Akhirstayaal, waxaan halkan idiinku soo gdubinaynaa dood male awaal ah laakiin xaqiiqada ku qotonta oo dhexmartay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, iyo shacbiga Somaliland, waa dood aan ugu talogalay in Madaxweynuhu kaga waantoobo erayga “Aniga”, oo uu aad u adeegsado.Waayo eray aan haboonayn, oo muujinaya annaaniyad, Waa tan doodina:
 
Dadweynaha:Madaxweyne Maxaad arrinta dhoofka xoolaha ugu xidheen Al-Jaabiri?
 
Madaxweynaha:Xoolaha Somaliland, waxa weeyaan markii hore way xidhnaayeen ee Anigaa soo furay oo caalamka ku qanciyay in ay inaga iibasadaan, imakana Anigaa cidaan doono u xidhaya, waayo in la is barbar yaacaa ma wanaagsana, ninkaasina anaa la heshiiyay, anigaana kaligii ruqsada siiyay.Sidaa aan doonayna way ahaanaysaa.
 
Dadweynaha:Madaxweyne Maxaad u xasuuqday dhalintii riiga ka mudaharaaday?
 
Madaxweynaha:Riiga anigaa keenay, anigaana maamulaya, anigaana halkaan doono gaynaya, cidii iga hortimaadana anigaa u leh cudud aan ku gumaado, waayo dalka iyo riiga loo wada talin maayo ee anigaa u talinaya.Anigaana idhi galbeed ha la geeyo, Sidii aan markii horeba u geeyay Koonfurta Hargeysa ayaan imakana u geeynayaa Galbeed, cidna kalama tashan markii hore imakana cid aan la tashanayaa ma jirto.
 
Dadweynaha:
Madaxweyne muxuu xisbigaagu uga meermeerayaa doorashada ee aad kolba dib ugu dhigaysaan??
 
Madaxweyneha:Qosol ( KKK  KKK  KKk ).Waar malaha war ma haysaan .Doorashada anigaa qabtay marki hore.Anigaana markii hore diiday in la ii kordhiyo.Angaanay dadku i doorteen.Anigaana markaan doono qabanaya.Imakana waan qaban doonaa, oo gar iyo gardarroba wan ku helayaa.2003na doorashada waa la iga helay, laakiin halyeeyada Xisbiga UDUB ayaa kursiga ii soo dhiciyay.Imakana ayaa u taagan doorashada, waayo cid is sharaxda aniga ayaa u mudan, uguna wanaagsan.
 
Dadweynaha:Madaxweyne xisbigaaga waxa ka jirta Digtaatooriyad, cidii hogaanka hunguraysanaya daaqada ayaa laga saaraa ee taas maxaa sababay?
 
Madaxweynaha:Xisbigaan anigaa leh oo ka dhaxlay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, cidda hunguraysaana waa cid hantidaydii soo doonatay.Waanan eryayaa.Lamana ogola cid aan aniga ahayn oo iska soo sharaxda.Cid iga wanaagsan oo iska soo sharaxdaana ma jirto.Ee waa inaan anigu xisbiga Hogaamiyo inta kalena ay igu daba faylaan.Oo ay ii sacabiyaan.
 
La soco qaybaha dambe ee Doodan oo aad u xiiso badan.

Mohamed Mohamoud Youssuf
kingladane@hotmail.com

Fikrada Qoraagu Kama Turjumayso Aragtida Lughayanews