Horyaal-(lug)-Wakhti haatan laga joogo ku dhawaad 10 maalmood ayaa dhegaxa la dhigey lana bilaabey dhismaha dugsiga sare ee hooyga iyo cunnada leh ee Geb oo ku yaal deegaanka Geb oo ka tirsan degmada Garbo-Dadar, iyada oo ay shaqada dhismaha dugsigaasi si habsami ah u socoto waxyaabo badanna lagu tallaabsaday sida aannu ka helney ilo ku dhawdhow mashruucaasi.
Fikradda dhismaha dugsigan oo sida la sheegey ahayd mid muddo badan lagu taamayay ayaa waxaa ka gadhwadeen ah aqoon yahanka la yidhaa Dr.C/Raxmaan Beyle oo dhagaxa dhigey mashruucaasi 8 dii bishan 8aad, iyada oo ay muwaadiniin badan oo mutadawiciin ahi howsha u gantadeen si xamaasad lehna u wadaan, farsamo ahaanna waxaa steering-ka u haya dhimsamaha dugsigaasi injinneerada kala ah Bilaal Daahir iyo Xasan Caateeye, waxana ka go`an dhammaanba muwaadiniinta ku howllan mashruucan in si degdeg ah loo dhamaystiro dhismahaaasi sida aannu ka helney barta ururka Iqra ee Internetka.
Mashruucan oo ay dad badani ku tilmaameen tallaabo dhaxal gel ah oo si wayn uga qayb qaadan doonta horumarka S.Land ayaa ah mid muddo badanba looga baahnaa deegaannada gubanka Awdal& Selel oo ah deegaano ay xukuumadihii Soomalida soo maray oo dhami nabsi ka geleen, oo aan la gaadhsiin adeegyo waxbarasho oo dabooli kara baahida soo jireenka ah ee loo qabey aqoonta iyo waxbarashada.
8 sannadood ka hor ayaa la asaasey ururka ka shaqeeya faafinta waxbarashada reer miyiga ee magiciisa la yidhaa Iqra /Read, ururkaasi oo illaa haatan ku guuleystay dhismaha ku dhawaad 20 dugsi oo isugu jira heerka hoose iyo ka dhexe oo ku kala yaal gobollada Selel , Gabilley iyo Awdal, sidoo kale waxa uu ururkaasi bixiyaa mushaharooyinka macallimiinta dugsiyadaasi ka howlgela, fikradda asaaska urukaasina sida la sheegey waxa ay ka danbeysay markii ay wax-garadka deegaannadaasi ogaadeen inayna cid u maqan iyo ceel u qadani toona jirin carruurta aqoon la`aantu curyaamisay ee ku dhushay kuna nool deegaannadasi xoolo dhaqatada ah.
Ka dib markii uu ururkaasi ku guuleystay hirgelinta waxbarashada hoose ayaa waxa soo baxday caqabad kale oo hortaal ardaygii dugsiga hoose ama ka dhexe ka qalin jabiyey oo waayay meel uu waxbarashadiisii ka sii wado, taasina ay keentay inuu bulshada ku milmo iskana illaawo wixii uu bartey, dabadeedna uu bilaabo caadooyin dib u dhac xanbaarsan oo ay raamsiga qaatka iyo nuugidda sigaarku ka midyihiin, marka laga reebo tiro yar oo ardaydaasi ka mid ah oo ay dadkoodu wax haystaaan ama qaraabooyin ku leh magaalooyinka waawayn oo loo direy maglaalooyinkaasi si ay waxbarashadooda u sii wataan.
Si kastaba ha ahaatee dugsigan maanta dhidibada loo taagey oo ah mid lagu dhisayo iskaa wax u qabso lana filayo in muddo dhaw lagu dhamaystiri doono ayaa la rajaynayaa inuu soo afjari doono baahidii wayneyd ee loo qabay dulahaanba waxbarashada, iyada oo uu dugsigani maadaama uu hooy iyo cunno leeyahay si wayn u farax gelin doono carruur badan oo reer Guuraa ah oo ayna u suurto geli jirin inay tegaan kana soo noqdaan dugsiyo aqooneed sobobo la xidhiidha masaafad iyo gaadiid la`aan awgood.
Dhinac kale khubaro ku xeel dheer culuunta bulshada ayaa aaminsan in carruurta ku dhalata deegaannada saxaaraha ahi ay ka caqli iyo maskax badan tahay carruuraha kale ee aan dhulkaas oo kale ku dhalan, taasoo macnaheedu yahay dugsigani waxa uu kobcin doonaa caqliyado badan oo la dayacay amaba aan laga midho dhalin, sidoo kale anbiyada(calayhimu salaam) ayaa ka soo bixi jiray deegaannada noocan oo kale ah,inkasta oo ayna taasi ka dhigneyn inuu rasuul nabi Muxamad (calayhi salaam) ka danbeeyaayi soo bixi doono.
Dugsigan oo la dhawrayo inuu isbaddel wanaagsan ka samayn doono dulahaanba S.Land gaaraahanna deegaannada gubanka Awdal &Selel oo ah degaanno xoolo dhaqato ah haseyeeshee ay dhawr iyo tabankii sannadood ee u danbeeyayba abaaro ba`ani dhabarka ka jabiyeen ayaa waxa ay dad badani jecleysanayaan inuu dugsigaasi mustaqbalka awoodda saari doono ama uuna u daymo la`aan doonin dhinacyada farsamada iyo tababarrada ku aaddan adeegyada kala duwan ee dalka looga baahanyahay.
Isku soo wada duuboo mashruucan taariikhiga ah oo lagu dhisayo (iskaa wax u qabso) iyo tabarruca muwaadiniinta ayaa cid kasta oo danaysa horumarka iyo waxbarashada loo baahanyahay inay ka qayb qaadato, inkasta oo aannaan xog rasmi ah ka helin meesha iyo cidda lagu hagaajinayo tabarruca mashruucan haddana sida ay dad badani qabaan waxaa lagu hagaajin karaa wixii ka qayb qaadasho ah gadhwadeennada mashruucan iyo madaxda ururka Iqra, dulahaanna iyaga ayaa looga fadhiyaa inay dadka u sheegaan goobta lagu hagaajin karo tabarrucaadka.
Ugu danbayn shabakadda Lughaya news oo aad u danaysa horumar kasta oo ay bulshada reer S.Land dani ugu jirto ayaa waxa ay hanbalyo u diraysaa Dr.Cabdi Raxmaan Beyle iyo shaqaalaha dugsigaasi ku howllan ee naf-huridda muujiyay, hawshana wada xilli ay abaaro iyo kul adagi ka jiraan deegaanka Geb.
Golaha Tifaftirka Lughaya News
lughayaweb@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dugsiga Sare Ee Geb… Mashruuc Horumarineed Oo Taariikhi Ah "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback