Ilaahay ayaa mahad oo dhan u sugnaatay naxariis iyo nabadgelyo buuxda korkiisa ha ahaato Nebigeenii Muxumed. C.S.W, marka xigta waxaan doonaya inaan iftiin kooban ka bixiyo qoraal aan dhawaan warbaahinta u diray oo ku saabsana aragtidayda gaarka ah ee ku saabsan haddii uu Muuse Biixi Cabdi lagu soo daro golaha xukuumadda ee nawilkeeda looga fadhiyo Madaxweynaha la doortay Oday Axmed Siilaanyo.
Anigoon biyo dhac badan yeelan gundhiga qoraalkaygana doonaya inaan dharaar cad uga dhigo waxay gontiisu tahay ayaan doonaya horta inaan xasuusiyo kuwa shakhsi ahaan aniga igu lifaaqaya shakhsiyado ay ehelnimadu naga dhexayso inay ka danbeeyeen fekerkaygii aan ku cabiray sidaan u arko in Muuse lagu soo daro golaha wasaaradda, “ilaahay i abuuray ee dunida unkay ayaan ku dhaartaye inaanan wax xidhiidh ah aanan wakhtigani lahayn Cismaan Cabdilaahi Cigaal oo iigu beegan Abtinimo” inbadan oo qoraaladayda akhridayna dabcan waxay ka dheregsantahay garabkii iyo gaashaankii aan u huray iyo taageeradii aan la garab istaagay Xisbiga KULMIYE iyadoo wallow ay inbadan ay ka dheregsanayeen inuu Cismaan ka tirsana UDUB.
Weligay intaana noola ee aan wax qoro ama aan wax ifafaleeyo waxaan fekerayga xalaasha ah ka ilaaliya inuu qof saamayn ku yeesho, waxaan ku gorfeeya ama ku tacabira mustaqbalka siyaasadda dalkan aan jecelahay ee Somaliland waxaan hadba u arko inay dani ugu jirto, waxay tilmaantaydu tahay inaan tallo iyo tusmo midna lagu gaadhi karin shakhsi jacayl balse dal iyo dad jacaylku uu ka weynyahay, waxaan markasta u taagnahay oo aan tusaale u noqonaya ha i dhawaado ama ha iga fogaado eh inaan qallinkayga la dul istaago qofka aan u arkaayo inaanu danta dalka ku jirin iyo inaan ku taageero ka dalka dan u ah wakhti kasta.
Waxaan Carrabkiisa akhristow ka haya Axmed Siilaanyo madaxweynaha la doortay “Siyaasaddu saaxiib ma leh” taasi waxaan uga leeyahay waxaa dalka u yaalla hawlo badan oo u baahan dad bisil oo u badan dhiig cusub, lana jan qaadi kara siyaasadda casriga ah ee maanta, isbedelka macnahiisa uma arko Muuse Biixi oo 17 sannadod ka hor wasiir ahaa oo aan hore u dhadhamiyey haddana sunaheeda ha ii laqimo waxay ka dhigantahay xikmadii falaysoforkii Jarmalka ahaa Hatton Munich uu ku qoray buuggii Siyaasadda nolosha ee uu kaga hadlaayey siyaasadda dalalka koonfurta aasiya ee u badan wajiyada soo laalabta “koonfurta aasiya waxaa la degay mataatiir gaandhiyada iyo buutayaasha qoysaskoodu ay iska dhexlaan”.
Waxaan doonaya inaan bulshada u iftiimiyo inaanan necayb gaar ah u qabin Muuse Biixi aan ka ahayn waxay noloshiisu bartay mujtamacaha Somaliland, waxaan jecelahay inaan u iftiimiyo inta lexo jeclo ka leh ummadda iyo dalka inaan meelna lagu gaadhi karin shakhsi jecayl, Haddaba waxaan jecelahay bal inaan inyar iftiimiyo waxaan anigu ka bartay Muuse Biixi Cabdi:
Wakhtigu wuxuu ku beegna 18 kii bishii May 2006-dii Xisbiga KULMIYE ayaa wuxuu marti qaad u fidiyey badiba dadweynaha ku dhaqan gobolada dalka oo weliba dadka martida loo fidiyey waxaa u badna dadka aan taageersanayn siyaasadda xisbiga KULMIYE waxaa kooramka sare ee hotelka Maansoor fadhiyey oo madasha muuqaal uga ahaa xisbiga KULMIYE afar xubnood oo kala ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Muuse Biixi Cabdi, Dr. Axmed Xuseen Ciise, iyo Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi, meel aan kooramka sare ka durugsanayn waxaa lagu sooryeyey Yuusuf Cabdi Gaboobe oo isaga loo xil saaray inuu uruuriyo isla markaana shaaciyo waxaa ka soo baxa feker isweydaarsiga uu Kulmiye martigeliyey.
Waxaa Bilaabantay barnaamij u badna dood iyo feker isweydaarsi ay is dhaafsadeen Hogaanka Xisbiga KULMIYE oo ay mataleyeen afarta masuul ee aan magacyadooda soo sheegay iyo dadweynahii u badna inta aan taageerin xisbiga KULMIYE, waxaa loo yaboohay dadkii madasha lagu martiqaaday inay su’aalahooda weydiin karaan siyaasiyiinta waxaa su’aashii ugu horeeyey lagu martiqaaday Wiil dhalinyaro ah oo isagu wax ka baranaayey Jaamacadda Camuud ee deegaan ahaana ka soo jeeda gobolka Awdal waxanay akhristow su’aashaasi u dhignayd sidani “Waxaan doonaya in KULMIYE ii sharaxo haddii aanu bal doorano waxay kaga duwanaan karaan xisbiga UDUB ee hadda tallada haya????” akhriste dulucda su’aashaasi waa mid nuxurkeedu yahay mid aad u balaadhan balse ay fududahay hadda eeg ay fududahay sida siyaasi afrikaan ahi uga jawaab celin karo, muddo ayaa madasha gadh hayeenkeedii KULMIYE is eeg eegay waxaa la isku qabtay cidii jawaab celin lahayd waxay indhahaygu arkayeen Muuse Biixi oo aad ugu deg degsan inuu noqdo qofka jawaabta bixiya, waa loo daayey Muuse ayaa cod-baahiyaha loo dhiibay muxuu ku jawaab celiyey:
“Adeer mee yarkii su’aasha i weydiiyey, haa kac kumee!! adeer inaad su’aashaasi oo kale inaad na weydiisaba maaha, anagoo dhiigayaga iyo dheecaankayagii u daadinay dalkani oo naftayadii siinay ayaad kuwii aanu ka xoraynay naga dooratay, anaga inaad na weydiso maaha orod oo kuwaad dooratay weydii”"”"” ayuu Muuse ku soo gunaanaday jawaabtii, madasha waxaa ka dhashay buuq iyo sawaxan waxay indhahaygu qabaneeyeen Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi iyo Axmed Siilaanyo oo dhegta wax isku weydaarsanaayey, kollay dareenkii masuuliyiinta kale wuxuu ku noqday naxdin iyo anfariir, waxaana cod baahiyaha la wareegay Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo dabcan hadalkii Muuse ka soo baxay qiil u sameeyey “Xisiga KULMIYE waa xisbi ay isku tageen unugii aqoonyahanka, waxgaradka iyo intii bulshada u ehelka ahayd, kollay haddaanu KULMIYE nahay waxaanu leenahay waayo aragnimooyin kala duwan Muuse hadalkiisana maaha mid xun eh wuxuu keliya ku yar daray intii askarinimada” ayuu yidhi Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi.
Anigoo yaaban oo la yaaban dareenka noocaasi ah ee Askari ka xuubsiibanaya asluubtii ciidamadda una xuubsiibanaya qaabkii bulshada rayidka ah ka soo baxay ayaa aniga oo marka ka hawl galaayey telefishanka HCTV waxaa subax arooryaad oo aan wakhtigaasi kaba fogayn xafiiskayga la iigu keenay qoraal ah in aanu ka soo qayb gallo Shir jaraa’id oo KULMIYE ku qabanayaan maalinta xigta subaxnimada xarunta xisbiga KULMIYE, waxaan marka go’aansaday inaan anigu shirka jaraa’id tago, waa subax sabti soo gallaysay waxaan imid xarunta XISBIGA ee ku taalla xaafaddda Shacabka ee magaalada Hargeysa.
Waxaa naloo qaybiyey waraaqo ku saabsan nuxurka shirkaasi jaraa’id waxaa naloo sheegay in shirka jaraa’id uu qabanayo Muuse Biixi Cabdi, waxaan goobta ugu tagay weriyayaal badan oo ka kala socday qaybaha warbaahinta dalka, waxaan hore u gallay gudaha xarunta waxaa goob aan ka fogayn daaradda shirka jaraa’id lagu qabanaayey isla markiiba ka soo baxay Muuse Biixi intaanu hadal afkiisa ka soo bixin ayuu dhinacyada eeg eegay, anigoo marka dareenkaygu i siiyey inuu raadinaayo cid ka maqan shirka jaraa’id, wuxuu yidhi “hebel iyo hebel maye, waxaa soo kacay laba qof oo marka ka tirsana weriyayaashii warbaahinta wuxuu yidhi halkani soo fadhiista waa meel agtiisa ahayde eh, anigoo marka dareenkaygu u jeedo laakiin warbaahinta kale iyo dadka meesha joogay ku mashquulsanayeen diyaar garowga shirka jaraa’id ayaan arkay waraaqo la soo daabacay oo uu si gaar ah Muuse ugu qaybinaayey qaar ka mid ah warbaahinta, mid ka mid ah ayaan weydiiyey oo aan ku idhi “waraaqaha koobi ka mid ah ma heli karaa” laakiin jawaab kama helin.
Muuse Biixi wuxuu bilaabay nuxurka shirka jaraa’id markii uu dhamaystiray ayaan damcay inaan marka farta taago oo aan ka mid noqdo dadka su’aalaha weydiinaya wuu i ag maray wuxuuna su’aasha siiyey mid ka mid ah xubnahii waraaqaha loo qaybiyey, su’aal ayuu weydiiyey si deg deg ah oo aad moodo inuu diyaar garaw badani ka muuqdo ayuu u jawaab celiyey, haddana wuxuu fursad siiyey mid kale, su’aal kale ayaa la weydiiyey haddana wuxuu ku jawaab celiyey jawaab aad moodo in saacado badan la soo akhriyey, anigoo dareen badani i gallay ayaan marka boobay su’aasha waxaana si dareen diidmo badani ka muuqdo uu muuse farta iigu soo fiiqay “haa adeer adiga inankaagasow” dabadeed su’aal ayaan Muuse weydiiyey waxaanay su’aashu ahayd mid la mid ah tii uu wiilkii reer awdal weydiiyey laakiin u dhignayd sidani “Muuse inbadan ayaad siyaasadda dalka ku soo jirtay dadka reer Somaliland waxay qaranimo gaadheen 1991-kii halgankii dalka ka dhacayna wuxuu ku dhamaaday is cafis iyo in qaranimo looga xuubsiibto geedigii halganka iyo qabiilka, marka feker ahaan ma kula tahay adigu weli halgankii SNM ayaad ku jirta? Muuse oo aan jeclaysan su’aashan weydiiyey wuxuu iigu jawaab celiyey “adeer magaca!!! imisa jir ayaad tahay” balse su’aashaydu waxay haddana noqotay “muuse su’aal ayaan ku weydiiyey da’dayda kama aynaan hadlaynine jawaab isii fadlan” “inan yar ayaad tahay inaad adigoo kale su’aal i weydiisana maba aha” ayuu Muuse ku jawaabay.
Akhristow Gunta iyo gunaanadka qoraalkaygani ayaan naftayda weydiin kara fekerka Muuse Biixi ee damaca wasiirnimo iyo doonistiisa hogaanka dalku ma noqon kara mid qarranka dhan ee Somaliland la yidhaahdo ee ilaa berri ilaa galbeed somaliland ku teedsan ay mahadiyaan, anigoo waxaan dabcan aaminsanahay in la joogo wakhtigii dadka dhiigga cusub la tijaabin lahaa, fursad la siin lahaa dadka wax bartay ee la socda siyaasadda casriga ah ee ku dhisan aqoonta iyo ilbaxnimada furfuran. Muuse iyo waayeel badan oo kalaba wakhtigoodii way soo qaateen inabdana shacabka degen Somaliland way is yaqaanaan, isbedelka aan Axmed Siilaanyo ka sugaya caqligayga gelin mayso Muuse Biixi oo 17 sannadood ka hor ahaa wasiir in maanta dib la iigu soo celiyo.
aan ku soo gunaanado tixdii abwaankee uu yidhi:
Shacigeeda dura baxay
Dawadaydu kuma taal
Da’day maanta joogtana
Haddii loo kitaab dayo
Waxay daaqdo mooyee
Waxay deeqdo lama cuno
Malaa waa duqawdee
Haddii layska deyn laa
Dulmigay ku tarantoo
Dacawooyinkaa badan
Boqol baa ku daba jira!
Intuu daalac leeyahay
Ninka doonan karayaa
Dacwad qoro ma liqi karo.
Marka deelba deel cuno
Anaa tayda diirtee
Toban daawo lala galo
Derejiyo xil lagu taxo
Ama duunyo lagu qubo
Uma korin darmaantee
Waxaan duullan u cuskaday.
Inaan duug ku hubin karo
Madal iyo shir ila da’a
Inaan dood ka odhan karo
Inaan daahan garan karo
Dibnahayga bari karo
In la diidi karo yeel
Anigiyo dedaalkay
Inaan door ka filan karo
Anoo doogsin cararkii
La durduriyey haamaha
Inaan roob I daba maray
Ufadiisu igu digan
Debeciyo is dhigashada
Haddaan duulo halabsiga
Inaan hoos u degi karo
Dersi qudha ka dhigo laba
Dakharrada kol igu dhacay
Misna inaanay doog noqon
Ilaa daayin igu shidan
Daribtayda malabka leh
In dugaaggu nici karo
Inaan doogistaydiyo
Danahayga labadaba
Nin direyska igu qaba
Dummaddiisa lagu xidhin
Dad inaanu kala noqon
Dangalooyin kala jira
Si la dayaba aayaha
Dur u tuuran maayee
Dufan iyo nin jecelow
Rido adigu daabaca
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
West Midlands, UK
diridhaba@gmail.com
Fikradda Qoraagu Kama Turjumayso Aragtida Lughayanews
No user commented in " Anigu Maxaan Ku Diiday Muuse Biixi: Aqoon Intee Le’eg Ayaan Ka Kasbaday Muuse Biixi: “Anigoo Dheecankayga U Daadshay Ayaad Reer Awdal Doorateen”" Weedhahii Muuse "
Follow-up comment rss or Leave a TrackbackLeave A Reply