tacsi.jpgHoryaal-(Lug)-dhammaan bahda shabakadda Lughaya News wariyeyaal iyo farsamayaqaannoba waxay meel kasta oo ay joogaanba dhambaal tacsiyeed u direyaan ehelleadii iyo qaraabadii uu ka baxey alle ha u naxariistee wariye Cumar Daaliye Diiriye oo ku geeriyoodey maalintii sabtidii

 magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, waxayna marxuumka ilaahey uga baryayaan inuu ka waraabiyo jannada Firdowsa intii uu ka tegeyna sabirka waafajiyo.

Sida la ogyahay wariye Cumar Daaliye Diiriye waxa uu ka tirsanaan jirey Televisionka Djibouti gaarahaan qaybta Somaliga, iyada oo uu marxuumku RTD -da ku biirey dabayaaaqadii sannadkii 1999 kii, wuxuuna ahaa wakhtiyadan danbe masuulka qaybta Somaliga ee televisionka rasmiga ah ee Djibouti, wuxuuna inta badan sheegi jirey jirey wararka iyo barnaamijyada la xidhiidha, halka uu mararka qaarkoodna daadihin jirey barnaamijka todobaadlaha ah ee la baxey l`hebdo sport ee Fransiiska ku hadla  laguna qaadi dhigo arrimaha sportiga.

daliye.jpg
 marxuum wariye Cumar Daaliye

Cumar Daaliye oo ku dhashey deegaanka Dikhil ee Djibouti sannadkii 1974 kii ayaa sabtidii ku geeriyoodey magaalada Qaahira oo uu muddoba ugu maqanaa tababar warfaafineed, wuxuuna marxuumku u dhintey sida la sheegey xanuun dhinaca kalyaha ah oo uu cisbital u geley . alle ha u naxariisto  wariye Cumar Daaliye.

waxaa tacsida diraya:
1. Wariye Abokor Xasan Caafi
2.wariye Maxamad Cumar Sheekh (Hyene)
3. wariye Cabdalle Cali Yusuf
4. wariye Xasan Ciise Raage
5. Wariye Sakariye Hussein-Quulle
6. Wariye Cumar Maxamed Faarax
7. Wariye Cilmi Yuusuf Cadaawe
8. Wariye Sakariye Carab Cadan (Suxufi)
9. Wariye Ibraahim Maxamed (Zaki)
10.Wariye C/raxmaan Nuur Axmed (Hiiraan)
11.Maxamed Cumar C/laahi
12.Wariye Suleemaan Muuse Cilmi
13.Wariye Sucaad Ismaaciil Maxamed  (Sucaad Sharaf)
14.Wariye Axmed Cabdi Ismacil (Aqli)
15. wariye Foosi Suleiman Aw Biindhe
16. wariye C/Raxmaan Daahir (labo alif)
17. wariye C/Fataax Daahir Cige

lughaya news