Asaasisihii Koowaad Ee Ururkaan Ahey , Ninkii Xisaab Xidh Sannadeedka Diidenina Isagaa Yaqaan “ Maxamad Siciid

maxamad-siciid-copy2.jpgRiyaad-(Lug)-Sh.Maxamad Siciiid Guuleed (Dheeldheel) oo deggan magaalada Riyaad ee xarunta Sucuudiga ahna madaxa arrimaha dibadda ee ururka Awdal Charity ayaa si kulul uga jawaabey shir jaraa`id oo ay shaley Borama ku qabteen Sh.Xasan Daheeye Axmad iyo Eng.Yasin Nuur Obsiiye, kuna tilmaamey shirkaasi tallaabo lagu taageerayey waxa uu ku magcaabey afgenbigii qaawanaa ee uu ku kacay Axmad Cabdillaahi Tallan oo kamid ah golaha fulinta ee ACS.
 
Sh. Maxamad Siciid waxa uu ku sheegey warbixin uu Lughaya News siiyey inuu aad uga xunyahay Sh.Xasan iyo Eng.Yasin oo sida uu sheegey aamusnaa muddo bil iyo badh ah inay maanta qirtaan inay qayb ka ahaayeen “falkii uu Tallan ku maroorsadey” maamulka dugsiyada al-Aqsa ee hoos yimaad ururka ACS, waxayse su`aashu tahay buu yidhi( maxaa idin aamusiiyey muddadaasi oo aad qarineyseen wixii la qariyo qudhun baa ku jiree), wuxuuna intaa ku daray: haddaad tallaabo toosan u arkeyseen falkaasi maxaad qaraar cad uga soo saari weydeen, uguna soo qori weydeen qaraarkaasi warqadihii rasmiga ahaa ee jumciyadda, maxaase keeney in uu Tallan kaligii ku soo saaro warqad caadi ah oo aan rasmi aheyn).

Mar uu diiradda saarey shirkii shaley iyo war-saxaafadeedkii ka soo baxey ayaa waxa uu Sh,Maxamad farta ku fiiqey inayna jirin wax caddaymooyin ah oo meesha lagu soo bandhigey, oo  garabka Sh.Xasan ubanneynaya taageerada afgenbigaasi, isaga oo ka jawaabaya su`aasha ah in uu jumciyado kale samaystey iyo inkalena waxa uu Sh.Maxamad sheegey inayna jirin wax ka maanacaya inuu jumciyad kale ama iskuul gaar ah ka mid noqdo madaama ayna jumciyaddaasi ama madarasaddaasi wax u dhimeyn Awdal Charity, wuxuuna intaa ku daray in uu gobolka Awdal u baahanyahay tobonnaan jumciyadood oo horumarintiisa  ka qayb qaadata.

Mar aannu wax ka weydiinney asaaska ururka ACS oo ay Xasan iyo Maxamadba mid dhinac ka sheegteen ayaa waxa uu Maxamad carrabka ku dhuftey inay ayaan darro tahay in urur 18 sannadood soo halgemayey maanta lagu murmo ciddii asaastey, waxuuna intaa raaciyey: 4 ta xubnood ee uu Sh.Xasan sheegey waxa ay ka midyihiin 11 xubnood oo aan waraysigii hore ku sheegey, 7da uuna sheeginna waxa ay yihiin Bashiir Xuseen Xirsi, Saciid Axmad Dhider, Axmad Geeddi Qayaad, Cumar Cismaan Dhego-wayne, Xasan Cali Cismaan, Axmad Siciid Aw Ganboole iyo Cabdi Salaan Il-Buro, laakiin ninba meel uu soo gaadhsiiyeyba waxa ku hadhey aniga iyo Sh.Xasan oo howsha wadna).

Sidoo kale Sh.Maxamad waxa uu asaaskii jumciyaddu ahaa buu yidhi maglaadan Riyaad oo uu kalfadhigii koowaad ka dhacey, halkaasoo lagu diyaariyey distoorkii , golayaashii rasmiga ahaa ee ururka  iyo gunnadii tabarruca ahayd ee xubinnimada ururka ( isla sannadkaasi ayaan anigu malafkii ama distoorkii jumciyadda qaadey oo aan Borama ugu geeyey Sh.Xasan Daheeye iyo 26 xubnood oo dhallinyaro ah, sidaasanan ku caddeynayaa inaan ahey anigu asaasihii koowaad ee ururka ).

Mar aannu Sh.Maxamad wax ka weydiinney miisaanka xubinnimadiisa maadaama uu sheekh Xasan Daheeye sheegey inuuna Maxamad meelna ka soo geleyn maaraynta arrimaha dugsiyada islamarkaana uuna kaba tirsaneyn guddida fulinta waxa uu yidhi Sh. Maxamad: (xubinnimadayda iyo awoodahayguba waxa ay ku cadyihiin distoorka ururka, malaha Sh.Xasan waxa uu raadinayaa jumciyad uu kalidii leeyahy!).

Sh.Maxamad Siciid (Dheedheel) waxa uu ayaan darro ku tilmaamey in ay dhinacyada ururku eedeymo ku saabsan musuqmaasuq isku weydaarsadaan laamaha warfaafinta, iyada oo ay habbooneyd sida uu Maxamad hadalka u dhigey in miiska wadahadalka lagaga baaraan dego oo wax walba la isla eego( haseyeeshee xubin kasta oo eedeyn soo jeedisa waxaa looga baahanyahay inuu caddeynteeda ku soo lifaaqo sida aan ku argeyney warbixintii masuulka maaliyaddu uu Lughaya siiyey), isaga oo dabo socda hadalkii ka soo yeedhey Sh.Xasan Daheeye ee ahaa inuu Maxamad Siciid 11 bilood na  soo shaqaysto bisha 12 aadna uu faylal cabashooyin ah Borama la yimaad ayaa waxa uu Sh.Maxamad yidhi: 11ka bilood ee uu Sheekhu sheegey waxa garab socda gudashada xilka weyn ee iga saaran ACS oo iyadana aannaan ku gaboood falin, bishase12aad ee aan fasaxa u tego Borama waa bisha loogu talo gelay kalfadhi sannadeedka ururka iyo xisaab celinta oo ahamiyad weyn ururka ugu fadhiya, ninkii taa diidanina isagaa og waxa uu wado).

Sidoo kale Sh.Maxamad waxa uu si adag u weeraray shir uu Sh.Xasan sheegey inuu la gelay aabbayaasha ardeyda dugsiyada Al-Aqsa iyo madaxda wasaaradda waxbarashada ee gobolka  oo sharciyad siin kara isbaddelladan dabe sida uu Daheeye Sheegey, wuxuuna Maxamad Siciid ugu horreyn daaha ka qaadey inuu u cudurdaarayo aabbayaasha shirkaasi qarsoodiga ah lala gelay oo ah Sh.Maxamad baa hadalka watee kuwo si kale wax loogu sheegey,(markaasi iyaga waan u cudurdaarayaa waxaase la yaab leh wasaaradda tacliinta ee gobolka Awdal ee uu hoggaamiyo Daahir Maxamauud Xaddi oo aan la garanayn waxa shirkaa qarsoodiga ah geliyey, iyada oo uu Dahir ogsoonyahay in dugsiyada alAqsa uu uruka ACS leeyahay kana madax bannaan yahay wasaaradda)waxanaan jelcaan lahaa buu yidhi in uu guddoomiye Dahir Xaddi tuhunkaa lagu soo leexiyey jawaab cad ka bixiyo.

Arrimaha basaska jumciyadda oo ay Sh.Xasan Daheeye iyo Faarax Sidci isku tuurtuureen masuuliyaddoodda ayaa waxa uu Sh.Maxamad Siciid ka yidhi: aniga oo tix raacaya xisaab xidhkii masuulka maaliyadda ee ACS oo sheegaya in labada bas midka yari u shaqeeyo ururka la yidhaa IDIL ka weyn ee Causter-ka ahina uu suuqa ka dhex shaqeeyo, markaa sida ku xusan xisaab xidhka madaxa maaliyadda baska weyn oo kaliya ayaa soo saari jirey lacag dhan 700$ laga billaabo bishii 9aad ee sannadkii 2007 illaa bishii 1aad ee sannadkan 2008, taasoo lagu bixin jirey mushaharka guddida fulinta,baska yarna dhaqaalaha ka soo baxa waxaa isla og oo kaliya Sh.Xasan iyo ururkaasi IDIL oo xisaabiyaha ma soo gaadho. markaa waxaan la yaabanahay Sh.Xasan oo yidhi korontadii iyo biyihii markaan bixin kari waayey baan jumciyadda xidhay tii oo uu dakhliga intaa leegi soo geli jirey jumciyadda oo uu waliba gargaarkii dibadduna dheeryahay).

Sh. Maxamad Siciid waxa kale oo uu si kulul u dhaliiley Eng.Yaasiin Nuur Obsiiye oo uu ku eedeeyey inuu ku tuntey sharcigii ururka, maadaama buu yidhi uu labo xubnood oo Telephone kula xidhiidhey si hubsasho l`aaan ah u raacey” isaga oo aan waxba na weydiin aniga iyo labadii xubnood ee kale oo markaa dhammaantayo aannu wada joogney Borama” waxa kale oo uu intaa raaciyey: marka uu Sh.Xasan leeyahay aniga ayaa u doortey Tallan maamulka dugsiyada, miyuuna ahayn qaraarkaasi mid kali tashi ah, waxaase in la isweydiiyo mudan maamulihii sharciga ahaa ee dugsiga al-Aqsa ee Aadan Ceelaabe  waxa uu galabsadey ee sharafta uu Sh.Xasan uga xayooobiyey iyada oo uuna wax danbi ah ku soo oogin? miyaanuse Sh.Xasan ogeyn in baddelaadda maamulayaasha dugsiyadu ay tahay masuuliyadda guddida fulinta oo dhan?)

Ugu danbeyn Sh.Maxamad waxa uu caddeeyey inuu xal u arko xisaabtan dhab ah oo la isku soo horfadhiisto laguna caddeeyo hantida ay jumciyaddu leedahay iyo distoorkeeda, waxaanan diyaar u ahay buu yidhi in la isugu yimaad miiska wadahadalka oo sannadkanba la igu diidey markii aan Borama tegey, sannad kastana ay arrintaasi dhacdo “oo laga dhuunto xisaabtanka iyo wada hadalka”.

 

Wariye:-
Zakariye Xuseen
Lughaya news-Riyaad