Boorama-(Lug)-Habeenimadii xalay ayaa waxa qabsoomay bandhiga buugii sedexaad ee akhris ah ee ay soo bandhigto madasha Akhrika e Maskax-maal, bandhigan ayaa waxa suura galiyay in uu qabsoomo maamulaga shirkada Telesom Cabdiqaadir Aadan Nuur oo isagu ka gaustay taageero Lacageed. Buugan xalay la soo bandhigay oo ahaa buug si wayn loogu riyaaqay ayaa waxa soo bandhigay Md. Mukhtaar Xasan Maydhane oo ka mid ahaa ardaydiiwax ka baratay jaamacada camuud.
Ugu horayntii ayaa Gudoomiye ku xigeenka bahdan Akhriska ee Maskax-maalMustafe Maxamed Daahir uu ka waramay ujeedada buuga caawa iyo danihii ay ka lahaayeen aasaaskii hore ee madashan isaga oo labadaas is qabadsiinaya ayaa waxa uu yidhi ” Buugan aan ccaaawa soo bandhigayno waa buug aad u taaban doona nolosheen gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo shuruucda iyo cidii looga faa’iidaysan lahaa khladaadka ilaa hada ay galeen madaxda dunida sedexaad waana ujeedo aanan marag u baahnayn oo ka mid ah himilooyinkii aan u aasaasnay madashan.
Intii lagu gudo jiray bandhigii xalay oo ay ka soo qayb galeen dadwaynihii ugu badanaa ee ka soo qayb gala kulanada bandhigyada ah ee ay qabato Madashani ayaa waxa uu Md. Mukhtaar oo bandhigan daadihinayay waxa uu wax badan ka falooday heerarka nolosha, taariikhda, shuruucda iyo waliba qaababka siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee dunida Sedexaad iyo tan Hore-u -martay oo uu si wanaagsan isku barbardhigay. waxa kale oo uu wax badan xusay sida ugu haboon ee nidaamyada caalamiga ahee dhaqaaluhu (Capitalism) uu dunida sedexaad u curyaamiyay isla markaana ugu adeegay dunida hore u martay.
Ma ahayn intan oo qudha balse habeenimadii xalay ayaa waxa uu Md. Mukhtaar iftiimiyay waajibaadka horyaala dhalinta, xukuumada iyo baayacmushtarka Somaliland oo uu carabka ku dhuftay in ay Buugan wax badan ka soo dheegan karaan isaga oo xusay in uu qoraaga buugani (De SOTO) wax badan oo xog ah ka soo ururiyay dalal aan isku nolol dhawnahay oo dunida sedexaad ah.
Waxa kale oo iyaduna habeenimadii xalay ahayd uu Md. Mukhtaar si wayn u iftiimiyay in au dalkeena iyo dunida sedexaadba wax badan curyaamiyeen nidaamka sharciyada ee ay ka soo guuriyeen dalalka hore u maray kuwaas oo aan sidii loogu talo galay u shaqayn, waxana uu tani tusaale uga dhigay sida ay gabi ahaanba dunida sedexaad uga shaqeeyaan ama u guuldaraysteen xeerar badan oo dhunaca dhulka ah.
Madashan oo ahayd mid si wayn la isugu arkay ayaa waxa ay ku soo gaba gaboowday iyada oo Md. Mukhtaar wax badan laga waydiiyay xalalka ay latahay in mushkiladaha jira lagaga bixi karo iyo waxyaabaha uu ku waafaqsan yahay ama kaga soo hor jeedo qoraaga buugan, waxan ay gabi ahaanba waydiimahaas oo socday mudo saacad ku dhawi ku soo gabo gaboobeen si wayn oo loo riyaaqsan yahay, waxana mudanayaashii madasha xalay oo Lughayanews ay la sheekaysatay ay u sheegeen in ay ku dhiiran yihiiin akhrinta buugan The Mystrey of Capital.

Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanew-Boorama