abdibashir_1.JPGBismillaahi Raxmaani Raxiim
Walaal Maxamed:  Asalaama caykum wa raxmatullaahi wa barakaatuh. Waxa kula hadlaya; Maxamed Xirsi Guuleed. Waxa i soo gaadhay in laguu doortay guddoomiyaha gobolka cusub ee Gabiiley. Markii aan warkaas maqlay lama aan yaabin. Maxaa yeelay?  waan ogaa in aad u qalanto jagadaas iyo mid kaleba.

 Waxa aan la socdaa amaba aan dareemi karaa in ay ku soo gaadheen hambalyooyin aan la soo koobi karin oo kaaga kala yimid dad aydun asxaab ahaydeen, qaar aad ehel tihiin iyo qaar aad dusha uun iska taqaanneen iyo weliba  khalqi badan oo hadda uun ay isugu kiin horrayso. Aniga qudhaydu waan naawilay in aan kula soo xidhiidho oo aan tilifoon kuu soo diro. Dabadeed waxan ka fekeray wixii aan kugu odhan lahaa. Waxa ii soo baxday in aanan tilifoon kuugu dhammayn karin, wixii maskaxdayda ku soo dhacay. Markaas ayaan go´aansaday in aan kuu soo diro farriin qoraal ah. Haddana waxan ka fekeray sidii aan kuu soo gaadhsiin lahaa qoraalkaas. Waan hayey sanduuqaaga internetka oo waan kuu soo dhigi karayey. Laakiin waxan door biday in aan warkayga hawada kuu soo mariyo si dadkoo dhamiba u ogaadaan. Adigu hadda waxa aad noqotay qof dadka u dhexeeya oo warkiisa in la ogaado la wada rabo. Dhinaca kale waxa jira dad badan oo kula meeqaan ah oo xilal kaaga la mid ah haya. Kuwaas qudhooda farriintaydu way ku socotaa.

abdibashir_1.JPG
Walaal Maxamed: Aniga farriintaydu ma aha “hambalyo iyo bogaadin” ee waa heegan-gelin iyo hogatusaalayn walaalnimo.  Waan kuu warramayaa, waanan kuu digayaa. Waxa laga yaabaa in aad ku faraxday jagada laguu magacaabay. Waxa laga yaabaaa in aad u mahad-naqday qof kuu soo hambalyeeyey. Waxa kaloo laga yaabaa in ay badanyihiin dadka ku majeeranaya ee u arka in aad si fiican cagta uula heshay jaranjarradii darajooyinka adduunka lagu fananayey. Laakiin anigu dhinac kale ayaan arrinka kaa tusayaa ee bal dhugo warkayga.

Walaal Maxamed: Marka hore waxad ku sallidaa sharaf badanihii laguugu magac-daray, Maxamed Rasuulullaahi(scw).  Qof walba dadka waxa ugu jecel waalidka dhalay. Adigana waalidkaagii waxa ay kuugu magac-dareen qofkii ay u arkayeen in uu bina aadanka ugu khayr badnaa, si aad khayrkiisa wax uga mudato, waa Nebi Maxamed e (scw). Haddaba suubanahaas laguugu magac-daray muxuu ka yidhi jagadan aad ku magacaabantahay?

Wuxu yidhi khayr badanuhu scw: “Ma jiro Qof u taliya xiitaa toban qof , hadduu jirana waxa la keenaayaa maalinta qiyaamaha isaga oo katiinadaysan, Wax aan caddaalad ahaynina kama furfurayso  katiinaddaas”. Xadiiskaas waxa soo weriyey sheekh Mundiri

Waxa kale oo uu yidhi Nebigaagi suubaanaa  scw: “Ma jiro qof amiir ah oo muslimiin u taliya oo aan isu dhibgelin una nasteexayn, haddiise uu jiro jannada ma galo”. Waxa soo saaray xadiiska Imaam Muslin

Haddii aad u fiirsato labada xadiis waxa kaaga soo baxaya in aad ku badbaadi karto uun saddex arrimood oo kala ah:
Caddaalad.

Hawlgal waxtar leh, oo dhibkiisuna adiga kugu dhaco dheeftiisuna umadda u hadho

Dadka iyo Hawsha aad u qabanayso  oo aad daacad ka ahaato

Haddii Alle kugu guuleeyo taas oo lagaa helo caddaalad, dadaal iyo daacadnimo, waxan kuu hayaa bushaaro weyn iyo hambalyo aan la soo koobi Karin.  Bal u fiirso samigaagii khalqiga ugu khayrka badnaa iyo Nebigaagii adduunka nuuriyey Maxamed Binu Cabdillaahi (scw) bushaaradiisa:

Wuxu yidhi Nebigu scw: “Kuwa caddaaladda sameeyaa, waxa ay Alle agtiisa ku leeyihiin kuraasi nuur ah oo  midigta Raxmaanka taal, - Ilaahay labadiisa gacmoodba waa midige- Kuwaasi waa kuwa ku caddaalad sameeya xukunkooda, ehelkooda iyo xilalka loo dhiiboba” Xadiiskan waxa soo saaray Imaam Muslin.

Waxa kale oo uu Nebigu sheegay  Todobada qof ee maalinta qiyaame loo hadhaynayo in uu ugu horreeyo imam caadil ah. Imaamku waa ninka cid muslimiin ah xukuma ee taladoodu ka go´do, sida aad haddeer adigu tahay oo kale.

Walaal Maxamed: Haddii aad intaas fahantay waxa kuu caddaanaya in aad tahay nin itixaan weyn gacanta loo geliyey. Laga bilaabo maalintii aad guddoomatay xilkaas ilaa maalinta aad ka tegi doonto, waxa aad ka dhigantahay nin fadhiya qolkii itixaanka. Hambalyada ama habaarka waxa aad mudan doontaa marka ay caddaato in aad itixaankii ku dhacday ama aad ku baastay. Haddaba ma isu aragtaa nin itixaan ku jira?. Maxaase calaamad u ah qof itixaan ku jira?

Walaal Maxamed: Ma tihid, guddoomiyaha gobolka Gabiilay oo keli ah ee waxa aad tahay “guddoomiyihii ugu horreeyey” ee gobolka Gabiiley.  Taas macneheedu waxa weeye;  jidka aad maanta jeexdo ayaa gobolkaas ku raagi doona.  Dadku waxa ay odhan doonaan ; ”waxa sidan iyo sidaa”  jideeyey guddoomiyihii ugu  horreeyey ama wuxu arrinkani  dhaqan noqday xilligii guddoomiye Maxamed-xabiib. Haddii  ay khayr  tahay waad liibaantay,  haddii ay xumaan noqotana waad hoogtay, Rabbiga kacbada ayaan ku dhaartee. Bal hadda u fiirso xadiiskan saxeexa ah ee Nebiga laga soo weriyey. Wuxu yidhi  run badanuhu(NNkh): “ Qofkii jideeya dariiq wanaagsan wuxu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka ciddii ku dhaqanta iyadoo aan qofna ajarkiisa waxba laga dhimahayn. Qofkase jideeya dariiq xun, wuxu leeyahay dembigiisa iyo dembiga ciddii ku dhaqanta, iyadoo qofna aan dembigiisa waxba laga dhimahaynin”. Waxa xadiiska soo saaray  Imaam Muslin.

Halkaa waxa aad ka qaadataa in aad joogto kaalin ama jago lagaaga dayan karo dariiqa aad jidayso. Ma waxa lagaa dhaxli doonaa; musuqmaasaq, eex, laaluush, muqayilnimo, tumasho, xafladayn, xoogsheegasho, kibir,  horumar la´aan, isbedel la´aan iyo xatooyo xoole dadweyne. Mise waxa lagaa dhaxli, Caddaalad, xaqsoor, is-dhul-dhig, horumar, hammi badnaan,  danyar kalkaalnimo, daciif u hiilin, dhaqaale abuur, marti-taakulayn, diin kor u qaadid, culimo karaamayn, cilmi kobcin iyo ciidda oo la aamino. Labada siyoodba waad kartaa.

Walaal Maxamed:  Gobolkan xilkiisa laguu dhiibay iyo geyiga umaddeenna intiisa kaleba,  waxa ka jira waxyaalo kaabi kara horumarka iyo waxyaalo xagal-daacin kara. Waxa lagama maarmaan ah in hoggaamiye kasta oo xilkaska ahi fahmo goobaha umaddu ka nugushahay ee guuluhu ka xagal-daaci karaan iyo kaabayaasha haddii la xoojiyo guushu ku soo dhawaan karto. Jirtoo aan dareensanahay in aad arrimahaas ku baraarugsantahay haddana waxan jecelahay in aan qaarkood kugu adkeeyo. 

Xagal-Daaciyeyaasha Guusha Waxa Ka Mid Ah:
Qabiilka iyo Qabyaaladda.
Musuqmaasuqa
Siyaasiyiinta hadhaadiga ah
Qaadka iyo qayilka
Hawl la´aanta
Isku tashi la´aanta

Kaabayaasha Guusha Waxa Ka Mid Ah:
Dadka
Diinta
Aqoonyahanka iyo ardayda
wakhtiga
iyo Dhulka

Walaal Maxamed: Waxad ogaataa in qabyaaladdu tahay mushkiladda ugu weyn ee lagu mashaqeeyey umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto. Bahalkan qabiilka ah oo aan dhaqankeena ka tirtirno mooyaane si kalena uga samatobixi maynno.  Haddaba adigu maanta qabiilka ma tirtiri kartide, waa in aad caddaalad kula noolaato. Haddii Alle kaa badbaadiyo ku camalfalka qabyaaladda, waxa aanad ka badbaadi doonin ku eedaysnaanteeda. Inta hayb ahaan kuu xigtaa waxa ay kugu eedayn doonaa,; shisheeye kalkaalnimo, doqon iyo mid abaal daran. Inta hayb ahaan laf kale gashaana waxa ay kugu eedayn doonaan in aad u burisay xigaalkaaga, in aad iyaga necebtay oo aad cuqdadaysan tahay iyo arrimo kale. Allaahu mustacaan. Haddii aad sabirto oo aanad xaqa ka leexleexan waa laguu wada garaabi aakhirka. Waxaanse talo kuugu soo jeedinayaa arrimahan:

Waxan maqlay in gobolkan ay degi jireen marka laga reebo beesha loo tiiriyo, beelo kale oo dhawr ah. Beelahaas badankoodi way ku sii dabo-yaryihiin ayaa igu maqaalo ah.  Si tarraxnaanta bulsho u sii jirto bilicna ugu kordhiso gobolka,  ku dadaal in aad ku negayso beelaha kale gobolka, kuwa ku sii dabayarna ku soo celiso. Hana kaa ag dhawaadeen akhyaartoodu.

Ma cammiranto  weligeed meel cid soocani degtaa. Haddaba Si gobolku uga badbaado beel soocan, ku dadaal in aad soo dejiso dad deegaannada kale ka soo jeeda. Waxad samaysaa in aad ku casuunto deegaamaynta gobolka dhawr kun oo qof.  Ha la siiyo dhul bilaasha oo ay iska bixiyaan cashuurta iyo sharciyeynta oo keli ah. Laakiin shuruud ha lagu xidho in uu qof waliba ku cammiro goobtaas  muddo kooban, sida meherad, beer ama guri. Haddii qofku muddadaas ku cammiri waayana cid kale oo cammirta ha lagu wareejiyo. Arinkani wuxu gobolka ka dhigi karaa mid dhakhso u horumara.

Si qabyaaladdu u macno beesho, ha tix gelin kaabayaasha qabiilka, sida annaga ayaa waxan lahaan jirnay iyo waxan ha nala siiyo iyo afmiishaarnimada iyo dhulkan annaga ayaa kuwaas ka leh iwm. Shirarka beelaha iyo shirarka beelaysan iyo la shirshirkoodu ceeb ha ka noqdeen aktaada. Waa haddii Alle ku karsiiyo eh. Ma jirto sabab aad ugu seeto dheerayso qabiilka, maadama aad joogto jago weedhaadu soconayso.

Walaal Maxamed: umaddeena waxa dhiigga ka galay oo sidii kansarka ugu fiday musuqmaasaq, wax is daba marin iyo lunsashada hantida guud. Waxad mooddaa in aanay dadkeenu xaaraanba u qabin bililiqaysiga xoolaha aan gaarka loo lahayn. Waxanse filayaa meesha umaddeena dabku kaga baxayaa in ay halkaas tahay. Wax ma ka qaban kartaa mushkiladdaas iyada ah??. Ma mamnooci kartaa laaluushka? Ma mamnooci kartaa gunnooyinka aan hawl lagu mutaysan? Ma joojin kartaa shaxaadka afmiishaarka? Haddii aad taas samayn karto, waxba ha ula hadhin. Waxaanan kugu adkaynayaa in aad adigu ugu horrayso is xakamaynta. Mushaharka aad qaadanayso ah ahaado mid la yaqaanno, adiguna aad taqaanno. Hadduu doono ha bato eh. Wakhtiga aad shaqo ku jirto iyo wakhtiga aad danahaaga gaarka ah ku foogantahay waa in la kala yaqaanno adiguna aad kala taqaanno. Qofka siddeed saacadood shaqeeya iyo ka afarta saacadood shaqeeyaana yaanay isku mushahar noqonin. Haddii aad sidaas yeesho, wax uun baad ka badbaadin doontaa umaddan maalin walba wax ka sii dhacayaan ee ay hoosta ka cunayaan kuwii lagu aaminay. 

Waxase kula kulmi doona dhib weyn. Waa lagaa ashkatoon doonaa. Waa qof aan la af garanayn, waa nin dabeecad xun, dano siyaasadeed ayuu leeyahay iwm ayaa lagaa faafin doonaa. Aakhirkana waa lagu gebogebayn doonaa si meesha loo keeno mid aanay xalaasha iyo xaraantu u kala soocnayn. Waa lagu gebogebayn doonaa sidii ku dhacday Maxamed Xuseenkii reer Burco. Laakiin adoo xaq ku taagan ha lagu gebogebeeyo ayaa fiican.

Walaal Maxamed: Waxa lagu ducaystaa ( ??? ??????? ??????? ??? ???? ??????? ??????? ?????(  oo macneheedu yahay : ”Ilaahayoow talada noogu dhiib kuwayaga khayrka qaba oo ha noogu dhiibin kuwayaga sharka badan”. Umaddeena ducadaas lagama ajiibin ilaa hadda. Mar walba waxa hormood u ah inta ugu khayrka daran. Barwaaqo umaddani gaadhana waxa la filayaa oo keli ah marka laga hor dhaqaajiyo siyaasiyiinta hadhaadiga ah. Siyaasiyiinta hadhaadiga ah waxan uga jeedaa; kuwa nadaamka dawladeed ka bartay gumaystayaashii iyo ardaydoodii ee dawladnimada u qaba; sidii gumaystuhu ula dhaqmi jirey umaddeena iyo sidii ardaydii gumaystuhu ula dhaqmi jireen isaga dabadii. Waxa ay garanayaan uun, xoog-sheegasho, amark u taaglayn, laaluush, maal tabcasho iyo horumar soo kordhin la´aan. Haddii aad awooddo waa in aad iska fogayso dadkaas dhaqankoodu fasahaaday ee aan weli toobad keenin. Waa in aad isku hareereyso dhiig cusub iyo dad is bedel doon ah. Isbedeldoonka ugama jeedo kuwa u xiiqsan in ay kursiga ka ridaan qof si ay qof kale oo la mid ah kursiga ugu fadhiisiyaan. Waxan isbedel doonka uga jeedaa; kuwa raba in ay geedo cusub ku tallaalaan meel kasta oo geed laga gubay dhuxul darted. Siyaasiyiinta hadhaadiga ahi bulshada way curyaamiyaan, way cabsi geliyaan, mucaawino shisheeye ayey u ballan qaadaan. Isbedel doonku se waxa ay rabaan in ay dadka kalsooni geliyaan, in ay isku fillaansho gaadhaan iyo in ay Alle isku xidhaan oo ay isaga aqoonsi ka raadsadaan. Kuwan iyaga ah isku hareeree. Waa haddii aad awooddo, haddii kalena xilkan ha ku raagine iskaga tag, waayo? Rafiiqa xumi aakhiradaada iyo adduunkaaga midna uma fiicna.

Walaal Maxamed: qaadka, hawlla´aanta iyo isku tashi la´aanta umaddeena haysata warkooda kuma dheeraanayo oo adba waad ka dheregsantahay. Waxa aan xasuustaa, beri aad Sweden timid su´aal dalkii lagaa waydiiyey jawaabtii aad ka bixisay. Waxa lagu waydiiyey horumarka dalkan iyo sida uu isu bixin karo. Markaas waxa aad ku jawaabtay :”In uu wadankeenu sii jiro oo aanu isku dumini waa arrin mucjiso ah. Maxaa yeelay dal aan waxba soo saarin oo aan waxba dhoofinin, oo debedda kala soo dega wixii ay cunayeen oo haddana qaad ku soo iibsada malaayiin lacag ah, waa yaab sida uu u sii jiro”  Markii aad hadalkaas lahayd aad ayuu ii taabanayey maadama wax iiga baxsanyihiin arrimaha la xidhiidha National economics. Si wadanka dhaqaalihiisu hagaag ugu shaqeeyo waa in ay isu dheelitirnaadaan, waxa ay dhoofinayaan iyo waxa ay soo dejinayaan. Haddii Alle ku karsiiyo waa in aad dadka gobolkaaga u jihayso sidii ay cuntadooda ula soo bixi lahaayeen, gobollada kalena ay uga kaafiyi lahaayeen cunto debedda uga timaadda. Waa in aad dadka hawl geliso adiga oo aan u ballan qaada hayn barwaaqo soo dhaw. Dadka gobolkaaga u jihee xagga diinta iyo shaqada, si ay qaadka isaga ilaalin karaan.  Adeegso culimada halgemayaasha ah iyaga ayaan adduun kaa rabin oo mushaharkooda baanka aakhiro dhiganayee.

Walaal Maxamed: Waxa ugu muhiimsan ee aad haysataa waa:
Dhul beerashada ku wanaagsan oo haddii si fiican looga faa´iidaysto baahida cunto dabooli kara.

Iyo Dad u badan shaqo la´aan oo haddii aad dhinaca wax soo saarka u jihayso, noloshoodu macno weyn yeelanayso
Iyo Diin islaam oo haddii dadka lagu abaabulo kuu noqonaysa awoodda ugu weyn ee midnimo iyo wax soo saar lagu dhalin karo.

Dadka u sheeg in ay dhulka cammiraan si khaliga ilaahay uga faa´iidaysto. Hawsha iyo hantida ka baxdana in ay sadaqad ahaan u niyeystaan oo ay baanka aakhiro dhigtaan. Haddii aad taas ku guulaysato; midhaha tacabkaas intooda badani nolol ayey ku gaadhi doonaan, aakhirana liibaan weyn ayey ugu tegayaan

U sheeg dadka haddii ay dhulka ku beeraan geed adduunka lagu manafacaadsan karo, hadhna ha ahaatee, in iyagana jannada looga beerayo geedo badan sida uu ina soo gaadhsiiyey Nebigii Ilaahay scw.

U sheeg dadka in ay martida sooraan, masaakiintana xoolo u gooyaan.

U sheeg dadka in ay dembi-dhaaf dalabka badiyaan oo ay had iyo jeer isugu soo baxaan Alle-bari, wuxu Allaha weyni ballan qaaday in uu markaa raxmaddiisa u furayo eh

Walaal Maxamed: Dadka aad xukumayso ha u sheegin been. Waayo? Nebigu scw wuxu yidhi: “saddex qof ilaahay lama hadlo maalinta qiyaame, dhinacoodana ma fiiriyo, dembigoodana ma dhaafo, weliba cadaab daran ayaa lagu ridaa. Waxay kala yihiin; madax beenaale ah, miskiin kibraan ah iyo oday weyn oo qaxaab ah”. Ilaahay kaama dhigo kuwaase, dadka been ha u sheegin. Ha odhan barwaaqo ayaa idiin soo socota, ee waxad tidhaahdaa barwaaqadu agtiinay taallaaye la soo baxa. Ha odhan mucaawimo ayeynu sugaynaa ee ku dheh, idinku is caawiya. Ha odhan ictiraaf ayaa idiin soo dhaw ee ku dheh, ilaahay ictiraaf weydiista idinkuna is ictiraafa.

Walaal Maxamed: Amiirkii muuminiinta ee Cumar binu khaddaab, muu seexan jirin habeenkii ilaa uu soo dhego dhegeeyo bal in ay jiraan cid gaajaysani iyo in kale. Waxa laga soo weriyey in uu yidhi: “Wallaahi haddii baqali ku turanturrooto Ciraaq, aniga ayaa Alle i waydiinayaa oo odhanayaa; Maxaad cumaroow jidka ugu hagaajin wayday”. Waxan ka wadaa haddii gobolka Gabiilay, xoolo ku harraadaan, ama qoys gaajo ku baryo, ama geed la jaro si dhuxul looga dhigto, ama shil baabuur u dhaco waddada oo xun darted, adiga ayuu xil kaa wada saaranyahay.

Walaal Maxamed: Ilaahay ha ku xafido oo ha ku asturo. Waxan garanayaa rag akhyaar ahaa oo culimo ahaa oo markii ay muquurteen siyaasadda,  uu dharkii culimonimadu ka dhacay oo mafrishyada qaadka loogu soo hagaagay. Ilaahay taas ha kaa kor yeelo. Waxaas aan kuu sheegay waa iga waano. Anigayga kula hadlaya ayaana waanada kaaga baahi badan. War intan ka badan ayaan kuu soo qori karayey. Laakiin intaniba ma yara haddii Alle ku karsiiyo. Waxan doonayaa in ay xasuus kuu noqoto, dadka kula shaqaynayana ku baraarujiso caawintaada, kuwa gobollada kale iyo maamullada kale hayana ay u noqoto tusaale.

Wa salaama calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuh

Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com

Fikrada Qoraagu Kama Turjumayso Aragtida Lughaya News