rlogo4.gifOslo(lug)-xubnaha ururka Iqra laantiisa dalka Norway ayaa shir ay isugu yimaaddeen ku doortay guddi cusub oo hoggaamisa ururkaasi, waxaana lagu doortay kalfidhi sannadeedkii ururkaasi xubnahan hoos ku qoran

:1. Maxamad Cali Farax = Guddoomiye
2. Siyaad Tukaale Riiraash = guddoomiye ku xigeen
3. Maxamad Jaamac Areye = xoghaye
4.Suleiman Muse Cilmi = afhayeen
5.Cismaan Faarax Cilmi = Khasnaji
6.Faadumo Qowrax Xuseen = Xisaabiye

Sidaasna waxaa Lughaya news u sheegay afhayeenka ururka Iqra/Read ee dalka Norway Suleiman Cilmi Muuse, isaga oo intaa raaciyay in ay xubnaha ururkaasi ee dalka Norway aad u taageereen isku shaadhayntan cusub ee golaha ururkaasi lagu sameeyay.

Sida la ogyahay ururka Iqra/ Read ayaa ah mid ka howl gela gobollada Selel ,Gebilley, iyo Awdal wuxuuna ka shaqeeyaa faafinta waxbarashada iyo la dagaallanka jaahilnimada, iyada oo uu ururkaasi oo 9 jir ahi dhisay in ka badan 20 dugsi oo ku kala yaal saddexdaas gobol islamarkaana uu mushaarada macallimiinta dugsiyadaasi bixiyo, sidoo kale ururkaasi waxa uu laamo ku leeyahay qaaradaha America iyo Urub.


Lughaya News