Hargeysa-(Lug)-Wasaaradda Beeraha Somaliland, ayaa maanta gobollada dalka ka bilawday olole ay beeraleyda kaga wacyi gelinayso sidii looga gaashaaman lahaa cayayaan diirta ee waxyeeleeya dalagyada beerada.

Wasiirka beeraha Somaliland Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ayaa hawlgalkan kaga dhawaaqay shir jara’aid oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa.

Wasiirka beeraha ooka hadlayay shirkaasi jara’aid waxa uu yidhi “Waxaan u malaynayaa waxaan xafiiskayga aan iskugu nimid muddo haatan laga joogo bil iyo badh, inaga oo ka hadlayay abaaraha, saricii la beeray diirtii cuntay, waxaanu idiin sheegnayinay wasaaraddu bilaabi doonto hawlgal ku saabsan qiimayna dhibaatada ay diirtu geysatay, oo horena aanu uga galeen wasaaradda beeraha oo soo qiimaynayay abaaraha, cunto yaraanta iyo dhibta ay geysatay diirtu, markaa maanta waa markii ay u baxayeen kooxaha ka tirsan wasaaradda oo tababar la siiyay, si ay u soo sameeyaan daraasad, sanadkana maadaama oo diiri ay jirtay wax badan kama sugayno dalagii la beeralay sidaasi darteed, waxa beeralayda lagu soo sameeyay wacyigein waxsana nagalada hawlgalay hayadaha FAO iyo UNA oo tababarna la siin doono beeralayda oo loo gudbin doono qoraalo iyo sawiro ku saabsan la dagaalanka diirta, si looga feejignaado musqaqbalka dhirta iyo cayayaanka kale”.

Wasiirku waxa uu sheegay in gobollada dalka laga fulin doono wacyi gelin la xidhiidha la dagaalanka diirta oo la siinayo beeralayda dalka.

Sidoo kale waxa shirkaasi ka hadlay agaasimaha wax soosaarka iyo badbaadada beeralaha, Cali Aare Cismaan, shara ka bixiyay ololaha wacyigelinta diirta ee gobollada dalka iyo sidii looga gaashaaman lahaa.

“Diirtan raxan raxan ka ah waa aafo kawa guurguura, waxana la mid ah ayaxa iyo shibirta loo yaqaano xamaraha, saddexdaasi waxay ka mid yihiin waxyaabaha adduunku iska kaashado ee la iskaga gurmado markii ay sanadkan dilaacday diirtu waxay wasaaraddu samaysay qorshe ku saabsan sidii looga gaashaaman lahaa”, ayuu yidhi agaasimuhu.

Cali Aare oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan xooga saaraynaa sidii beeralayda loo bari lahaa inay bartaan in diirta ogaadaan in la ogaado inta aanay dilaacin ka hor’.

Agaasimuhu waxa uu tilmaamay inay beeralayda u sameeyeen sawiro iyo qoraalo la xidhiidha macluumaadka diirta oo dhan.

Waxa kale oo shirka ka hadlay sarkaal ka tirsan hayada UNA iyo isu duwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Hargeysa C/raxmaan Xasan Caways.


Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya/News-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com