‘Maaha In Shaba Halkaa Uun Joogto Ee Waa In Lagusoo Daraa Cid Samayn Karta Maalgelin” Xil Axmed Yaasiin
Borama-(Lug)-Xil.Axmed yaasiin Sh.Cali ,kana mid ah xildhbeenada lagasoo doorto G/Awdal ayaa ka hadlay xaaladahaha maamul ee ay ku shaqeeyaan shirkadaha Biyaha iyo Laydhtiriigga oo uu ku tilmaamay inay u baahan yihiin dib u habayn dadweynaha u horseedda horumar kana saarta cidhiidhiga ay ku hayaan .
Shir jaraaid oo u saaka ku qabtay Boorama ayaa xildhibeenku kaga hadlay welwelka uu ka qabo maamulka Biyaha iyo gaar shirkadda SHABA taasoo uu ku tilmaamay ina la gaadhay wakhtigii albaabada loo furi lahaa saamiley kale oo ka qayb qaadata horumarka maamulka biyaha ceelal biyaha lagasoo saarana maalgelin ku samayn karta
Dhinaca kale xildhibeenku waxa uu ka hadlay baayacmushtarka kootada ku haysta wershedehaha korontada ,qiime qaaliyana macaamiisha ka qaada wakhtigan noloshooduba cuidhiidhiga ku jirto sidaa darteedna uu dawladda ku tirtirsiyey inay keensato shirkado laydhtiriig oo qiime hoose dadka kaga iibiya laydhka amamkuwa haatanm haystaayi hoos u dhigaan sicirka laydhtiriigga ,oo uu tilmaamay inuu yahay kan ugu qaalisan geeska Afrika .
Xildhibeenka oo guud ahaan arrimahaasi ka warramayaana waxa uu yidhi “Anigoo ka mid ah guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka ,waxan doonayaa inaan ka hadlo dhowr arrimood oo intaan Boorama joogay dareenkayga kicisay ,saamayn weyn ku leh nolosha dadweynaheenna .biyuhu waa nolosha koowaad ,waxayna ka mid yihiin waxyaalaha horumarka laga sameeyey waxan ku faraxsanahay sida shirkaddu shalay uga hadashay xaaladda khuseysa biyaha balse waxan doonayaa inaan baaq kale ku kordhiyo horumarinteeda.Dawladda way ku fiicnayd inay samayso waxa la yidhaa privatazation,waana lagu guuleystay .Xaggay Biyo la’aantu ka timid .Waxan soo jeedinayaa in shuruucdii biyaha lmaamulkooda loo sameeyey dib loogu noqdo,waayo innama anfacayaan qaabka maamul ee haatan shirkaddu ku shaqyaso,awooddeeda oo kooban ,iyo saamileydeeda oo an awood badan u lahayn inay sahan biyood galaan .
Waa tan labaade dunidu way isbeddelysaa ,gobal warming ayaa jira Booramoo loosoo xaagaa bixi jiray ayaa maanta alag xagaa baxayaa ,noloshoo isbeddelysa awgeedna nalama noolan karo laydh la’aan ,nasiibdarro laydhkeennu waa qaali .maxaa la yeeli karaa ,waa tan koowaade waa in dawladdu qayb libaax ka qaadataa inay xoog koronto kusoo biirsio shirkadaha haatan oo ay keento mishiinno waaweyn oo ka jaban laydhka haatan jira.Boorama laydhkeeda waxa gacanta ku haya intii lacagta haysatay amam tijaarta ah ,waa ayaandarro inay dadkeenaa xoolahah haystaayi dadkii masaakiinta ahayd ku gumaystaan laydh qaali oo gaadhaya ilaa hal doolar iyo badh halkii kiiloowaat .waa inay dhimaan qiimaha
Waa tan saddexaade Jaamacad ayaan leenahay ,jaamacadeehhu waa qaali lacagta lagu dhigto.Tusaale ahaan Jaamacadaheennu waa public maaha private ,miisaaniyadbaa loogu daraa budgetka ,cashuurbaa loo qaadaa ,waa inay sicirka dhimaan jaamacadaha Cammuud ,Hargeysa,iyo kulliyadda kalluumaysiga ee Berbera ,haddii ad eegto standadrda nolosha dadkeenna waxa waajib ku ah inay qiimaha ka dhimaan .tusaale ahaan qqoyska shan carrur ah leh ,ee shantuba jaamacada doonayaan,ma u dhigan karaan mise waa maya,waa in xisaab celin lagag helaa maamulka Jaamacadaha,cashuuraha dadweynaha qiimo dhimis ugu beddelaan
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xildhibeen Reer Awdal Ah Oo Ka Hadlay Xaaladaha Shirkadaha Laydhka ,Biyaha Iyo Jaamacadaha Boorama Oo Ku Tilmaamay Kuwa U Baahan In Shuruucdooda Dib Loo Eego "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback