Boon-(Lug)- galinnkii dambe ee aamta ciyaar kubada cagta ah oo aad u xiiso badan ayaa waxa ay dhex martay xulalka degmooyinka Boon iyo Xariirad, ciyaartan ayaa waxa ay ka dhacday garoonka kubada cagta ee magaalada Boon waxana ay soojiidahtay mar kale indhaha dadwaynihii reer Boon ee lagu yaqanay daawashada iyo taageeraha xamaasadaysan ee ay u hayaan ciyaaryahanada Degmadooda.
Isuduwaha wasaarada dhalinyarada iyo Cayaaraha ee degmada Boon Md. Mahdi Cawaale Ducaale ayaa ka hor intii aanay bilaaban ciyaartu la hadlay ciyaartoyda waxana uu u sheegay in ciyaartani ay tahay mid saaxiibtimino isla markaana la doonayo in ay soo bandhigaan isjacayl iyo walaaltinimo labada kooxoodba. Isuduwaha ayaa waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ay ciyaartani tahay mid ay dadwaynuhu si wayn u sugayaan kadib markii ay noqotay mid balanta martigashiinta ee Boon hore ay u qaaday.
Ciyaartu waxa ay ku bilaabatay jawi aad u xiiso badan waxana labada kooxoodba ay is waydaarsanayeen weerar iyo weerarcelis ay ku doonayaan in ay galabta guul kula caraaban, hasa yeeshee isku dayo farbadan oo weeraryahanada labada kooxoodba ay sameeyeen ayaa waxa fashiliyay difaaxyadii adakaa ee ay labada kooxoodba ku soo dardaareen in ay galabta ka feejignaadaan weeraryahada qolaba qolada kale ee ka soo hor jeeda.
daqiiqadii 33aad ee qaybtii hore ee ciyaarta ayaa kubad si qurxoon la isugu soo dhiidhiibay uu weeraryahan Nimcaan Yare si qurix badan u daba mariyay goolhayaha dagmada Xariirad taasi oo ka dhigtay in ay ciyaarta ku hogaamiso Boon 1 gool iyo eber, wixii intaasi ka dambeeyay inkasta oo ay ciyaaryahanada reerXariirad qaadeen weeraro aad u tiro badan oo sida dhibica roobka isaku daba socday waxahal bacaad lagu lisay ka dhigay difaaca Degmada Boon oo isagu soo ban dhigay xirfad iyo dadaal dheeraad ah.
Ciyaarrtii galabta ayaa waxa kale oo xusid mudan in dadwayniha u daawashio tagay ay dhamaayeen boqolaal dad ah kuwaas oo mar walba oo ay kubadu halisgashaba sacab iyo sawaxan isla jiibinaya isla markaana si wayn kor ugu qaaday in ciyaartii galabtu ay noqoto mid si wayn oo xiiso badan u dhacda, waxana ay 90kii daqiiqo ee loogu talo galay oo uu garsoore ka ahaa Sakariye Abiib Aw Aadan ayku dhamaatay 1 gool iyo eber ay guushu ku raacday xulkii dagmada Boon.
Ciyaartan saaxiibtinimo iyo ciyaaraha kale ee dhex mara xulalka dagmooyinkan ayaa waxa ay hordhac u yihiin u diyaargarow ay doonayaan ciyaaryahanadu in ay ugu diyaar garoobaan ciyaaraha heer dagmo ee dalka oo la filayo in ay dhawaantan qabsoomaan.
LughayanewsOffice-Boon


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xulka Kubada Cagta Ee Dagmada Boon Oo Galabta Guul Ka Soo Hooyay Ciyaar Ay la Yeesheen Xulka Degmada Xariirad "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback