaa xumaadaan ama kaa dhalandhoolaana waxaa arinkaagu u badan yahay in caqligaagii, cilmigaagii iyo horumarkaagiiba dibada aadeen ka dibna aad fadhido ceel aan biyo lahayn ama goof waa hore gudhay oo aan lahayn kayd iyo maax midnaba.
Xanuunka ay dhawaan ku reebatay reer Boorama dhalintii ku qarqantay bada Mediterranean-ka waa ta keentay in ay qayladu is gaadho min masaajid la sii maro suuqyada ilaa laga gaadho xaafadaha iyo meel kasta oo lays kugu yimaado waxaa laga qaylinayaa waa yaan la tahriibin, waa hagaage yaan la tahriibine maxaa qorshe ah oo aad u haysaa oo aad ku joojin dhalintaasi si aanay naftooda u halaagin? Waa in uu jiraa qorshe qaran oo lagu badbaadinayo dhalintaas oo ay aan ahay kaliya barnaamijyo wacyi galain kailya ee waa in uu jiraa waxyaabo ficil ah oo dadka lagau tusanayo in ay dhulkooda ka xamaalan karaan ama ka heli karaan wixii ay halis u sii mari lahaayeen.
Waxaa muuqtada xataa dawlada S/land in qorsheheeda hada aanay ku jirin in shaqo abuuris cusub iyo barnaamijyo dhaqan celin ah wax loogu talo galay in aanay jirin, taasina waxaa ka marag kacay xubnaha baarlamaanka qaar ka mid ah oo uu ugu horeeyo md. Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanleh waxaa uu Arabacadii dhawayd Hutel Rays ee magaalada Boorama markii ay ururka SAYS ay soo qabanqaabiyeen
Barnaamijkii lagaga hadlaayey dhibaatada tahriibka waxa uu halkaas ka sheegay mudanahu in miisaaniyada ay ansixiyeen sanadkan aanay ku jirin wax horumar ah ee dhamaanteed ay tahay wax loogu talo galay adeeg kaliya (services only) sida mushaaraadka shaqaalaha, spare parts, stationery iyo wixii la mid ah ee ay wasaaraduhu ku qabtaan adeega maalin laha ah.
Hadaba marka ay taasi jirto ummada oo dhana hargaysa uun soo quudayso oo wax ka sugayso waa goorma goorta laga fikiri doono in la sameeyo waxyaabo horumarka ka hadlaya ama ka tarjumaya oo laga gudbi adeega maalin laha ah uun in la ansixiyo sanad kastaba.
Ta kale waxaa dad badani talo ku soo ururinayaan in reer Burco iyo reer Boorama talo isugu yimaadaan oo iswaydiiyaan iyaga oo wada jooga maxaa inaga maqan oo inoogu wacan tahriibka labadenan qolo? Miyeynaanu abuuri Karin wax lagu yarayn karo ama lagu joojin karo dhibaatadan?
Horta aan kaba sii hor dhecee lama joojin karo tahriibka ee waa in la helaa wado kale oo amaan badan oo dhalinta tahriibaysaa marto marka ay gaadhaan meeshii ay u socdeena waa nin iyo nasiibkii iyo wixii Ilaahay u Qadaray ayuu qaadi waase in laga waantoobaa oo caruurta laga babaadiyaa in ay badaha u raacaan doon ka samaysan bac la buufiyey ka dibna ay dabaysha iyo biyuhuba qarxinayaan waana in la helaa maraakiib caadi ah ama diyaarado la raaco, taasi waxaa dhici lahayd in ay dhibaato hadii ay dhacdana in uu khasaaruhu yaraanayo.
Wariye:-
Xasan Ciise Raage
Lughayanews-Boorama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Boorama Iyo Burco waa Astaanta Tahriibta Somaliland "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback