Boorama-(Lug)-Maayarka Magaalda Boorama Md. Cabdiraxmaan Shide Bile ayaa maanta saxaafada uga waramay safarkiisii qaatay mudada 2 bilood ahayd ee uu ku tagay dalkaasi ingriiska, waxana uu maayarku saxaafada u sheegay in safarkaasi uu guul ku soo dhamaaday. Waxa walba oo guul ah oo ay gaadheena ay mahadeeda leeyihiin jaaliyada reer Awdal ee qurbaha oo uu tilmaamay in ay kaalin muhiim ah ka qaateen sida uu kulankani u midho dhali lahaa waxana isaga oo kah hadlaya uu yidhi “ Mahad wayn ayay marwalba naga mudan yihiin jaaliya reer Awdal ee cariga ingriisku waana iyaga inta horseedka ka ahayd in uu safarkayagu midho dhalo”.
Maayarku waxa uu sheegay in uu la kulmay madaxda idaacada BBC-da isla markaana uu kala hadlay sidii magaalada boorama looga samayn lahaa idaacad FM ah oo ay magaaladu yeelato waxana uu tilmaamay in ay arintan si wayn uga wada hadleen masuuliyiinta BBCda dhawaana hadii eebe idmo la fulin doono.
Maayarku mar uu ka waramayay waxyaabaha guulaha ah ee la taaban karo ee uu ka wado safarkii uu magaalada Henley ku tagay ayaa waxa uu carabaabay in ay ka soo hooyeen guulo taariikhi ah oo u soo hoyday magaalada Boorama. Waxana maayarku uu sheegay in ay ka qayb galeen kulan sanadeedkii gudida hormarinta ee magaaladaasi Henley islamrkaana ay ka war bixiyeen xaalada magaalada Boorama warbixintaasna ay ku jirtay ka faaloodka waxyaabaha u qabsoomay, waxyaabaha u qorshaysan iyo caqabadaha hortaagan hormarka magaalada kuwaasi oo uu sheegay in ay ugu gudbiyeen qoraal.
Maayarku mar uu ka waramayay waxyaabaha ay Henley la qabanayso Boorama waxa uu yidhi “Henley waa magaalo xubin ka ah urur caalami ah oo ay leeyihiin magaalayooyinka qaarada Yurub waxanan ku heshiinay in ay noo noqoto Af dunida gaadhsiiyay wax walba oo aan u baahanahay, waxa intaasi sii dheer oo ay noo balanqaaden in ay na siin doonaan qalab badan oo isugu jira Cagafcagafyo, qalabka garoomada ciyaaraha, Riigag ceelasha lagu qodo bug faro badan oo aan rabno in lagu sameeyo martabad wax lagu akhristo aa ay yeelato dawlada hoose iyo bug kale oo ay ugu talo gashay kuliyada Caafimaadka ee jaamacada Camuud.waxa uu maayarku isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi waxase ay ka cudurdaarteen in aanayhayn wax kharasha ah oo ay alaabtaas ku soo raraan anaguna waxa an u sheegnay in ay isga wareejiyaan jaaliyada reer Awdal ee carigaasi Ingriiska oo iyagu isku hawli doona sidii ay alaabadaas u soo dhoofin lahaayeen.
Maayarku waxa uu magaalada Henley ku tilmaamay saaxiib laab furan oo ay leedahay magaalada Boorama, waxana uu isaga oo ka warama yidhi “ Henley waa magaalo u heelan in ay Boorama wax la qabato waxanan ugu tagay taariikh qadiimi ah oo ka tarjumaysa xidhiidhka labada magaalo, waxana aan ka bartay casharka ah in kolba halshay la qabto oo la dhamaystiro oo la iska ilaaliyo in qorsheyaal badan la is barbar wada.
Maayarka magaalada Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile waxa kale oo uu ka waramay in mudadii uu joogay London uu isku hawlay sidii uu ula kulmi lahaa jaaliyada reer Awdal eek u nool carigaasi waxana uu yidhi “ horta dadka ku nool London waxa aad u mashquuliyay nolosha halkaai taala waxase ii suura gashay in aan ka qayb galo labo kulan oo anaga ahmiyad gaar ah noo lahaa, waxaan kulamadaas ku gaadhsiinay fariimaha aasaasiga ah ee ay reer Boorama halkan nooga dhiibteen, waxana aan ka wada hadalnay dhamaanba jaaliyada reer Awdal ee London dagan sidii aan gacmaha isku qabsan lahayn waxna u wada dhisi lahayn.
Maayarku mar uu ka waramayay waxyaabaha ay ka wada hadleen waxii ugu muhiimsanaa ayaa waxa uu tilmamay in ay ka mid ahaayeen “ waxa aan ka wada hadalnay sidii hormood uga noqon lahaayeen hormarka gobolka gaar ahaan magaalada, waxa ay ii sheegeen in ay u qorshaysan tahay in ay dhisaan wadooyin laami ah balse waxa aan aad u doorbidnay in la hormariyo dhismaha garoonka kubada cagta ee magaalada Boorama mar aan ku wada hadalnay teleefan dunida oo dhan ah”.
Maayarku waxa uu u tacsiyeeyay qoysaskii ay ka baxeen dhalinyaradii tahriibta ku dhimatay, waxana uu sanadan ku tilmaamay hawada tahriibtu in ay tahay cudur la mid ah cudurada kale ee jira waxana uu yidhi “ tahriibtu waa cudur sanadahan geeska Africa aad u taabtay waxana uu la mid yahay cudurada waawaynee sida TB-da oo kale waxana lagu dawayn karaa oo qudha in hormar dhinacyo badan taabanaya la helo kuwaas oo dhalinta ka dhigi kara kuwo dalkooda aamina.
Maayarka mar wax laga waydiiyay sida ay u fulayaan balanqaadyadaasi ayaaa waxa uu yidhi “ waxa ay u baahan yihiin cid walbana na waydiisay in la helo hab xisaabeed cad oo cid waliba ay akhrisan karto iyo in la soo bandhigo waxqabad cado oo ah wax walba halka ay ku baxeen taasina waan u balanqaadnay wayna naga aqbaleen. Mayarku mar uu ka waramayay sida ay is aaminaadani suurta galka ku tahay ayaa waxa uu yidhi waxa muhiim ah in aan is aamino waayo waxa aan nahay bulsho hal ujeedo leh anigu waxa aan diyaar u ahay in la ila xisaabtamo, micno iima samaynayo kursigu hadii aanu bulshada wax u soo kordhinayn aniguna waxa aan rabaa diyaarna u nahay in la ii yimaado oo la ila xisaabtamo.
Maayarka mar wax laga waydiiyay sida uu u wajahayo xaalado badan oo musuqmaasuq lagu tilmaamay oo hadheeyay dawlada hoose isla markaana ay saxaafadu qortay ayaa waxa uu sheegay in aanu isagu ogayn isla markaana arag xaalad sedan oo dhan u xun waxase uu qirtay in uu qaladku dhici karo. Waxana uu yidhi “ Bini’aadamku waa qaldamaa dawlada hoosana waxa ay tahay waraabe cid waliba yur iska tidhaa, wixii xuba xaawa ayaa leh ayaana la yidhaa hadiise ay wax qaldameen waan saxaynaa in suuqa wax laga yidhaana ma fiicna ee bal na canaanta oo nasaxa, aniguna waliba waxba kama ogi oo wali kama soo caga dhigan safarkii aan ku maqnaa”.
Mar wax laga waydiiyay xaaladan uu la soo kowsaday ee biyo la’aanta ah ayaa waxa uu maayarku sheegay in ay biyo la’aantu u baahan tahay qorshe aad u balaadhan oo dhinac walba leh oo la isla kaashado lagana wada hadlo sidii loo wajihi lahaa khatarta biyo la’aanta ee soo fooda leh.
Maayarku waxa kale oo uu saxaafada u sheegay in uu dadka ka dalbanayo in cashuurta loo bixiyo si daacadnimo ah loona soo wada jeesto dhinaca hormarka iyo waxqabadka, waxa kale oo uu ku dardaarmay bulshada in loo baahan yahay in la wada waajaho caqabadaha adage e ay noloshu leedahay kuwaas oo lagaga bixi karo oo qudha is gargaarsi iyo iskaashi dhinacwalba leh.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maayarka Magaalda Boorama Oo Ka War-bixiyay Safarkiisii Cariga Ingriiska. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback