Borama-(Lug)-Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Boorama  ayaa cadho ka muujiyey hadalkii kasoo yeedhay wasiirka daakhiliga Soomaaliland C/laahi Ismaaciil Cirro ,kaasoo uu ku soo hadal qaaday ururka maraykanku u haysto argagixisada ee  Al Ashabaab ee laguna sheego koonfurta Soomaaliya .

Hadalkan wasiirka oo ka dambeeyey eedeymo lagusoo eedeeyey guddoomiyime kuxigeenkii hore ee komishanka doorashooyinka  ,xilkana iska casilay ,.Xasan Xirsi Cali,ayaa dadweynaha Boorama badankoodu u qaateen inuu ahaa hadal aan meesha qaban ,isla markaana  sumcad xumo iyo waxyaalo kale usoo jiidaya Soomaaliland,taasoo an looga baran in kooxahaasi oo kale lagu sheego inay Soomaaliland joogaan ,meesdhay doonaan ha joogeene .

Dad u badan culimada diinta iyo ,aqoonyahanno ,iyo siyaasiyiin badan oo Boorama joogtaa oo aan arrintaasi wax ka weydiiyey ayaa dareenkooda iigu sheegay siyaalo kala duwan balse ka sinnaa xumaanta hadalka wasiirkaasi u leeyahay mujatamaca Soomaaliland .

Xuseen Cabdi ,oo ka amid ah  shicbka Boorama  ayaa igu yidhi “waxan BBCda ka maqlay in dawladdu ninkii ay Burco kasoo qabatay ku eedeysay waa Agagixiso,baL maxay dembi kale ugu sheegi waayeen  sawnakan la mid noqonayna reer Xamarkii “

Faarax Cilmi ,ayaa isna yidhi “:waxan la yaabay  waxa wasiirku dembiga intaa leeg ula doontay nin   lagu sheegay inuu mucaaradka  reer Burco ka mid yahay dawladdii way waalatay ,maxaa dhici haddii berri xabashidii maqasho argagixisaa joogta Soomaaliland”

Sheekh ka  cudurdaartay in la magacaabo  ayaa isna ayidhi “waar ilaahay maa laga yaabo,ninkan wasiirka  ah ee la moodayey nin ka xishooda waxyaalaha  foolxumada leh ,sawkan maanta uun bad galay .Wasiire dadkiisii ku sheegeya argagixiso  muxuu dhaamaa C/laahi Yuusf iyo Cali Geedi .allaha innoo sahlo.”.

Sidoo kale ayaa haweenay shaah ku iibisa mid ka mid ah  makhaayadaha Boorama ayaa igu tidhi “Bbcdii waxay shalay tidhi Soomaaliland  urur la yidhaa AL’shabaab oo xabashidii muqdisho ku madhiyey ayaa  Soomaaliland joogta ,dee berri  amxaaradii iyo maraykankii run moodi doonaan ,waar waxaasoo kale dadkaaga laguma sheego “

Si kastaba ha ahaatee waraysiyadan  oo aad u badnaa ,ayaanay dadweynaha an waraystay ku soo hadalqaadin magaca Rayaale iyo dawladdiisa ,balse kusoo qaadayey qaarkood wasiir kasoo jeeda beesha Isaaq ahbaa yidhi  sidaa yidhi ,mana ogi ama iimay muujin inay ka xumaayeen xadhigga guddoomiye-kuxigeenkii hore ee Komishanka  ee haatan ku xidhan Hargeysa .
 
Cadhada ay hadalka wasiirka ka qaadeen reer Boorama badankoodu ,ayaa la tuhunsanyahay  inay ku salaysantahay  sida ay reer Boorama ugu dhawyihiin xadka Itoobiya ,oo ay Ethiopia toban daqiiqo gudahooda kusoo geli karaan Boorama haddii hadalkaasi wasiirka ay ka ficil qaadato,sidaa darteedna  ay  u haystaan in wasiirka daakhilgu khatar gelinayo nabadgelyadooda halkii uu ka sugi lahaa amnigooda .

wariye-hyane.jpg
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama