Ujeedo: Beenin War ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya Cadadkiisii 3634 ee soo baxay Khamiistii Aug.14/2008, Qoraalkaas oo u dhignaa sidan:
“In Madaxweynaha uu ku armay Wasaarada Hawlaha guud Guryaynta iyo Gaadiidka iyo
Wasaarada Arrimaha Gudaha in gebi ahaanba si deg deg ah looga saaro dadka shicibka ah ee ku jira guryaha dawlada dalka oo dhan.
• Warkaas ku soo baxay wargeyska oo aanu cadayn meesha uu ka helay waa waxba kama jiraan
• Waxa haboon inaan wargeysyadu dhaafin shuruucda saxaafada , isla markaana aanay lumin tiqada iyo aaminka shicibka iyo dawladaba.
• Maadaama guryaha dawlada ay ku habsadeen dad muwaadiniin ah markii dalka lagu soo laabtay dawladu markay uga baahato dan guud waa laga saarayaa iyadoon la dayacayn dadkaas.
• Guryaha dawlada dadka ku jira shicib iyo dawladba waxa la ogeysiinayaa inay iska bixiyaan kirada guryaha ciddii rabta inay ku sii jirto gurigaas.
• Waxa ka reeban dadka guryaha dawlada ku jira ee noo diiwaan gashan in ay cid kale ku wareejiyaan guryahaas iib iyo aqiibo midna
• Waxa kale oo ka reeban in la dhalan rogo guryaha dawlada iyo dayrkooda (Compound).
Alla Mahad leh
S.S. Maxamed
Wasiirka WHG/G/ & Gaadiidka


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Wasaarada Hawlaha Guud Oo Lagu Beeninayo War Ku Soo Baxay Wargeyska Jamhuuriya "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback