Hargeysa-(Lug)-Xidlhibaan Maxamed Cali Xirsi Oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, oo laba cisho ka hor shaaca ka qaaday inuu u tartamayo jagada Madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa manta difaacay is sharaxaadiisa.

Md. Maxamed Cali Xirsi, oo laga soo doortay G/Togdheer kana tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay manta xarunta golaha wakiilada ayaa ku sheegay inuu la tartamayo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ay isku gubol ka soo wada jeedaan.
Md.Maxamed Cali waxa uu codsigiisii Murashaxnimo iyo $5000 oo shuruud looga dhigay tartamayaasha madaxwaynaha ee Xisbiga uu u gudbiyay Gudiga Qaban qaabada shirkada Golaha dhexe 17 bishan, oo ahayd maalintii u dambaysay ee loo qabtay in Musharaxiinta Jagooyinka Madaxwaynaha iyo M/kuxigeenka xisbigaasi uu Hunguri ka hayaa ay usoo gudbiyaan Gudiga Qaban qaabada.
Qoraal uu maantau qaybiyay saxaafada ayaa u qornaa sedan :
“Ugu Horayn Waxaan Jecelahay inaan halkan ka salaamo dhamaan dadweynaha reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba.
Mar Labaad waxaan halkan ummada uga sheegayaa amaba aan uga xaqiijinayaa in aan ahay musharax jagada madaxwene kana dhex tartamaya xisbiga Kulmiye.
Sidaas waxaa ina farayaaa dumuqraadiyadda ka hanaqaaday dalkeena iyada oo qofku la dooran karo isna wax dooran karo sida xusan Qodobka 22aad Dastuurka Qaranka.
Hadii aan in yar ka taabto asbaabihii igu kelifay in aan isa soo sharaxo waxaa ka mid ah
Markaan arkay: Soo jeedimo badan oo igaga yimi bulshdadda qaybaheeda kala duwan, dhallinyaro, culumo awdiin, siyaasiyiin iyo wax-garad I.WM
Markaan arkay : Xaaladda siyaasadeed, dhaqaale, bulsho ee dalku ku jiro, iyo hogaaminta Guud ee dalka.
Markaan arkay : in Xisbiyadda siyaasaddu ay u baahan yihiin wejiyo Cusub, oo wata barnaamijyo siyaasadeed oo la jaanqaadaysa sida axsaabta dunida xorta ah.
Markaan U arkay: in loo baahay yahay in la dardar geliyo soo nooleynta rajadii ay shacbigu ka qabeen xisbiyadda mucaaridka ah”.
Dhinaca Kale Musharaxani waxuu noqonayaa Musharaxa jagada Madaxwayne-nimada kula tartamaya Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa iyaguna tartan aad u kululi ka taagan yahay jagada Madaxwayne ku xigeenka oo ay u tartamayaan Afar musharax oo saddex ka mid ahi ay ka soo jeedaan Gobolka Awdal halka Musharaxa Afraadna uu ka soo jeedo Gobolka cusub ee Badhan.
Murashixiinta Jagada M/kuxigeenka ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa kala ah Md.C/raxmaan Aw Cali Faarax, Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Eng. Saylici), Prof Ismaaciil Muumin Aar, halka musharaxa Afraad ee ka soo jeeda G/Badhan uu yahay Gudoomiyihii hore ee Komishankii Doorashooyinka Qaranka Md.Axmed X.Cali Cadami.
Musharixiintan ku loolamaya Jagada Madaxwaynaha iyo M/kuxigeenka ee Xisbigaasi waxaa kala saari doona shirka Golaha dhexe ee Kulmiye uu ku yeelan doono magaalada Burco ee G/Togdheer 28/08/2008.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Musharax Ay Isku Gobol Ka Soo Jeedaan Siilaanyo Oo Daboolka Ka Qaaday Inuu U Tartamayo Madaxwayne-nimada Kulmiye "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback