13.JPGBorama-(Lug)-Baabuur noociisu yahay Mark 2 ayaa xalay abaaro 1 dii habinimo waxa uu ka dhacay kaabad loogu talo talay inay biyuhu hoos maraan oo aan alaaba loo isticmaalin ka gudubka wadooyinka ee magaalada Borama ,

16.JPG

Baabuurkan shilka galay ayaa ah kuwa ka dhex shaqeeya  magaalada Borama iyo degmada Wajaale, waxana uu ka  yimid degmada Wajaale.waxaana saarnaa 5 qof , shilkan ayaanay cidi waxba ku noqon shantii qof ee saarnaana ay bad qabaan.
23.JPG

Shabakada Wararka ee Lughaya News oo goobtaasi tagtay saaka subaxnimadii ayaa waxaa noo suurtoobi wayday inaan la kulano wadihii baabuurka , balse mid ka ah rakaabkii la socday baabuurkaasi oo aanu meesha kula kulanay ayaa waxa uu noo sheegay in uu baabuurku uu ka xumaaday biriigu, isla markaana uu qaban waayay biriigu sidaasi daraadeedna uu kula dhacay kaabadaasi.
32.JPG

Dadka ku dhaqan xaafadani uu shilku ka dhacay oo raxan raxan usoo booqnaya baabuurkan ayaa iswaydiinaya fikrad tani ka duwan waxana ay dulucdoodu tahay sabobta gaadhigan marisay wado cageeda oo aan loogu talo galin baabuurta.
51.JPG

Si kastaba ha ahaabtee Baabuurkan shilka galay ayaa wali yaala goobta uu uu shilku ka dhacay,.ciidamada nabadgalyada wadooyinkuna waxa ay hayaan baadhitaan arrintan ku howlan, waana markii ugu horeysay ee shil noocan oo kale ahi uu ka dhaco biriishyada yar yar ee magaalada Borama.
41.JPG
61.JPG

 

wariye-cabdale-cali.jpg
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama