sawirka_maqaalka.JPGXukuumada Somaliland ayaa deeq  xooleed oo Adhiya u fidisay  Jamhuuriyadda  Jabuuti ee aynu jaarka nahay maalmihii la soo dhaafay, taasina waxay  muujinaysaa  siday xukuumadu ugu  dedaalayso inay dalalka jaarkeeda ka kasbato  daris wanaag , xidhiidh saaxiibtinimo  oo fure u noqon kara  dariiqii ay Somaliland  u maraysay inay aqoonsi  ka hesho  beesha caalamka.
sawirka_maqaalka.JPG

Deeqdan  Adhiga   ah oo laba kun  ahayd ayaa Jamhuuriyada Jabuuti uga mahad celisay  dawlada Somaliland ee u fidisay  , isla markaana  bulshada Somaliland ee dhinaca  fiican  wax ka eegta  ayaa iyaguna  waxay doodooda ku qotominayaan in deeqdani ahayd tallaabo  fiican oo xukuumada Somaliland qaaday.

Waxay intaa ku darayaan in deeqdan  xoolaad ay wax weyn ka tarayso dhinaca  xidhiidhka labada dal  oo sii xiddidaysta , isla markaana yeeshay rukuno  adag oo uu isku taago.

Dadka dhinaca siyaasada falan qeeya  ayaa waxay qaarkood  ku doodayaan inay Somaliland asiibtay soo jiidashada dalka Jabuuti oo aan hore ugu jajabnayn inay dhinaca ictiraaf raadinta Somaliland garab ka siiso , waxaanay  intaa ku darayaan in ay xukuumada Somaliland hadda hayso dhabadii lagu helayay ictiraaf caalamiya , taasi oo ay muujinayso siyaasada hufan ee fur furan  ee ay  saaxiibtinimada kaga samaysanayso dalalka  jaarkeeda iyo dalalka kale ee dunidaba.

Waxa  kale oo ay  ku tiraabayaan in tan iyo intii  Madaxweyne  Rayaale dalka  Madaxweynaha ka noqday  uu wax weyn  ka bedelay  dhinaca siyaasada  arrimaha dibada safara badana uu ku tegay  dalalka Afrika , Yurub  iyo Maraykankaba , taasina  keentay inay wax badan  ka bedesho  fikradii markii hore dunidu  ka qabtay  Somaliland, sidoo kalena  ay  dalka yimaadaan wufuud  badan oo isugu jirta  Wasiiro , Baarlamaano , Siyaasiyiin  caana , ganacsato  iyo shirkado  waaweyn  oo maal gashi dalka ku  samaynaya  , kuwaasi oo imaanshahooda ay sabab u ahayd dedaalada xukuumadu  ku baadi goobayso  in dalkani  aqoonsi  caalamiya  ka helo beesha caalamka.

Waxay u soo jeedinayaan  Mucaaridka  inay aflagaadooyinka iyo gujo  gujaynta  ka daayaan dalka jaarka ah , taasi  oo ay  ku tilmaameen inay  dhaawici karto  dedaalada xukuumadu ugu jirto  ictiraaf raadinta iyo dhinaca xidhiidhka  siyaasadeed  iyo ganacsiba.

Dhinaca kale , socdaalkii Wefdiga Madaxweynuhu ku tegay Jabuuti , waxa ay  labada dal ku kala saxeexdeen heshiisyo  dhinacyo badan leh , iyada oo rugaha ganacsiga labada dhinacna kala saxeexdeen  heshiisyo  ganacsi.

Waxa lama ilaawaan ah oo cid kastaaba qiraysaa in intii Madaxweyne Daahir Rayaale talada dalka hayay uu wax weyn ka taray dhinaca aqoonsiga , oo aynu caalamka markii ugu horeysay ku yeelanay dalal saaxiibo badan , sida Ethiopia , Jabuuti , Kenya , Tanzania , Ghana , Maraykanka , Ingiriiska , Jarmalka ,Sweden , Imaaraadka Carabta iyo dalal badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin.

Si kastaba  arrintu ha ahaatee  waa muhiim in xukuumada Somaliland sii  kordhiso  dedaaladeeda siyaasada  arrimaha dibada  soo jiidashada  dalal badan oo dunida ah iyo ictiraaf  raadintaba , isla markaana deeqdaa  xooleed  ee ay Somaliland siisay  Jabuutina   run ahaantii waa mid la odhan karo  Jabuuti  way istaahishaa  gacan  walaaltinimo , iyada oo nabad  ku wada noolaanshaha  dalalka jaarkuna waa muhiim.

Riyaad Mohamed Yuusuf
Riyaad123@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland