Borama-(Lug)-Tan iyo markii Guddoomiyaha Golaha degaanka Boorama, C/raxmaan Shide  uu martiqaad debadeed  dalka debedda uga baxay , Muddo laba bilood ku dhawna uu ku maqnaa dalka Ingriiska ,ayaa guud ahaanba maaamulka Golaha degaanka Boorama laga dareemayey  baylah  taabatay laan kasta oo ka mid ah maamulka Golaha degaanka Boorama .

Sababtu maaha  Guddoomiyaha golahaas xilkiisa lagagasii tegey oo ah ah kuxigeenka Maayarka Boorama Muumin Gadiid  ayaa seexday ama  an waxba qabanin ee waxa muuqatay  in ka bixitaanka maayarka Boorama uu debedda u baxay ay fursad u  ahayd   madax ka tirsan laamaha Golaha degaanka Boorama ,iyo dawladda Hoose  oo  u awood sheegtay   guddoomiyhii Golahaasi isla markaana loollan dhinaca awoodda ee maamulka golahaasi curyaamiyey wax kastoo maayarkuxigeenku sii qaban lahaa .

Maalmo ka hor intii anu maayarka Boorama  soo gaadhin dalka ayaa waxa haawanayey xafiisyada kala duwan ee loogu talogalay adeegyada dadweynaha gaar ahaanna  xafiiska Xoghayaha iyo xafiisyada  maamula dakhliga  iyo xisaabaadka .Waxa maalmahaasi barxadda dawladda Hoose ee Boorama lagu arkayey tobannaan ruux oo  dano ka lahaa  maamulka dawladda Hoose ,balse meesha waxay ugu tegeyeen uun kusimaha maayarka marka ay arrimahooda u sheegaanna waxa la waayayey ciddii shaqada ku lahayd  ee  fulin lahayd hawsha muwaadinku u soday ,taasina waxay keentay in gudaahaanba ay maalmo qaarkood  arrimo noocaas ah u joogsadaan adeegyadii dadweynuhu.

Sidaasoo ay tahay waxa an marnaba  nasanin shaqaalaha dakhliga ururiya iyo kuwa xashiishka ku gura gaadiidka tacbaanka ah kuwaasoo musharkoodii helay intii uu xilka hayey guddoomiyekuxigeenku  deymo lagu lahaa dawladda hoosena uu qaar bixiyey..

Dhinaca kale markaad eegto waxa guud ahaanba  maamulka dawladda hoose laga dareemayey maamullo kale oo ay isku bahaysteen xubno ka tirsan masuuliyiinta laamaha dawladda hoose waxana la dareemayey in hawlo badan oo maayarxigeenku aanu waxba ka ogeyn ,loona sheego goor dambe aakhirkana la oggolaysiisyo inuu aqbalo  ,ha ugu horreeyaan kharashyo baxay oo masuulkaasi garan waayo meesha ay ku baxeen iyo qaddarkeeda oo laga ayaabo in  buunbuuniyey.

Waxa maalmahan ugu dambeeyeyba xarunta dawladda hoose lagu sheegayey lacag la’aan jirta Maayarka magaaladuna kusoo beegmay wakhti  ay madhan tahay khasnadda dawladda Hoose  sida ay sheegeen qaar ka mid ah  shaqalaha dawladda hoose oo ka gaabsaday in la magacaabo .Sidoo kalena xubno ka tirsana maamulkaasi ayaan maqlayey iyagoo leh Maayarku jeegag aanu lacag u hayn ayuu iskasoo qorayaa ?xaggeen ka keennaa annagu lacagta  uu leeyahay ….

Lacag la’aanta laga sheegeyo dawladda Hoose ,iyo sida aan dadweynaha loogu dhaafin wax cashuur ah ,ayaa iyaduna ah laba shay oo kala fog .hadaladaasi iyo kuwa la mid ahina waxy caddaynayaan sida anay maayarka iyo xoghayuhu iskaga warhayn marka loo eego dakhliga iyo kharashka.

Jawaabta Su’aashasaasi way badantahay ,wayna wejiyo badantahay .Sidaan hore u sheegnay maamulka laamaha dawladda Hoose ee Boorama ayaa waxa ku jira rag awood badan ku leh dhinaca dawladda sare ,kuwa awood beleed ku jooga ,iyo kuwa ku jooga weji siyaasadeed ,ku dhaxaltooyo iyo awoodo kale  oo aynaan halkan ku sheegi karin .Madaxda laamaha dakhli ururinta iyo xisaabaadka  oo dusha kala socdo xoghayaha dawladda Hoose  ee Boorama  ayaa ka mid ah  maamulayaasha awoodda  badan eek u raagay xilalka ay hayaan ,maayar kasta oo yimaadana cagta hoosteeda geliya ilaa uu ka aqbalo amam qiro awoodahooda ,maadaamm  ragaasi llagu tuhunsanyahay kuwa an eryi karinn sidaa darteedna  maayar kastaa ku khasban yahay inuu aqbalo talooyinkooda.

Intii uu maqnaa maayarka Boorama ,waxa maamulka golaha  dhaqaajinayey  xoghayaha Maamulka lana yidhaa C/risaaq Cali Cusmaan .Xoghayaha oo la kawsaday xukuumaddii ugu horreysay ee Soomaaliland ,waxa magacaabay Madaxweynekuxigeenkii hore ee soomaaliland C/raxmaan AwCali Farax,ilaa maanta waxa uu  ku joogaa magaca beesha J/yoonis uu kasoo jeedo Madaxweyne Rayaale ,gaar ahaanna beesha reer Axamed  ee degaanka Boorama,

Waxa kale oo ku xiga  xisaabiyaha  xaruntaasi,lana yidhaa kayd oo kasoo jeeda beesha Reer Nuur ,iyo agaasimaha maamulka lacagta oo la yidhaa Qaasim,qaraabana yihiin maayarka haatan  .ragaasi oo aan laftoodu ka dhicin xoghayaha ,ayaan la’aantood waxba kaaga fulayn dawladda Hoose  ,taasina ay maayarkii lagagasii tegey magaalada  ka dhigtay  mid  an amarkiisu soconayn oo hadii  uu dacweeyana  aanay raggaasi cidi u dhawaan Karin ama an la eryi Karin .

Maayarkuxigeenka sii hayey jagada ,kanasoo jeeda beesha Maxamed Case,ee reer Awdal qaarkood ku xantaan inay raacsanyihiin mucaaradka  ,Muumin Gadiid Cumar ,ayaa sidoo kale  go’aansaday uun inuu maamulka dawlada hoose halkiisa kusii hayo ilaa inta uu usoo noqonayo maayarka magaaladu ,taasina ay keentay in maayarku kusoo noqda Boorama  goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ,.

Xoghayaha awoodda badan ee haysta maamulka dawladda Hoose ee Boorama ayaa la ogaa oga isku dhacyadii  maamul ee dhex maraya isaga, maayaradii hore iyo  maayarka haatan Cabdiraxmaan Shdie Bile.Maadaama .Dhawr jeer oo ay maayaradaasi ka cawdaeen  habdhaqanka xoghayahana ,waxa inta badan daafacay maamulka gobolka ,wasiirka daakhiliga iyo xitaa madaxweynaha.,taasoo ku dhiirigelisay in xoghayahaasi xitaa soo saaro wareegtooyin uu amrayo  in maayaradau  isticmaalka kharashyo ay u baahan yihiin ,sida dhacday dhawaanta .

Si kastaba ha ahaatee lacag la’aanta laga sheegyo dawladda Hoose ee Boorama  ayaa la odhan karaa inay tahay mid borobagaan ah balse ujeeddo kale loo qaadan karo  oo ay nimankana awoodda badani ku doonayaan inay kui  garboduubayaan maayarxigeenka ,si loo fashiliyo hawlo badan oo u ku bixin lahaa kharashyada u galo maamulku,ama  tahay deymo hore  bixinteedii , laguna canaananto marka  maayarku xilka kala wareego.

Ugu dambayntiina marka la eego lacag la’aanta laga sheegeyo dawladda Hoose ee Boorama iyo loollanka awoodeed  ee dhinaca maamulka hadheeyey ayaa waxa muuqata in maamulayaasha laamaha golaha degaanku  u muuqan karaan shabakad liddi ku ah maayar kastoo lasooa doorto,maadaama ay ka socdaan dawladda dhexena ,u maayar kastaa u afduubnaan doono halooyinkooda haddii an sidegdeg loo kala furfurin ,haddii murankoodu   u caqabad ku ahaan doono maamul kasta oo u yeesho Golaha degaanka Boorama ,dadweynuhuna ku waayaan adeegyadii looga baahnaa dawladda Hoose .

 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama