JAMHUURIYADA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND
Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka
UCID
Justice And Welfare Party
Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee ucid wuxuu maanta soo saaray warsaxaafadeedkan hoos ku qoran.
1. Waxaa Xisbiga Cadalada iyo Daryeelka fajiciso ku noqotay warsaxaafadeedkii ka soo baxay madaxtooyada ee ka aradnaa milgaha iyo xishmada xafiis madaxtooyo oo ummadda looga taliyo taas oo ku tusaysa liidashada maqaamka siyaasadeed ee hogaanka dalka .
2. Labada shicib ee Soomaalilnad iyo Jabuuti waa dad walaalo ah oo ay ka dhaxayso Ab iyo isirnimo oo wax dhibaato ah dhex oolin
Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelkuna hore u sheegay balse hogaanka sare ee maamulka Jabuuti aanu marnaba rabitaanka dadweynaha Soomaaliland aanu tixgalin,aanay kana helin hiilkii walaltininimo ee aqoonsiga Jamhuuriyada Soomaliland.
Waxa layaab leh muddo lix sanno ah oo xukumadda Riyaale talada haysay aqoonsiga ay ka keeni wayday muddadaas hore,in sanadkan oo xaaladiisa ilaahay ogyahay ku keeni doono aqoonsi Xisbiga Ucidna ma qabo. Socdaalkiisan haddana uu la mid yahay kuwii hore ee madhalayska ahaa.
3. Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku ma garan goorta ay madax-tooyadu isku bedeshay rug caafimaad oo lagu baadho maskaxda hogaamiyayaasha xisbiyada ee u tartamaya hogaaminta dalka,qiimaynta iyo xulashada hogaamiyayaasha xisbiyada waxay u taalaa dadweynaha reer Soomaaliland inay ka garsooraan xilliga doorashada
4. Waxaan Shacbi-weynaha reer Soomaliland xusuusinaynaa in heshiiskii sadexda xisbi iyo xukumadu ay dhawaanta gaadheen uu sidiisii u taagan yahay, oo aanay mawqifka xisbiga waxba iska badelin.
Hase ahaatee Xisbiga Ucid wuxuu aaminsan yahay in muddo kordhiska la gaadhay ay ku timid heshiiskaasi balse aanay distoori ahayn muddadaasi sida ay ku andacoonayaan madaxtooyadu.
5. Xaalada maanta dalku uu maraayo hadii aynu soo uruurino waxa ka taagan baylahyo waaweyn oo ku wajahan bulshada noloshooda iyo horumarkooda oo laga rabay xukumadan taladda haysa inay wax ka bedel ku samayso siyaasadahooda sida arimaha dhaqaalaha daryeelka bulshada ee dalkan ka saari kara caqabadaha ku gedaaman ganacsiga dhoofka xoolaha nool,sicir barraka saameeyay miyi iyo magaalaba intii ay ku rafanayso aflagaado iyo Calibaa Geel laayay iyo wax kaqabasho la,aanta hoosaysa kaabayaasha dhaqaale sida biyaha,nalka,jidadka iyo xal u helid la,aanta dhacdooyinka la xidhiidha arimaha dhulka oo halis galin kara nabadgalyada iyo xasiloonida dalka.
Gebo Gebo
cid kastaa haka cadhootee xisbigu wuxuu ku adagyahay difaacayaana siyaasadaas mugdiga la galiyay iyo qaabka loo wajahayba,waxaanu Xisbigu mar labaad tilmaam cad ka bixibnayaa kuna dhaliilayaa istiraatiijiyad(strategy) la,aanta qaawan ee ayna wax qorshe ah ugu talo galin da,yarta shaqo la,aanta ku habsatay ee baday inay dalka ka tahriibaan
Allaa Mahad Leh
Afhayeenka Xisbiga Cadalada Iyo Daryeelka Ucid
Xasan Xuseen Maxamed(Codyare)

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback