0b20.jpgAllaybaday-(Lug)-Waxa maanta Dugsiga Sare ee Allaybaday soo gaadhay Mr. Sandy young iyo C/xakiin Sulub oo labadooduba kasoo baqoolay dalka U.K. muddana imika kusugnaa dalka, Safarkan oo ay kasoo kicitimeen Xarunta Gobolka Gabiley ayaa waxa ku waheliyay

 Gudoomiye kuxigeenka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Marwo Khadra X. Gaydh.
0b20.jpg

Hadaba socdaalkoodan oo dabaca socday in ay soo kormeeraan Degsiga sare ee Allaybaday oo ay Qalab waxbarasho ugu deeqeen, qalabkaasi oo ahaa Computero ay siiyeen Degsiga Sare sanadkii hore kuwaasi oo ay hubinayeen in ay ugaadheen siddii loogu talagay loogana faa’idaysto.

Hadaba ugu horayn waxa ay kulan  la yeesheen Gudoomiyaha Degmada,Maamulaha Dugsiga sare iyo Guddida Guud ee UHWA Allaybaday.
0b26.jpg

Kulankaasi oo ka dhacay Xafiiska UHWA ee Allaybaday  waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay C/Xakiin Sulub Maxamuud oo marka hore faahfaahiyay ujeedada safarkooda, kuna sheegay in ay tahay mid ay ugu kuurgalayaan Dugsiga Sare iyo sidda ay usoo gaadheen Qalab waxbarasho oo ay hore ugu deeqeen taasi oo uu sheegay in haddii qalin lasoo diro ay adag tahay meelaha qaarkood in uu ugaadho siddii loogu talagalay, balse waxa  uu yidhi Allaybaday way ka duwan tahay oo way soo gaadheen Qalabkii aanu ugu deeqnay walow ay wax ka maqan yihiin, isaga oo yidhi waxa aanu Dugsiga sare ee Allaybaday ugu deeqnay 7 Computer balse waxa aan arkayaa 5 computer oo iskuulka yaala, islamarkaana uu Maamuluhu ii sheegay in ay soo gaadheen 5 taa Computer, waxa kale oo uu C/xakiin aad ugu mahadnaqay Jaaliyadaha ku hawlan horumarinta waxbarashada oo uu yidhi waxa ay mudan yihiin ku dayasho.
0b27.jpg

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Sandy Young oo yidhi Allaybaday Maanta iigu ma harayso balse mar hore ayaa imid oo lagu casuumay safarkan maantuna waa kii labaad ee aan Allaybaday ku imaado, waxaanan rajaynayaa in aan Safaro kalena ku imin doono Allaybaday, Mr. Sandy  waxa uu yidhi waxa aan aad ugu farax sanahay in aan la kulmo Guddi ka shaqaysa Hawlaha waxbarashada, waxa kale oo uu yidhi waxa la idiinka baahan yahay ka guddi ahaan in aad isku duubnaataan  si aad horumar u gaadhaan ayuu yidhi inkasta oo uu yidhi waxa aad haysaan wadadii horumarka, ugu danbayntiina waxa uu guddidaasi waydiiyay su’al ah Waa maxay shayga ugu muhiimsan ee aad rabtaan in aad gaadhaan? waxayna guddidu ugu Jawaabeen waxa aanu hiigsanaynaa in dayarta Degmada Allaybaday ay noqdaan kuwo waxna qora waxna akhriya.

Waxa kale oo halkaasi isna ka hadlay Maamulaha Dugsiga Sare Maxamed Aadan Daauud waxaanu Maamuluhu Mahadnaq usoo jeediyay Mr. C/xakiin iyo Sandy oo uu labadoodaba ku amaanay sida fiican ee ay u caawiyeen Dugsiga Sare ee Allaybaday isaga oo Maamuluhu yidhi Computeradan aad ku Caawiseen Dugsiga Sare wax wayn ayuu ka tarayaa  Horumarinta waxbarashada Dugsiga isaga oo yidhi waxa la joogaa wakhti Technologyadu  wax walba ay hogaaminayso waxa kale oo uu Maamuluhu xusay Baahiyaha kajira Dugsiga sidda dab la’aan maadaama oo uu Dugsigu Magaalada Kadurugsan yahay kaasi oo aanu lahayn Engine u gaara oo uu Dugsigu leeyahay si looga faa’ideeyo Computeradan, waxaanu Maamuluhu Hadalkiisii kusoo koobay oo yidhi waxa aan rajaynayaa in aanay Deeqdani noqonin tii ugu danbaysay ee aad nasoo gaadhsiisaan balse aad ka war haysn doontaa Dugsiga sare ee Allaybaday.
b009.jpg

Waxa kale oo halkaasi ka hadashay Maayar kuxigeenka Degmada Gabiley Khadra Xaaji Gaydh oo marka hore mahadnaq usoo jeedisay C/xakiin iyo Sandy oo ay ku amaantay qalabka ay ugu deeqaan  Dugsiga sare ee Allaybaday, waxa kale oo ay guddida Cusub ee UHWA  Allaybaday ku borisay in ay ku dadaalaan kobcinta hawlaha waxbarashada iyo in ay isku duubnaadaan ugu danbayntii waxa ay tidhi waxa aan Mahadnaq balaadhan usoo jeedinayaa Jaaliyahada ku hawlan horumarinta dalkooda iyo Deegaankooda.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida UHWA Allaybaday  Maxamuud Yuusuf Cige oo aad ugu mahadnaqay C/xakiin iyo Sandy oo uu yidhi runtii aad ayaanu idiinku mahadnaqaynaa  maadaama oo aad Dugsigii sare Computero noogu keenteen.

Waxa ugu danbaytii halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan Shahar oo marka hore mahadnaq usoo jeediyay Sandy iyo C/xakiin runtii aad ayaan ugu faraxsnahay Qalabka aad ugu deeqdeen iskuulada dalka gaar ahaan kan Allaybaday, waxaanu yidhi waxa aan idinka filayaa in aanay deeqdani noqon doonin tii ugu danbaysay ee aad ugu deeqdaan Degmada allaybaday, waxa kale oo uu yidhi Gudoomiyuhu  runtii sida uu Maamuluhu sheegay waxa jirta Laydh la’aan xaga Dugsiga sare ah, balse waxa aan ka Gudoomiye ahaan ugu Deeqayaa Dugsiga Sare hal Engine yar oo Xafiiskayga yaala, si ay ardaydu uga sii faa’idaysato inta engine wayn loo helaayo, waxa kale oo uu guddida cusub aad ugu dhiiragaliyay in ay si ka badan siddii ay guddidii hore u qaynaysay  u shaqeeyaan isaga oo yidhi idinku iskuulada lug baad ku tagi kartaan markaasi ku dadaala in aad horumar balaadhan gaadhsiisaan hawlaha waxbarashada ee degmada, ugu danbaytii waxa uu iyana mahadnaq usoo jeediyay UHWA world wide oo ku amaanay hawsha wayn ee ay hayaan.

Waxa kale oo jiray in ururka samafalka ah ee Gardo ay Dugsiyada Degmada Allaybaday ugu deeqeen 4 Computer kuwaas oo uu soo qaaday Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Hassan Shahar, kuwaas la sugaa in dhawaan 3 Dugsi ee magaalada ku yaala in lagu wareejiyo.

 

Wariye:- UHWA:ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)
Email:
hilqadm@hotmail.com
Website:
http://www.allaybaday.com/