Boorama-(Lug)-Qaar ka mid ah masaajidada magaalada Boorama ayaa maanta gabi ahaanba khudbadii salaadii jimcaha ee maanta ku soo qaatay ka hadalka xaaladahii ugu dambeeyay ee biyo la’aanta iyo sicirbararka ka jira magaalada Boorama, waxana culimadaas maanta ka hadashay mawduucyadan ay ka sinaayeen oo ay carabka ku dhufteen in xaaladu ay ka sii dari doonto hadii aanan imika wax laga qaban.
Masjidka Harawa ee ku yaala badhtamaha magaalada Boorama marka aad milicsato khudbadiisii ayaa sheekhii maanta ka hadlay oo ahaa Sh. Xasan Daheeye Axmed uu canaan kulul dusha uga riday masuuliyiinta biyaha ee SHABA waxana uu ku canaantay in ay faraha ka laabteen wax ka qabadka xaalada biyo la’aanta ee jirta. Sh. Xasan isaga oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in uu musuq-maasuq hadheeyay shaqaalaha hoose ee SHABA waxana uu sheekhu tusaale u soo qaatay in ay jiraan Kiiyoosyo ay biyuhu u socdaan oo aanay ka gu’in isla markaana ganacsi loo furtay iyo booyado biyo lagu soo dhaamiyo oo meelaha kiyoosyada ah ee ay ka soo dhaamiyaan aanay biyuhu ka gu’in halka guryaha kiyoosyadaas la jaarka ahina aanay maalmo dhan biyo helin.
Sh. Xasan ayaa waxa uu ugu baaqay SHABA masuuliyiinteeda in ay dib isugu noqoto waxana isaga oo arintan ka hadlaya uu yidhi “ waxaa haboon in ay dib isugu laabtaan oo ay waxwalba oo ay hagaajin karaan ay hagaajiyaan, hadiise ay taasi dhici wayo dadku hore kalsooni ayuu ugu igmaday hawshan waana hubaal in lagala laaban doono”.
Sh. Xasan Daheeye Axmad waxa kale oo uu ka waramay xaalada sicirbararka iyo kor u kaca maciishada ee ka jirta magaalada Boorama waxana uu sheekhu qirtay in ay xaaladani tahay mid dunida oo dhan ka jirta balse ay arinta sii murjinayso kaalinta xukuumadu ay ka qaadatay hawlahan waxana uu isaga oo xukuumda la hadlaya uu yidhi “ waxaa fiicnayd in ay xukuumadu ka dhaafto cashuurta maciishada aasaasiga ah ee jirta isla markaana badalkeeda ay canshuurta ku adkayso waxyaabaha kale ee faakidaysiga loo isticmaalo suda Jaadka, Sigaarka iyo qalabka kale ee Electronic-kada ah”.
Sh. Xasan waxa uu ganacsatadana ku canaantay in ay ka gaabiyeen oo ay haboontahay in ay raashinka u doontaan kolba dunida meesha uu ku jaban yahay waxana uu tusaale u soo qaatay dalka Sudan oo uu sheegay in laga heli karo maciishad jaban.
Xaalada sicirbararka iyo biyo la’aanta is biirsaday aya waxa ay yihiin k uwo magaalada oo dhan laga dareemi karo waxana mushkilada ugu wayni ay tahay in shaqo la’aanta jirta ay ku biirtay biilkii xaafadahu ay heleyeen oo aanan waxba soo gaynayn marka ay haweenku u dukaansi tagaan suuqyada magaalada Boorama.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama

Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xaalada Biyo La’aanta Iyo Kor-u-kaca Qiimaha Maciishada Oo Lagaga Hadlay Khudbadii Salaadii Jimcaha Ee Maanta "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback