Boorama-(Lug)-Dadwayne aad u badan ayaa isugu soo ururay xarunta shirkada SHABA waxana ay dadawaynahan oo u badnaa dad waawayn ay si aad ah uga cabanayeen xaaladaha biyo la’aanta ah ee jira. Dadwaynahan oo qaarkood ay badhtanka u galeen xafiiska maareeyaha shirkada SHABA ayaa waxa ay dadkaasi ka sinaayeen bal in ay shirkadu uga waranto sida ay biyo ku heli karaan.
Mid ka mid aha dadkaasi waayeelka ah ee cabashooyinka u jeedinayay SHABA ayaa waxa uu Lughayanews u sheegay in aanu biyo helin mudo sedex cisho ah halkana uu u yimid in uu bal xal u helo xaalada uu qoyskiisu ku sugan yahay.
Ma aha intan oo qudha ee dadwaynahii maanta ku soo xoomay xafiiska shirkada SHABA ayaa waxa kale oo ay soo gaadhsiinayeen Lughayanews cabashooyinkooda ku aadan xaaladan. Maxamed Xuseen Cige oo ka mid ah dadka reer Boorama ee ka jimi qurbaha ayaa isaga oo la hadlaya saxaafada waxa uu ku yidhi “ waxa aan u soo doontay xarunta in aan helo jadwalka kallaha ah ee ay biyuhu ku soo dhaci doonaan waase la ii diiday in la I siiyo. Isaga oo ay wajigiisa cadho ka muuqato siina wata hadalkiisa ayuu yidhi “ waxa aan leeyahay maamulka jira waxa aad ku fashilanteen in aad dadka ku samaysaan qorshayaal lagu daboolo baahida maanta jirata sidaasi aawadeed waa hubaal in uu maamulku ugu wacan yahay biyo’la’aanta jirta.
Marka laga tago gudaha iyo albaabka hore ee Shirkada waxa ay biyo la’aantu tahay mid si wayn u baahsan. Waxa aad arkaysaa dad isla dhaafdhaafaya jariikaano madhan oo hurdi ah oo ay biyo ku baadi doonayaan . waxa kale oo intaasi sii dheer oo ay indhahaagu qabanayaan dadwayne dumar u badan oo madaxa ku wata dhar ay rabaan in ay kusoo maydhaan balayga Boodhe ee magaalada Boorama duleedkeeda ah.
Gudaha magaalada Boorama inkasta oo ay badi biyo laayihiin hadana waxa ay wararku sheegayaan in ay jiraan gobo faro kutiris ah oo iyagu soo wada leexsaday biyo aad u tiro badan oo ay barkado iyo taangiyo ka buuxsadeen isla markaana ay dadka dib uga iibiyaan iyaga oo halkii caag ee 20ka liter ahaaba ku iibinaya 5,000 oo shilin. Arintan ayaanan noqon waxa qarsoon waxana ay Badhasaabka iyo maamulka SHABA ka soo saareen go’aan digniin ah oo hadii ay ka waantoobi waayaan cawaaqib xumo ku reebi doona waloow aaanay magacaabin cida ay digniintani sida tooska ah u khusayso.
Si kastaba ha ahaatee waxa labo is maandhaafsan ah dadka faraha badan ee reer Boorama ee iyagu u bartay in ay helaan qasabado socda marwalba oo ka cadhaysan sida ay aku timi in biyuhu qasabada afkeeda ka madhaan iyo maamulka shirkada oo ku micneeyay in ay arinta biyo la’aantu ay tahay mid ku timi biyo yaraanta dhulka hoostiisa ah iskana duway eedaymaha ka sooyeedhaya dadka eek u wayahan in si khaldan ay SHABA wax au maamulayso.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Biyo La’aanta Iyo Cabashooyinka Isa-soo-taraya Ee Dadwaynaha Reer Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback