Borama-(Lug)-Gudoomiye ku xigeenka G/Awdal Cabdi Nuur Sugaal ayaa goordhawayd u kala wareejiyay xilka Gudoomiyenimo ee degmada Xariirad
Gudoomiyihii hore ee degmadaasi ahna Maayarka degmada Saylac Maxamed Cumar Cawad iyo Gudoomiyaha Cusub Geesh Aadan Bille.
Munaasibada Xilwareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibada, Wasiirka Hidaha iyo Dalxiiska , W/ku xigeenka Warfaafinta Badhasaabka G/Salal, Xildhibaano, Odayaal iyo Gudoomiyaha degmada Garbo dadar Md.Aadan Jacayl.
Afhayeenka Waftigan ahna W/ku xigeenka W/Warfaafinta Md.Cali Cilmi Geele oo khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay Khadka Shabakada Wararka Lughayanews ayaa u sheegay in Xilwareejintani ay u dhacday si wanaagsan isla markaana ay Saacadaha iyo Maalmaha fooda inagu soo haya Goobjoog u noqon doonaa Xilwareejinta Badhasaabka G/Salal iyo Gudoomiyaha degmada Garbodadar.
Xilwareejintii Maanta ayaa Gudoomiyihii hore ee degmada ahna Ahna Maayarka degmada Saylac Md.Maxamed Cumar Cawad waxa uu ka mahadnaqay sidii loola soo shaqeeyey waxana uu ku dardaaray Gudoomiyaha Cusub inaanu Cadaalada ka tagin, Marwalbana usoo jeedo horumarinta degmada Xariirad.
Badhasaab ku xigeenka G/Awdal oo isagu labadan Masuul xilka u kala wareejiyay ayaa si wayn ula dardaarmay Gudoomiyaha Cusub ee Xariirad waxana uu sheegay in Magaalada Xariirad ah tahay magaalo u baahan Maamul xoogan isla markaana daacadnimo ugu shaqeeya dadka reer Xariirad.
Si kastaba ha ahaatee waxa la filayaa in Laamaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Salal ay si dhakhso ah howlahooda u bilaabaan isla markana la jaan qaadaan nidaamka Cusub ee loo sameeyey.
Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " War Deg Deg ah: Gudoomiyihii Cusbaa Ee Degmada Xariirad Oo Xilkii La Wareegay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback