Borama-(Lug)-Waa shay iska caadi ah in mar kasta oo hoggaamiyaha xisbiga Talada haya ee UDUB, Daahir Rayaale ay soo waajahaan arimo siyaasadeed oo qiilqiil gelin kara kursigiisa uu ku kaco tallabooyin cusub oo waxyeelayn kara nolosha dadka ,wada deggenaanshaha beelaha reer Awdal ama reer Soomaalilandba.
Waxa kale oo Rayaale looga bartay in kursi jacalykiisa iyo xoolo jacaylkiisu dadka gobolkan iyo Soomaalilandba u horseedaan shaki iyo dareen soo kala dhex gala dawladdiisa iyo shicibka ,sicir babarka naafeeyey nolosha danyarta ,iyo tacaddiyo loo geysto xuquuqdooda iyo ,xorriyaddooda ,iyagoo wakhtiyadaasi maamulka Rayaale kala kulma xadhig sharci darro ah ,cabudhin iyo cadaadis laga yaabo inay aakhirataanka galaafato xukuumadda maanta .
Sidoo kale ayaa Rayaale mar kastoo ay soo waajahaan dabaylo siyaasadeed iyo olole doorasho uu dadkan gobolkan ka dhigtaa buundo uu kaga tallaabo wakhtiyada kusoo socda si uu ugusii nagaado madaxtooyada oo shan ama lix sano ku dhawaad ka hor ku tegey loollan siyaasadeed oo ay xisbiyada siyaasaddu ugu debceen.
Inkastoo reer Awdal ay raalli ka yihiin waxyeello kastoo kasoo gaadha maamulka Rayaale ,horumar iska dhaafoo maadaama ay u haystaan in Rayaale iska celinayo cadow soo jireen ah oo ay reer Awdal lahaan jireen kaasoo ama cadowgaasoo ay ku heshiiyeen shirweynihii Booramna ee 1993kii.
Haddaba markad eegto xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolkii la odhan jiray Awdal ka taagnayd intii Rayaale dalka xukumayey ,ayaa haatan waxa kusoo kordhay arrin kale oo mustaqbalka gobolkan geyeysiin karta inay ka dhacaan arimo keeni kara deggenaansho la’aan ,taassoo ka dambaysay magacaabistii Rayaale uu dhawaanta ku magacaabay gobollo iyo degmooyin uu ku saleeyey hab beeleed laga soo gudbay .
Magacaabistan oo meesha ka saartay haybaddi dawladnimada Soomaaliland ,ayaa la iska ogyahay inuu Rayaale uga dan leeyahay sidii uu sannado kale usii fadhiyi lahaa madaxtooyada sidii dhibta yarayd uu ku tegey 2003ddii,ila maantana laga furfuri kari laayahay .
Si kastaba ha ahaate gobolka Selel oo uu Rayaale ka gooyey gobolkii la isku odhan jiray Awdal ayaa durba u muuqda mid gacanta u galay dal reer Soomaaliland badankoodu aaminsan yihiin inuu cadow ku yahay qarannimadooda iyo dawladnimadooda kaasoo ah dalka Jabuuti .
Sida la ogyahay gobolka Selel la magac baxay waa gobol ama degaan dadka iyo dawladda haatan ku abtirsatay dalka Jabuuti ay ku taami jireen inay ka dhex samaystaan dalkii la odhan jiray Soomaaliya iyo Soomaalilandtii ay hoggaamin jireen marxuum Cigaal iyo Tuur kuwaasoo u diiday inay Jabuuti usoo dhaafto Soomaaliland.
Dagaallo dhiig badani ku daatay oo ka dhacay dhulka haatan Saylac xukunto , ee Rayaale gobolnimada siiyey ayaa ahaa dhul la wada deggenaa weligiiba lagana wada difaaci jiray cadow kasta oo kusoo xadgudbna,beel keliya ahina aanay sheegan jirin maamulkeeda iyo gacan ku hayntiisa ,hase yeeshee maanta waxa Rayaale daaha ka rogay in dhulkaasi ka tirsanaan jiray xeebaha galbeedka ee Soomaaliland uu yeelan doono weji ka duwan kii lagu wada deggenaa .
Inkastoo dadweynaha reer Awdal qaarkood i sheegaan in Rayaale usoo kordhiyey gobol kale,waxase muuqata in sifaha uu maamulka gacanta ugu geliyey dad loo arko inay kasoo jeedaan dalka Jabuuti,ay wakhtigana Rayaale usoo jiiddo nacayb kaga yimaadda dadkiisa.
Dadweynaha gobolkan ayaan hore uga didin maamulka degmada Saylac ee uu gacanta ku hayo nin lagu tiriyo qaraabadad madaxwayne Geelle oo la yidhaa Maxamed Cumar Cawa, balse magacaabista gobolkan Selel loo magacaabay nin kale oo ay ilmo adeer yihiin maayarka Saylac iyo madaxweyne Geelle lana yidhaa Cawaale ismaaciil, ayey cid kastaa garan kartaa waxa ka iman kara ,iyadoo la ogyahay sida madaxweyne Geelle aanu maamul gobol iyo maamul wasaaradeedba u oggolayn beelaha reer Soomaaliland ,gaar ahaanna beelaha samarroon ee ku nool isla dhulka ay ka yimaaddeen maayarka Saylac iyo badhasAabka cusub ee gobolkaasi.
Markaad eegto sifaha loo magacaabay ee beelihii dhulkaa degaanka u ahaa looga sifeeyey maamulka Selel,waxay cid kastaa garan kartaa ujeedada Rayaale ka leeyahay inay ahayd uun fulinta siyaasad uu ka dambeeyey madaxweynaha Jabuuti .Magacaabistan oo kusoo beegantay wakhti dalka Jabuuti ay dhinaca kasoo weerartay dawladda Eritrea ,madaxweynaha Jabuutina u yeedhay maamulka Imbagaati iyo kan Soomaaliland inay caawiyaan ,una direen adhi fara badan ,waxay cid kasta oo reer Awdal ahiba garan kartaa inuu dhammaday dhulkii,dawladdii ,iyo boqortooyadii “Awdal-Land ‘ ee ay kala hor iman jireen maamulka Soomaaliland markii lagaga dhawaaqay Burco 1991kii.
Haddii Rayaale jeclaa inuu lafta madaxwayne Geelle magacaabo,waxa ka xaq lahaa Beesha Reer Geeddi -Ciise oo weligoodba degaan Soomaaliland ahaa ,kana tirsanaan jiray xoogaggii SNM ee dalka xoreeyey.Haddii uu Rayaale doonayo inuu dhulkaasi maamul wanaaggisa ka taliyo waxa uu kusoo dari lahaa magacyada beelaha Samarroon ee degaankaasi u badan ,gaar ahaanna beelaha Maxamed Case ,kuwaasoo laga yaabo inuu maanta u haysto cadowgiisa koowaad maadaama musharrax xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye uu kasoo jeedo degaanka Saylac,balse aakhirataanka laga yaabo in maamulka uu magacaabay iyaga hoos yimaaddo maadaama dhulkaasi degaankiisa ay u badan yihiin .
Inkastoon la saadaalin karin waxa ka iman kara maamulka Rayaale u magacaabay selel ,waxay dad badani u arkaan inuu Rayaale dhul Soomaaliland leedahay hoos geeyey niman reer Jabuuti ah qarannimadii Soomaaliland-na uu wax u dhimay
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh. (Hyane)
Lughaya news-Borama
..


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Magacaabista Maamulka G/Selel Ee Daahir Rayaale Ma Tahay Dhamadka Sheegashadii “Awdalland” Ee Reer Boorama? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback