Borama-(Lug)-Shirkada isgaadhsiinta ee Telcom ayaa shalay hotel Rays ee magaalada Borama bakhtiyaanasiib lagu abaal marinayo macaamiisha shirkadaasi. Waxana abaalmarin taasi lagu mutaysanayay qalab kala duwan oo ka kooban gaadhi, Talaajad, Qasaalad, Madax Telephone iyo Simcards ay ku jiran lacag,Mobiles casriga ah ee labada Card leh iyo Waliba Computers.
Munaasibadaasi ay shirkada Isgaadhsiinta Telcom u qabatay macaamiisheeda waxaa ka qayb galay badhasaabka Gobolka Awdal , G/xigeenka Golaha degaanka degmada Borama, Culimaa’udiin iyo dadwayne aad u tiro badan iyo ganacsatada Borama qaarkood, waxaaanay halkaasi shirkadu ku soo bandhigtay sanaaduuqdii ay ku jireen waraaqihii dadku ay ku soo rideen oo laga keenay tuulooyinka iyo degmooyinka gobolka Awdal iyo Degmada Wajaale, waxaana dadwaynihii munaasibadaasi ka soo qayb galay hortooda lagu furay sanaaduuqdii ay ku jireen waraaquhu ka dibna lagu shubay haantii waynayd ee warqadaha kala firdhinaysay. Ka dibna waraaqihii uu halkaasi badhasaabku ka bilaabay warqadii u horeysay uu soo qabtay Badhasaabka G/Awdal taasi oo cadaynaysay in bakhtiyaanasiibkaasi uu ahaa mid cadaalad u dhacay.
Waxaana munaasibadaasi ka hadlay gudoomiyaha G/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige waxuuna sheegay shirkadani ay si fiican uga qayb qaadato horumarka adeegyada kala duwan ee bulshada wax lagaga qabanayo.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Madaxa suuqgaynta Shirkada Telcom ee dalka Somaliland Khadar Cabdi Xuseen waxuuna ka waramay in shirkada Telcom ay tahay hormoodka Telephone-nada dalalka Somalia iyo Somaliland-ba, G/Awdalna uu yahay meeshii ugu horeysay ee Isgaadhsiin dalka laga bilaabo dabayaaqadii sanadkii 1998.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maareeyaha shirkada Telcom ee G/Awdal Xasan Yuusuf Riiraash waxuuna sheegay inay abaalmarintan ay shirkadu macaamiisheeda ugu talo gashay ay ku guulaysteen 66 qof oo helay qalab kala duwan ayna dadwaynahaasi kaga soo riteen degmooyinka Awdal iyo Wajaale, waxana uu carabka ku dhuftay in gaadhigii ay ku Guulaysatay Gabadha Hadiya Axmed Barkhad.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed waxuuna xusay in shirkadani Isgaadhsiinta ee Telcom ay mudan tahay in loo abaalmariyo sabobtoo ah waa tii inaga saartay Isticmaalkii Fooniyeyaasha dhawaqa dheer wax la iskugu gudbinayay inoona sahashay in dadku si sahlan ula xidhiidhaan eheladoodii dibada.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxuu idhi “ waxaan xusuustaa maalmihii aan jaamacada Camuud furaynay oo shirkadana howlaheeda bilowday ay dadku duco iyo hambalyo u jeedinayeen siday wada xidhiidhkii u sahashay”.
MADAX TELEFOON
|
1 |
FAADUMO NUUR CALI |
5505520 |
17585 |
|
2 |
MAXAMED XASAN BOOKH - WAJAALE |
5468845 |
13606 |
|
3 |
DHAGAWEYNE SUPERMARKET |
PREPAID |
15799 |
|
4 |
IBRAAHIM SACIID CI1LMI |
5455217 |
39296 |
|
5 |
DAYIBO BEEGSI |
351044 |
16669 |
|
6 |
JAAAMAC AADAN SHIRDOON |
5458550 |
39672 |
|
7 |
CISMAAN CABDI FAARAX – WAJAALE |
535661 |
14296 |
|
8 |
CIBAADO MAXAMED YUUSUF |
351032 |
15536 |
|
9 |
FAYSAL IDIRIS CILMI |
351359 |
17518 |
|
10 |
BUDHE XASAN HABAN |
53844 |
14997 |
|
11 |
MAXAMED AXMED DUCAALE |
351038 |
19479 |
|
12 |
JEEX STORE |
356034 |
13666 |
|
13 |
YUUSUF MUUSE BADE |
350508 |
35172 |
|
14 |
MAXAMED CUMAR NUUR |
5459588 |
16868 |
|
15 |
SHEIKH CALI JOWHAR SUB STATION |
350169 |
16980 |
SIM CARD $5+$80 LOCAL
|
1 |
MAXAMED CABDI |
350735 |
15925 |
|
2 |
AXMED BARKHAD AREETE |
5451335 |
18557 |
|
3 |
GUDGUDE SUB STATION |
350883 |
17712 |
|
4 |
XASAN BARKHAD QOWRAX |
350343 |
15833 |
|
5 |
XASAN JEEX |
351294 |
38652 |
|
6 |
C/LAAHI XASAN TUKAALE |
5457827 |
16629 |
|
7 |
XUKUN CABDILAAHI MUUSE |
5505579 |
19372 |
|
8 |
MAXAMUUD QAYAAD – BOON |
336011 |
15132 |
|
9 |
XASAN IBRAAHIM CALI |
5504425 |
15165 |
|
10 |
UMULKHEYR IBRAAHIM NUUR – DAHABLEEY |
352099 |
18792 |
SIM CARD $10+$60 LOCAL
|
1 |
MUUSE AXMED CAATEEYE |
5374072 |
39633 |
|
2 |
XAAJI DAAHIR CILMI |
350327 |
15651 |
|
3 |
SHEIKH CALI JOWHAR SUB STATION |
350169 |
35286 |
|
4 |
DAAHIR NUUR BILAAL |
5501538 |
39497 |
|
5 |
CAASHA MAXAMED SAMAALE |
5457976 |
38382 |
|
6 |
FARXIYA KHALIIF QOLOF |
5505356 |
35165 |
|
7 |
XIRSI LIIBAAN RAAGE |
5133286 |
38282 |
|
8 |
IDIRIS MUUSE GAAFANE |
351171 |
15615 |
|
9 |
CABDIRAXMAAN MAXAMED NUUR |
5505618 |
16090 |
|
10 |
FAADUMO MUUSE |
350654 |
16472 |
SIM CARD $20+$40 LOCAL
|
1 |
CABDI XASAN FAARAX |
350250 |
18624 |
|
2 |
FAHIIMA CABDI |
351093 |
19927 |
|
3 |
C/NAASIR CABDILAAHI |
5458671 |
16675 |
|
4 |
C/QAADIR IBRAAHIM AXAMED |
356208 |
14970 |
|
5 |
HASAN AXMED YUUSUF |
5458975 |
17088 |
|
6 |
C/QAADIR XUSEEN KHALIIF |
351233 |
38128 |
|
7 |
C/RAXMAAN AXMED AADAN |
5377746 |
13538 |
|
8 |
SHEIKH CALI JOWHAR SUB STATION |
350465 |
16981 |
|
9 |
AXMED BARQAD AREETE |
350161 |
39058 |
|
10 |
LAYLA CUMAR KAAHIN |
5456336 |
35009 |
ALAABIHII UGU QAALISANAA
|
1 |
CISMAAN MUUSE CUKUYE |
CD PLAYER |
5457225 |
15741 |
|
2 |
SHEIKH CALI JOWHAR SUB STATION |
MOBILE LABA CARD |
|
17509 |
|
3 |
ILYAAS CABDI DAAHIR |
MOBILE LABA CARD |
|
18218 |
|
4 |
ROODA CABDI DAAHIR |
MOBILE LABA CARD |
5505166 |
19518 |
|
5 |
MARYAN AADAN |
TELEFISHION |
350734 |
19185 |
|
6 |
RAMADAAN SUB STATION |
TALAAGAD |
PRE PAID |
17994 |
|
7 |
AXMED DAAHIR XASAN |
QASAALAD |
5504171 |
18917 |
|
8 |
MUQTAAR XAAJI SACIID |
COMPUTER DESK TOP |
351326 |
17136 |
|
9 |
C/SHAKUUR SHEIKH MAXAMED AXMED |
LAPTOB |
545627 |
38758 |
|
10 |
HADAAYA AXMED BARQAD |
GAARI |
350906 |
18565 |
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shirkada Isgaadhsiinta Ee Telcom Oo Bakhtiyaanasiib Abaalmarin Ah U Qabatay Macaamiisheeda "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback