riyaad-iyo-af.JPGHargeysa-(Lug)-Afhayeenka madaxtooyada Somaliland, ahna la taliyaha madaxweynaha ee dhinaca saxaafada, Siciid Cadaani Mooge, ayaa Caawa  si kulul u beeniyay waxba kama jiraana ku tilmaamay war la sheegay in uu ka soo baxay xafiiskiisa, oo ku saabsanaa in xilkii laga qaaday

 wasiirka maaliyada oo maanta lagu baahiyay qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee Internet-ka.
riyaad-iyo-afcadaani.JPG
Riyaad Maxamed Yuusuf iyo Afhayeenka Madaxtooyada S/land

Afhayeenka madaxtooyad oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa warkaasi ku tilmaamay mid lagu jahowareerinayay bulshada, waxana uu xusay in magaciisa laga beena abuuray.

Siciid Cadaani oo ka hadlay arrintaasi ayaa waxa uu yidhi

“Waxaan idiinku yeedhay (saxaafada) war been ah oo la qaybiyay oo si foojari oo beena magacayga iyo magaca inanka ila shaqeeya ee Riyaad laga been abuuray, warkaasi wx auuleeyahay madaxweynaha Somaliland waxa uu xilkii ka qaaday wasiirkii Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil), markaa warsaxaafadeedka qofkaasi been abuurka sameeyay waxa uu soo saaray 18 kii bishan oo maanta ah, magacaygana waa lagu daabacay, warkaasi been abuurka ahi waa mid ujeedadu ay tahay fawdo iyo qalalaase lagu abuuro dalka, dad aan doonayn in ay Somaliland nabadi ka jirto, oo khalkhal iyo jahawareer dadka ku abuuraysa ummadda, dadka wararka raqiiska ah fidinaya u jeedadoodu waa taas”.

Afhayeenka madaxtooyadu waxa uu sheegay in aanay ahayn markii uu horaysay ee war been abuur ah laga sameeyo waxana uu yidhi “Ma aha markii u horaysay ee war been ah oo foojari ah isagana nalaga sameeyo, laakiin waxaan idiin sheegayaa in arrintan aan intaas lagaga hadlaynin oo xukuumadda laamaheeda kaga nabadgelyada qaabilsani ay dabalgal ku samaynayaan inta warkan been abuurka salkiisa la helayo, lagamana hadhayo.”

Siciid Cadaani waxa uu sheegay in warkaasi looga dan lahaa in lagu burburiyo xasiloonida dalka, waxana uu saxaafada ugu baaqay in ay warka ay aad u hubiyaan.

Afhayeenku madaxtooyadu waxa uu ku dooday inay saxaafada Somaliland ay haysato madaxbanaani taam ah wxana uu yidhi “Marka u horaysa qofka suxufiga ahi jaraa’id, idaacad, telefishan iyo shabakadaha internet-ka, waa inuu marka u horaysay ahmiyada siiyaa danta qaranka, oo wixii gooni isu taaga Somaliland waxyeelaya suxufigu ka digtoonaadaa”.

Afhayeenku waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya warka aan lahayn astaanta madaxtooyada iyo shaambadiisa uu yahay foojari.

Dhinaca, kalena Riyaad Maxamed Yuusuf oo la shaqeeya afhayeenka madaxtooyada, isla markaana ciwaankiisa Email-ka oo la foojariyeeyay laga diray warka beena buurka ah, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxana uu yidhi “Waxaan halkan ka sheegayaa in war-saxaafadeedkii lagu baahiyay website-yada qaarkood galabta uu yahay been abuur, isla markaana la foojariyeeyay Email-kayga, ciwaanka aan saxaafada ugu diro warsaxaafadeedyadu waa ‘Riyaad123@hotmail.com’ halka Email-ka been abuurka ahi uu yahay Riyaad123@hotmail.co.uk’.

Riyaad yare oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Dhammaan saxaafadda meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in aanay qorin email aan ahayn ciwaankayga oo ah Riyaad123@hotmail.com, ninkii falkaasi gaystay waxa uu ahaa nin qaran dumis ah oo wada iska horkeen cad”.

Afhayeenka madaxtooyada oo la weydiiyey inay jiraan cid ay tuhunsan yihiin oo ay sheegi karaan iyo in kale, waxana uu yidhi “waxay ila tahay qof aan anigu fata ku fiiqayo oo aan leeyahay waa hebel ma jiro, laakiin laamaha nabadgelyada qaabilsan ee xukuumadda ayay u taalaa inay dabogalaan in kasta ha ku qaadatee, waana la heli doonaa qofkan.”

“Waxaan xasuus nahay qof sidan oo kale foo jari noogu sameeyay oo aakhirkiina noqday qof dibada jooga, gaar ahaan magaalada Bristol, magaciisa oo saddexana waanu haynaa, rikoodhkana wuu ku jiraa,” ayuu intaasi raaciyay Siciid Cadaani.

Afhayeenka oo la weydiiyay inay jirto wax khilaaf ah oo soo dhexgalay madaxweynaha iyo wasiirka maaliyada, waxana uu yidhi “Anigu intaan ogahay ma jiro wax xurguf ah oo ka dhexeeya madaxweynaha iyo wasiirka maaliyada, mana jirto, waxana waa qaran dumis”.

 

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
LughayaNews/Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com